“Komishanku wuxuu ixtiraamayaa, kuna camalfalayaa heshiiskaa ay la gaadheen xisbiyada siyaasadda, doorashooyinkuna waxay dhacayaan October iyo December 2008”

Komishanka doorashooyinka oo gaashaanka ku dhuftay ku shaqaynta mudo kordhinta Guurtida

“Komishanku wuxuu ixtiraamayaa, kuna camalfalayaa heshiiskaa ay la gaadheen xisbiyada siyaasadda, doorashooyinkuna waxay dhacayaan October iyo December 2008”

Guddiga doorashooyinka Qaranka

Hargeysa (Ogaal) – Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa cadeeyay in wakhti howleedka ay u qorsheeyeen diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha iyo qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha hoose ay yihiin sidii hore Axsaabta siyaasada iyo Komishanka doorashadu isula gaadhay. Islamarkaana heshiiskaasi wada jirka ah ay ixtiraamayaan kuna soconayaan.

Warsaxaafadeed Gudiga doorashadu soo saaray shalay ayay ku cadeeyeen mar kale arrintaasi waxa uu u qoraa. ”Komishanka Doorashooyinka Qaranku:

– Markii uu arkay qodobada Dastuurka ee la xidhiidha sharciyadda Komishanka iyo shaqadiisa.

– Markii uu arkay Xeerka Doorashada, Xeer No. 20/2001, qodobkiisa 14aad, farqaddiisa 1aad iyo awoodda uu u siinayo Komishanka inuu cayimo wakhtiga Doorashooyinku dhacayaan.

– Markii uu tixgeliyey ra’yiga guud ee bulshada iyo ka axsaabta siyaasadda, isla markaana garawsaday muhiimadda sii wadista iyo joogteynta geeddi socodka dimuqraadiyadeed si loo gaadho is-faham siyaasadeed oo wakhtiga dheer Somaliland ku socoto.

– Markii uu wadatashi ballaadhan oo dhinacyo badan leh la sameeyey qayb ballaadhan oo ka mid ah dadweynaha Somaliland, ayna ku jiraan wakiillo ka socda ururrada bulshada iyo natiijada aqoonta buuxda ee aanu u leenahay xaaladda gobolku wakhtigan ku sugan yahay iyo codbixiyayaasha maxalliga ah ama bulshada dalka gudihiisa, isla markaana aanu yaqiinsan nahay muddada kooban ee ka hadhsan wakhtiga doorashada.

Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran waxay ku heshiiyeen dariiq shaxaysan (Road Map) loo marayo diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo wakhtiyada doorashooyinku dhacayaan (elections Time table), kuwaas oo kala ah:

1. Diiwaangelinta Codbixiyayaashu maalinta ay dhammaanayso 05/10/08

2. Doorashada hore maalinta la qabanayo 06/10/08

3. Doorashada labaad maalinta la qabanayo 31/12/08

“Komishanku wuxuu ixtiraamayaa, kuna camalfalayaa heshiiskaa ay la gaadheen xisbiyada siyaasadda, kaas oo ka soo baxay wadaxaajoodyo horseeday heshiis saxeexan, dhinacyada ay khusayso oo dhamina u arkaan wax la isla wadaqaatay oo heshiis lagu yahay.

Waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer Somaliland inay dulqaad yeeshaan, siina wadaan nabadda iyo xasilloonida,” ayuu Komishanku ku soo gebagebeeyey warsaxaafadeedkiisa.

Waxaana wada saxeexay dhammaan xubnaha Komishanka, marka laga reebo xubinta dibadda ka joogta shaqada, Mr. Axmed Maxamed X. Daahir, kuwaas oo kala ah:

1. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Guddoomiye)

2. Xirsi Cali X. Xasan (Guddoomiyekuxigeen)

3. Ismaaciil Muuse Nuur

4. Jaamac Maxamuud Cumar

5. Maxamed Yuusuf Axmed

6. Xasan Maxamed Cumar.”