Maalinta Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Adduunka oo laga xusay Hargeysa – World Nurse Day.

Hargeysa 16/05/2017 (Warbaahinta KULMIYE) – Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, mudane Muuse Biixi iyo Xubno kale oo xisbiga ka tirsan ayaa ka qeyb galey xaflad balladhan oo maanta lagu qabtey Machadka Culuumta Caafimaadka ee Magaalada Hargeysa. Maamulka Machadka ayaa sheegey in ay tahay maalintii labaad ee machadkaasi xaflad lahaa ee Muuse Biixi si lama filaan ah uuga soo qeyb galo. Muuse waxa uu uugu jawaabey in Ilaahey uu uugu mahadnaqayo inu maanta noolyahay. Ilaahey ka sakowna uu abaal u hayo dhakhtarada iyo Kalkaaliyayaasha caafimaadka. Waxa uu sheegey in dhakhaatiirtii ay ka mid ahaayeen Dr Ismaaciil Cali, Dr. Cabdiraxmaan AW Koombe, Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed, Dr. Garaad iyo dhakhtaro kale oo badan iyo kalkaaliyayaashii caafimaadka ee la shaqeynayey ay badbaadiyeen kumanaan muwadiniin ah oo askartii dawladdii hore ay dhaawacdey 1988.

Gud. Muse waxa kale oo uu ka warramey xilli ay miino kula kacdey dagaalkii oo uu ku miyirsadey isaga oo ay qasabado badani ku rakibanyihiin oo ay kalkaaliyayaal caafimaad daweynayaan. Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegey in Dhakhtarada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku ay yihiin laba qof ee uu uugu ixtiraam badanyahay, si daacad ahna uu niyadda uuga jecelyahay. Musharaxu waxa kale oo uu sheegey in mihnadda kalkaaliye caafimaad ay ka mid tahay shaqooyinka loogu baahida badanyahay. Mareykan iyo Ingiriis iyo Canada iyo Australia, kuligood waxa ay kalkaaliyayaal caafimaad ka soo qaataan dalal kale.

Waa farxad ah in Soomaaliland ay maanta yeelatey dhalinyaro hablo iyo inamo ah oo tababar fiican qaba oo iyada oo duruuftu adagtahay u shaqeynaya waddankooda.

Hambalyo inta ka shaqeysa Caafimaadka oo dhan.