Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-waraabe oo ku Hanjabay in aanay Rayaale Kaga Habrin Doonin Xabbad iyo Xabsi Toona

Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-waraabe oo ku Hanjabay in aanay Rayaale Kaga Habrin Doonin Xabbad iyo Xabsi Toona

“Rayaalow xabsi baad sheegaysaa haddaad xabbad la dhacdo raggan horaad isu soo marteen oo rag xabbad iyo xabsi kaaga gabanaaya maaha ee wax alla waxaad la hadhaa yey jirine soo daa”Axmed-Siilaanyo

“Madaxa isuma kaayo xidhi kartid, Maxamed Siyaad Barre ayaa isugu kaayo xidhi waayey, Sheekh Bilisaa na fali kari waayey ama Libaax soo qal ama Waraabe soo qaloo nama qabto annaga sixirku”

Faysal Cali-waraabe

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaradka UCID iyo KULMIYE, ayaa ku hanjabay in aanay Madaxweyne Rayaale kaga habran doonin xabbad iyo xabsi toona, isla markaana aannu waxba kaga qaadi karin fal iyo sixir toona.

Guddoomiyeyaasha mucaaradka oo ka hadlayey shir-jaraa’id ay shalay ku caddeeyeen mowqifkooda ku wajahan xaaladaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo Md. Axmed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali si adag uga afeef dhigteen tallaabo kasta oo Md. Rayaale ku doonayo in uu ku meel-marsado go’aanka muddo-kordhinta Guurtida oo ay ku tilmaameen sharci-darro iyo arrimo kale oo dhawr ah.

Ugu horreyn Md. Faysal Cali Waraabe oo tusaalaynaya hab-dhaqanka Rayaale iyo xukuumaddiisa ee muddada shanta sanno ahayd dalka ka wadeen waxa uu yidhi; “Shanta sannadood ee aynu qaadanay dimuqraadiyadda dhibaatada iyo boobka ku dhacay dalkeena soddonkii sanno ee Koonfurtu dalka xukumaysay kumu dhicin, waxaas oo dhan waanu arkaynay baddii baa la leefay, berigii baa la leefay oo shilin baa inagu dhegtay, dawladdii waxay noqotay shillin aan doonayn inay dadka wax u qabato, intaa waxaannu la sugaynayn in waqtiga doorashadu yimaaddo oo ay doorasho xalaal ahi dhacdo, tiina waxaynu aragnaa in wax caqliga ka weyn la keenay oo la yidhi 25 oday oon waxna akhriyin waxna qorin oo iyagu distoorba aan ku jirin ee ku jira xeer-dhaqameedkii, distoorkeenuna waxa uu sheegayaa in hay’ad kasta la soo doorto oo hay’ad aan la soo doorani ka hawlgalayn waddanka. Waxa uu caqligu ina siin waayey 25 oday in la yidhaa ummaddaa dhan ee saddexda milyan iyo badhka ah ayey u goynayaan masiirkeeda oo ay u talinayaan, wax caqliga galena maaha, anigu iyaga lama yaabsani, laakiin ka ka rumaysanaya Xaaji Cabdi wuxuu kuu gooyo ayaad ku socon doontaa ayaan la yaabsanahay.

Dalkan waa la dhacay, waa la boobay shacbi masaakiin ah weeye oo qabyaaladii kala jebisay, koodii xumaa ama wasiirkii xumaa markaad la hadasho ayaa lagu odhanayaa waar reer hebel maxaad ula hadashay. Qofku hadduu ummadda xoolaheeda ku tagrifalo wuxuu doono ha ahaadee waxa xaq loogu leeyahay in la sheego waxa uu sameeyey, cid naga mamnuucaysaa ma jirto in aannu ka hadalno cidda ku tagrifalaysa ummadda xoolaheeda. Waxaannu sheegaynaa haddii aan la joojin waxyaabahaa Madaxtooyada dhexdeeda ka socda in aannu soo bandhigi doono waxyaabo badan oo aannu qarinayno.”

Eng. Faysal Cali waxa uu sheegay oo kale in aanay dhibaatada xukuumaddu wadaa ku koobnayn intaas oo kaliya, laakiin dalku uu af-duuban yahay, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale khiyaamo ku doonayo inuu muddada ku koradhsado. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maanta arrintu Guurti ma taagna ee dalkii dhammaa ayaa la afduubay oo madax-furasho ayaa loo haystaa. Waxa la ina leeyahay haddii aad soo dhaqaaqdaan wuu burburayaa dalku, annagoon haddaba dalka burburin baanu iyaga burburinaynaa, cod baanu ku burburin doonaa.

