“Laga Bilaabo Bisha May Madaxweynahu Waxa Uu Noqanayaa Muwaadin Shacabka Ka Mid Ah” DR GABOOSE

Waxa aan ka hadlayaa oo aan laba u kala qaybinaynaa, Arrimaha Doorashooyinka iyo arrimaha muddadii xilka uu madaxweynuhu hayay oo gabogabo ah oo wakhtigeedii dhamaaday.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo shalay ay waraysi la yeesheen Wargeyska Geeska Afrika iyo Idaacadda Radio Horyaal ee Internetka laga dhagaysto, waxaanu intaas raaciyay.
Dr. Gaboose, ugu horayn isaga oo ka hadlaya arrimaha doorashooyinka waxa uu yidhi “Arrimaha doorashada, madaxweynuhu isaga oo jooga iyo dad kale oo jooga, ayaa la qaban karaa, iskuma xidhna, waa xil ummada loo hayo, doorashaduna waa arrin Komishanka iyo Axsaabta ka dhaxaysa, markaa doorashooyinka waa la kordhin karaa haddii ay Axsaabta, Komishanka iyo cidda ay khusaysaa isla gartaan duruufaha. Laakiin taasi saamayn kuma laha xilka Madaxweynaha wakhtigan. Waayo, madaxweynuhu waxa uu ku fadhiyaa waa sharci, distoor. Distoorkaa waxa u codeeyey shacbi-weynaha Somaliland, waxa ay u qeexeen muddada uu xilka haynayo iyo haddii ay aafooyin nabadgelyo ahi yimaadaan, sida loogu kordhin karo ayay qeexeen. Markaa meesha waxa ku jiraa waxa weeye Madaxweynuhu wixii ka soo hadha aafadaa qaran ee nabadgelyada ah, in uu xaqiijin-waayo in dalka doorasho ka dhacdo, ileen isaga laftigiisu codka doorashada shacabka ayuu ku joogaaye. Markaa waxa weeye 14 April, waa markii doorashooyinku dhaceen. Hase yeeshee, isaga waxa uu xilku kaga eegyahay sida qodobka 88 ee dastuurku qorayo, waa maalinta la dhaariyo, taas oo ah badhtamaha bisha May.
Maxaa lagu kordhin karaa: gole dalka ka dhisan oo u kordhin karaa ma jiro. Waayo sababta kaliya ee ay ugu kordhin karaan waxa weeye arrimo nabadgelyo oo saameeya dalka Somaliland oo dhan….

