Arooskeed Ka Mashxarado Isma Hubsataa La Yidhaahdaa

Axmed Yuusuf Ducaale

OPINION

Arooskeed Ka Mashxarado Isma Hubsataa La Yidhaahdaa

Alalagta iyo ammaan daradu waa bur-burinta Somaliland waxana muqaawil ku qaatay abaal laawe Daahir Riyaale Kaahin iyo SANAMADA Guurtida Jooga.

Cimrigaynu talo Dal iyo Dad weydiinayno, waxa loogu yeedhaa Luqadda Carabiga (sheykhuukha) waa asaasaqnimada waxay yidhaahdaan “acdii walaa tas-al” sii oo ha’ weydiin/ ha’ warsan.

Waxa ayaan darro ah in kuwa kale ee guurtida ku weheliyaa dumarka iyo carruurtooda ugu faanaan Guurtibaan ku jiraa oo talaan tusmo ku gooyaa. Xubinimadoodu ma’ dhaafsana intaa iyo inay madaxtooyada ku galaan doodii anigaa ugu qaylo dheeraa oo mucaaradka maanta miiska ku garaacay.

Halka ina Riyaalena ku horjoogo dhufaanada madaxtooyada. Bal jeedaali wasiirkii dhammaa ee daakhiga wuxuu ku hadlayey “mucaaradkaa qarxiyey buu yidhi” wuxu tuuray oo lumiyey xilkii iyo mas’uuliyaddii uu hayey oo wuxu ka doortay hafarkii caadada u ahaan jirey NSStii aynu is eednay illeen waayo aragnimo kale ma’ haysto e’

Wuxu kaloo ku dhiciwaayey wasiirku inuu tuhunka halkuu lahaa ka dayo. Waxa tuhunka qaraxa ugu dhowaa Cabdullaahi Dheere Xoghayaha Guurtida kaasoo waqti aad u kooban horteed ka baxay guriga qaraxu ka dhacay.Isagaana u lahaa ruqsad (access) uu ku galo qolalka shi-gudoonka. Waxa iyana laga shaki qabaa inuu maamulku gacanweyn ku leeyahay qarixii shalay kadhacay Guriga guurtida, iyadoo lagu marin habaabinayo doorashada iyo aqoonsigii Somaliland ee al-baabka garaacayey.

Hadaba waxaasoo dhan waxa laysku illowsiinayey layskuna hallaynayey oo la’ naawilayey G.wakiilada ee la’ doortay. iyana nasiib darro waxay noqdeen neef dhicis ah oo naftu ku negaatey oo lakala saari waayey baqti iyo noole kuu yahay.

Halkaa haday gaadheyna waxa lagama maarmaan noqotay (nin la’ toobaay talo gaadhey e’) shacbi weynaha reer Somaliland oo isku duubnaani ha’ iska hortaagaan keli talisnimada iyo dadafeenta dimuqraadiyadda iyo doorashoonkii loo ballansanaa.

Shakiga iyo qayla dhaanta waxay bilaabeen xisbiyada macaaradka ahi iyo saxaafada xorta ahi waqti aan dhoween. Axmed Yuusuf ahaanna akhristow ma’ yaraysan qoraal iyo qalo toonna (dhaaxaan qalaadee dheg baan jalaq la’iisiine) miyaanay muddadii fogeed ee aan ka digayey soo duubmin oo soo dhowaan? miyaanay rumoobin sababtii guurtida looga dhaafay inay doorasho galaan oo 4 sanadood loogu cayn iyo bayd giijin?
Miyaanay ahayn oo cadayn waxa qaraxyada loo samaynayaa mudo kordhintan maanta la’ shaaciyey?

Waxan aad uga xumahay wax laga samrrona ahayn, waxaynu dammal ridney waxaynu doobab dooxnay waxaynu dureemo jiidhnay waxaynu dooxyo jeexnay waxaynu daahyo goyney waxaynu dabaabado gubney waxaynu diricyo aasnay waxaynu dumar agoomaynay waxaynu daaro duminey, Dawlad xoraan dhaafso lahaaye ma’ dillaallaan u loogney?

Waxad dadweynow ogaataan xoogga iyo awooduba gacantiinay ku jirtaa ogaada. ina Riyaale awooduu ku hanjebayaa iyo adduunkuu qaybinaaba waa kaad ka qatantihiin waa kaad ka gaajoonaysaan waa kaad ka darxumoonaysaan.

Dadweynow ina Riyaale ishuu idinka hooyey marku hubiyey 3 Miisaaniyadood oo maqan oo uu isagii si caadi uga hadlayo sharciyo, distoorro, iyo xeerar.

Markuu ogaadey in aan qoorweyntii xabsiga loo taxaabay cidi xaalayn, waa inuu ku xarragoodaa xumaanta shacka iyo ximrre uga faal-rogga.

Markuu ogaadey in dadkuba dhoohanyihiin oo asqaysan-yihiin. Oo haduu Qorraxdaa muran geliyo uu arkay qaar leh waa runtii waa sax oo weliba dhaar ku maraya ayuu ku dhiiradey wuxuu denbiyo gacmaha kula jiro.

Markuu ka shaki baxay inaan laga damqanayn mashqaca laydin xulinayo tii horena uu ogaa ayuu gudoonsadey inuu fogeeyo oo foororiyo waxaynu xinjiraha u qubnay.

Waxan leeyahay Daahirow waa liidnimo ninka illaawaa siduu ahaa iyo sida loo wanaajey.
Daahirow nimanka kugula talinaya xumaanta kuuma raacayaan aakhiro, ifkana waxaba laga yaabaa inay iyagu markhaatiga kugu furaan.
Daahirow waa lagula fahmayaa shaxda iyo shaan-shaan ka tuurka aqoonsiga Somaliland
Daahirow Inaad la’ sugayso Cabdullaahi Yuusuf oo marba geed ugu fadhiisanayso waa aragnaaye ee kuwaanu diranaybaa na jahayn wayey oo nala aragti noqonwaayey.
Daahirow waxa kuwaa ka dhow oo laga yaabaa inay kaa dhaafaan hadeerna waxaad wixii laguu tirinayey ugu dartay, ee ka daa dibi-daabyada dadka iyo dalkaba.

Golaha Wakiiada, UCID, iyo Kulmiye ayaa horraantii waxa lagu deyey oo la’ marsiiyey mudo kordhintii xaaranta ahayd ee Guurti ku-sheeggu gacantooda ku meel marsadeen
iyagoo wadaad-kana kaga lad iyo lib haysta. Ballantuna ahayd inay iyana taa maanta u yeelaan oo 2 sanaabuu filayey e’ waa ka gogteen.
waxanse filayaa inay noqoto awrkii ciinka daaqay Ilaah idankii.

Madaxda xisbiyadu waa inay rumeeyaan in aanay waxba ka soo qaad lahayn mudo kordhintay ku dhawaaqeen guurti ku-sheeggu.
Kalsooni aad u saraysana waxan ku qabaa hadaad xisbiyadiina UCID iyo Kulmiye dadka hogaamisaan oo mudaaharaadyo xidhiidh ah u jahaysaan oo horkacdaan inuu ina Riyaale miyirsanayo.

Somaliland hanoolaato, ammaano Alla.
Ahmed H. Yussuf Dualeh,London,UK.