Waa xaaraan wixii 15-ka May ka dambeeya oo Rayaale sharci uu u leeyahay inuu Madaxweyne noqdo ma leh, isagaa iska dayacay waqtigiisii shan sanno ayaa la siiyey, wuxuu xaq u lahaa isagoo wax kasta haysta inuu doorashooyinka diyaariyo waqtigoodii, laakiin wuxuu ka doorbiday inuu ina khiyaameeyo oo waxa uu is yidhi waad khiyaamayn karaysaa ee aad koradhsatid, dalka khiyaamayn mayside annagu haddii aannu UCID iyo KULMIYE nahay waxaannu doonaynaa inta ka horreysa 15-ka bisha in aannu dalka ka wadatashano.

Waxa kale oo aan u sheegayaa ciidammada uu soo saar saarayo, ciidammadu waa beelo iminkuun baynu isku qodbaynay, waynu ognahay oo mid kastaa wuxuu fuushan yahay gaadhigii tignikada ahaa ee reerkoodu iibiyey ee mid dawladi iibisay ma saran, waxaan leeyahay fadlan ciidammadaas hakala saarin oo waddanka dib ha ugu celin halkii 1990-kii. Dalkan intaad xaq u lahayd waad qaadatay haddana waa laguu ogolyahay in aad si xalaal ah u barantatid (tartantid), laakiin madaxa iskuma kaayo xidhi kartid, Maxamed Siyaad Barre ayaa isugu kaayo xidhi waayey, Sheekh Bilisaa na fali kari waayey ama Libaax soo qal ama Waraabe soo qaloo nama qabto annaga sixirku.”

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu cambaareeyey xadhiga lagula kacay masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid daandaansi ah oo iyaga qudhooda ku dhacday.

“Xadhiga la xidhay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE waa daandaansi, wuxuu doonayaa in dadku kaco oo fowdo timaado, laakiin kicimaayo.

Annaga waxa nagu dhacay ciyaartoygayagii Laascaanood waa loo diiday inay ciyaaraan oo Badhasaabkii iyo booliskaa lagu soo diray, dharkii yaraa ee aannu halkan uga iibinayna waa laga qaatay, markaa arrintu ilaa Laascaanood ayey socotaa, waxaannu doonaynaa waddankan inuu geliyo qalalaase, laakiin gelin maayo mana gelin karo, qofkii isyidhaa xumeena isaguun bay xumaantu ku hadhi. Waxaannu jecelnahay shacbigu inay nabadgelyada ilaaliyaan waa cadceed dhacaysa ee waxba yeynaan ku degdegin way inaga tegayaan wixii xun oo dhamiye,” ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu shirkaa jaraa’id ka jeediyey su’aalo uu sheegay inuu doonayo in Madaxweyne Rayaale ka jawaabo, kuwaas oo khuseeya doorashooyinka soo socda.

Isaga oo arrintaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Anigu waxaan doonayaa in aan su’aalo boorin ah u soo jeediyo shirka oo uu ka jawaabo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaana ka mid ah; Waynu maqlaynay labadii cisho ee u dambeeyey laba go’aan oo iska horimanaya ayaa soo baxay, midi wuxuu ahaa kii Guddiga Doorashooyinku soo saareen ee caddaynayey goorta la qabanayo doorashooyinka ee axsaabtuna isku raacday, kaas oo deeqbixiyayaashii kharashka iyo lacagta bixinayey ee gacanta inaga siinayey geeddi-socodka dimuqraadiyadda, ictiraafka aynu ka doonaynay ee aad inoo daawanayey ee inoo danaynayeyna mowqifka ay taagan yihiin shalay markay madaarka joogeen ka caddeeyey, kaasi wuxuu ahaa go’aan. Ka kale wuxuu ahaa kii Guurtidu ku dhawaaqday. Waxaan jecelahay inuu Daahir Rayaale Kaahin ummadda u caddeeyo labadaa go’aan ka uu raacsan yahay, ma wuxuu raacsan yahay kii Guurtida ee isaga waqtiga u kordhinaysay ee aan hay’addii ku shaqada lahayd, dunida wax ina siisa iyo axsaabtu toona ku raacsanayn mise waxa uu taageersan yahay kii kale?