Somaliland maanta waxa ay ku faantaa waa nabad gelyada, waa waxa kaliya ee ay ka iibiso caalamka. Markaa cid odhan kartaa ma jirto nabad gelyo xumo ayaan doorashada loo qabanayn. Sidaa daraadeed, awood uma laha Guurtidu in ay kordhiyaan madaxweynaha. Lada gole oo la isku daraana awood uma laha in ay u kordhiyaan. Labada gole iyo maxkamadda dastuuriga ah oo la isku daraana awood uma laha in ay u kordhiyaan.
Markaa Madaxweynuhu laga bilaabo badhtamaha bisha May, waxa uu noqonayaa muwaadin shacabka ka mid ah, oo wax awood qarana iyo milgilhii madaxweynaha aan lahayn. Haddaba marka, bacdamaa arrintaasi ku soo fool leedahay dalka. Komishanku waxa uu ka hadlayaa isagu waa doorashooyinka, haddii dib loo dhigo iyo haddii la soo hor mariyo, qodobkaa dastuuriga ah ee Madaxweynuhu ku fadhiyo mid Komishanku jabin karo maaha, mid axsaabtu jabin karaana maaha, waa mid shacbiga codkiisa kaliya ku xidhan, shacbiguna wuu qeexay. Arrintan iyo arrintan ayaa dhacday, xeel farsamo ha ka ahaato, waa waajibaadkii shacbigu siiyay oo uu ku yidhi shantaa sanno ku xukun.
Markaa waxa aan aad iyo aad u qiimaynayaa mawqifka guddoomiyaha xisbiga UCID, Mawqifka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo iyo shacbi weynahaba, waxa weeye marka madaxweynaha wakhtigu ka dhamaado in aanu xilka sii wadi karin, wixii uu ku sii wadaana ay tahay boob iyo wax aanay ummadu qaadi karin.”
Rajo intee leeg ayay Axsaabta iyo adiguba aad ka qabtaan marka muddada madaxweynuhu dhamaato, in Madaxweynuhu sidii Lubnaan oo kale xafiiska baneeyo?
Haddii aynu arrinta ka dhigno Madaxweynuhu muxuu ka qabaa, arrinta macnaheedu waxa weeye, dalku Axsaab ma leh, Hay’addo kala saara ma leh, wax walba isaga ayaa ah, ayaa laga wadaa su’aasha noocaas ah. Kol haddii wakhtigii ka dhacay, saacaddiina way ka dhacday, cid danbe oo ku haynaysa aqbalaad madaxweyne ma jirto. Markaa waa in dalkan doorasho loo dareeraa ummada Somaliland oo dhan. Markaa Madaxweynuhu wuu ogyahay, shacbiweynuhu wuu og yahay, Golaha Guurtidu wuu og yihiin, in anay jirin cid u kordhin karta Madaxweynaha, masiibo dalkan ka taagan haddii aan hadda la sababayn, oo dastuurku qeexayo. Markaa anaga nama khusayso in uu ka soo dego iyo in uu ku dhago. Sida quruxda badani waxa weeye, sidii sharafta lahayd ee uu ku fuulay in uu sidaa uga soo dego, sida sharafta lihina waxa weeye in uu qiimeeyo dastuurka. Markaa ummada ayay u taalaaye, isagu waa madaxweyne Afrikaan ah. Madaxweyne Afrikaan ahna ka filimayno in uu garawsiiyo siiyo dastuurka, tii qaran ayaan kaaga filan oo uu leeyahay urur ma jiro, waxa kaaga filan xadhigayagii, waxa ka dhigan Maxkamadahan magaciisiga ah ee leh ma codayn kartaan ma waxayn karaan xidhiidhada aasaasiga ah, markaa waxaas oo dhamina waa habdhaqanka madaxweynayaasha afrikaanka ah, kiiniyana waad arkaysaan waxa ka dhacaya, ta Saanbiya ka dhacaysa, Kursiga marka ay fuulaan ayaa waxa ka guuraya xushmadii iyo dadnimadii iyo war waxani meel xun bay ku geynayaan, xataa daraasad wanaagsan malaha badidood. Waayo, waxa ay badi dalka u horseedaysaa burbur iyo dhibaato ka weyn waxa ay maskaxda ku hayaan, waxa cajabiya dhowr ciidan ah, waxaanay maskaxda ku hayn in ciidanku ka kooban yahay umadda oo ay wada leeyihiin oo haddii ay xaaladu murugto sawirku aanu noqonayn. Markaa waxa uu ku sii joogi karaa waxa weeye isaga oo aan madaxweyne ahayn in uu yidhaahdo xoog baan ku sii joogayaa, markaa xoogaana wakhtigeeda ayaa la arki doonaa.
Muxuu yayhay Xalka aad u aragto in lagaga bixi karo arrintaas?
Shacbiga Somaliland, Axsaabta mucaaridka ah iyo golayaasha dalka ka dhisan iyo ciidamada, waxa aanu rabnaa in aanu u sheegno xaqaa’iqa dhabta ah ee hor imaan doona maalmo yar ka dib. Xaqaa’iqaas oo ah:
1. In aanu dastuurku u ogolayn madaxweynaha maalin kale in uu madaxweyne noqdo haddii aanay jirin sababaha dastuurku halkaasi ku qeexayo, oo ah masiir qaran.
2. Arrintaa waxa lagaga bixi karaa waxa weeye caqliga saliimka ah iyo cilmiga bulshadu leedahay in la ilaaliyo, in labada gole ee sharci dejintu wada fadhiistaan, in dawlad ku meel gaadha oo axsaabtu wada leeyihiin oo u siman yihiin oo farsamo ahaan loo doortay muddo kooban oo shinkoodu yahay in ay doorashooyin dalka ka qabtaan. Anigu waxa aan u arkaa in aanay waddo kale u furnayn Somaliland. Waxaanan u arkaa in Hay’addaha dalku badbaadiyaan dalka.

Source: Wargeyska Geeska Afrika