Su’aasha kale waxay tahay, ogow Guddiga Doorashooyinku waqtiga la qabanayo doorashooyinka ee 6 October iyo 31-ka December ee 2008-da may kala caddaynin labada doorasho ta horreynaysa, waayo iyagu waxay yidhaahdee tii aad isla garataan xisbiyadiinu ayaanu soo horreysiinaynaa, annagu haddii aannu labada xisbi qaran nahay [mucaaradka] waxaannu istaagnay mowqif ah inay doorashada Madaxweynuhu soo horreyso, sababta oo ah waa ta ugu muhiimsan ee siyaasadda Qaranka saamaynta weyn ku leh. Daahir Rayaale inuu taa nagu raacsan yahay iyo inuu ka baqayo in doorashada Madaxweynuhu soo horreyso oo uu wax walba ka dhiganayo wax alla wixii cimri dherer u kordhinaysa, taana ummadda ha u caddeeyo?”

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay in aanay mudanayaasha Golaha Guurtidu fahansanayn wixii lagu yidhi u codeeya oo la marin habaabiyey, isla markaana loo sheegay inay sidaasi sax tahay. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Golaha Guurtida waynu ognahay oo cahdi qarmeedkii bay ku fadhiyaan, dhawaan mar uu nin ka dhintay oo la is yidhi cid ku beddela, maxkamaddii sare way garanweyday ma distoorkay isticmaashaa mise cahdi-qarameedkii bay isticmaashaa. Waa wax ka baxsan wadcigan aynu joogno distoorka aynu ku dhaqano dibadda ka taagan. Anigoon ceeb u geysan oo waa odayaale aan meel kaga dhacayn, haddana xaqiiqdu waxa weeye oo aan qaar iyaga ka mid ahna ka maqlay wixii la kala dooranayey iyo wixii la soo hordhigay may fahmin, waxa yidhaahdeen, ‘annaga waxa nala yidhi sidii axsaabtu isku raaceen oo inyar sharciga la waafajiyey uun u codeeya, sidaas baanu u codaynay.’ Masaakiin sidaad wax u saarto garanmaysid, guddi [Guurtida ka tirsan] baa loo saaray aanay intooda badani waxna akhriyin waxna qorin, markaa amarkii la siiyey ee la yidhi waxaasaa Madaxweynuhu doonayaa ayey ku shaqeeyeen.”

Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in Golaha Guurtidu dalka ku tilmaamaan in aanay nabadgelyo ka jirin iyagoo toddobaadkii horena ka doodayey oo aad uga xanaaqsanaa Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo hadal uu jeediyey ku sheegay in nabadda ka jirta Somaliland tahay mid aan cago adag ku taagnayn, haddana iyaga oo u qiilsamaynaya Madaxweynaha ay baabiiyaan rajadii iyo wixii muddada intaa leeg loo soo halgamayey ee dunida laga iibinayey

“Odayaashaas oo aanaan u quudhayn af-xumo, laakiin aannu is leenahay jaahilnimay ka tahay waxaannu leenahay Ilaahay dunuubta ay dalka ka galeen ha ka saamaxo, laakiinse go’aankaa ay qaateen mid soconaya iyo mid dhaqangelya midna maaha,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu ka hadlay hadal uu Sabtidii doraad u jeediyey warbaahinta Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in si sharci darro ah loo xidhay, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Shir jaraa’id waxa shalay (Sabtidii) qabtay Xoghayaha UDUB, waxay wax ka sheegeen xagga dambe ee KULMIYE oo ay lahaayeen ‘Futo xumayaal,’ annagu ninkaa odayga ah xagiisa hore iyo xaggiisa dambe midna wax ka sheegi mayno, aflagaadooyinka qaarkoodna waaba wax laga xishoodo in la soo qaado. Waxa muuqata in maalmahan dambe dawladdu bilawday, hanjabaad iyo cago-juglayn markay soo dhaaftay ayey xabsi iyo xidhxidhis ku bilaabeen xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE, miyaanay ayaan-darro ahayn Wasiirka Daakhiliga oo ah nin oday ah oo annagu sharaf iyo qiimo u hayno intuu halkaa istaagay buu yidhi xisbiga KULMIYE ayaa qarxiyey meel, bal kaba soo qaad inuu qof qarxiyey oo uu weliba qofkaasi KULMIYE hayahay, KULMIYE qof maaha ee waa qaran, waa ummadda kala badh, in xisbi baa wax qarxiyey la yidhaahdaa baa, dambiga ma xisbi baa galay mise qof baa gala haddiiba uu qarxin lahaa mid KULMIYE ka tirsani, anigoo og hubana in aanay dhicin inuu qarxiyey qof xisbiga ka tirsani ee Cabdillaahi-dheere uu isagu intuu xafiiskiisa ku diyaariyey uu ka tagay oo uu qarxiyey. Hadalkaa Wasiirku af-siyaasadeed maaha, af-xilkasnimo maaha, af-dawladi ku hadasho maaha. Dadka kale ee loo hanjabayo ee la leeyahay waarano ayaa loo soo jaray Maxamed Kaahin baa ka mid ah, raggna way xidhan yihiin. Waxaannu halkan ka caddaynaynaa Daahir Rayaalow xabsi baad sheegaysaa haddaad xabbad la dhacdo raggan horaad isu soo marteen oo rag xabbad iyo xabsi kaaga gabanaaya maaha ee wax alla waxaad la hadhaa yey jirine soo daa.”

Sidoo kale Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isagu shirkaa jaraa’id ka sheegay magacyada qaar ka mid ah masuuliyiinta KULMIYE ee xukuumaddu u xidhay falkii qaraxii ka dhacay xarunta Guurtida, waxaannu sheegay in ragga la soo eedeeyey yihiin mujaahidiin waaweyn oo aan u qalmin in la yidhaa qol yar bay qarxiyeen.

Isaga oo isna arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Dadka la xidhay waxa ka mid ah Dayr Maxamed Cilmi ah oo ah oday reer Burco ah, kana mid ah dadka baayacmushriga ah oo la leeyahay wax buu qarxiyey ninka 20-ka guri Hargeysa ilaa Gaashaamo ku leh ee 300 ilaa 400 boqol ee halaad leh ee 20-ka carruur ahi Burco dugsiyada ugu jiraan ee la leeyahay meel buu qarxiyey waa ayaan-darro. Waxa ka mid ah dadka la xidhay Mujaahid Axmed Cumar X. Cabdillaahi oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE iyo Keyse Ismaaciil Cabdillaahi (Hirka), labadooduba waxa weeye raggii mujaahidiinta ahaa ee ugu waaweynaa xisbigii SNM oo meel yar oo Cabdillaahi-yare galo iyo meel oo Daahir Rayaale galo iyo raggii qarxin jiray maahee waa raggii ku qarxay Birjeex iyo Mandheera. Waxa kale oo ka mid ah inan [gabadh] ka shaqaysa Golaha Guurtida oo aan KULMIYE-ba ahayn, weliba waxa la sheegayaa in gabadhaa la jidh-dilay oo la garaacay.”

Intaa kadib qaar ka mid su’aalihii suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgalay weydiiyeen masuuliyiinta labada xisbi oo iyaguna si wadajir ah uga jawaabayey waxay u dhaceen sidan:

S: Haddii ay dhiciba waydo in laga noqdo muddo kordhintan, diyaar ma u tihiin in aad qaadacdaan doorashada labadiinan xisbi, maadaama aad aaminsan tihiin in aanay sharci ahayn?

Faysal Cali-waraabe J: Mar haddii aannu nidhi ma ogolin go’aankaa Guurtidu soo saartay ee qayrul sharciga ah nooma muuqato in aannu doorasho ka qaybgalno, ka qaybgelimayno doorasho isagu keligii ha haysto. Waanay dhimaynaysaaye ogow haddii waqtigaasi uu dhammaado oo aan intaa heshiis gaadhin waa la sadqeeyey nidaamkii dimuqraadiyadaynta, waanuna ka tashanaynaa oo waanaga 27-ka bishan u yeedhnay labada gole dhexe ee labada xisbi, habkii looga wareegi lahaa ee looga soo dhicin lahaa ayaa laga tashanayaa.

Siilaanyo, J: Horta su’aashu waa su’aal si u yara qallafsan, waxaannu ku nidhi doorashadu waqtigaas bay dhacaysaa, annagu doorashada waanu ka qaybgelaynaa isagu [Rayaale] haddaanu ka qaybgelayn isaga ayey jirtaa, waqtigii hay’addii ku shaqada lahayd u qabatay ee loo qoondeeyey waqtigaas ayaanu doorashada gelaynaa, waqtiga ay dhacaysaana waa kaa iyadoo duruufo kale oo ka duwan yimaadaan mooyaane.

S: Haddii ay dhacdo in waqtiga ay Guddiga Doorashooyinku u qabteen doorashooyinku ku dhacaan, waqtigii Madaxweynuhuna uu dhammaado, inta u dhaxaysa haddii aan dawlad wadaag ah la samayn maxaad yeelaysaan?

J: Annagu markaanu leenahay dawlad wadaag ah ha la sameeyo, macnaheedu maaha waxaannu jecelnahay in aannu dawlad Rayaale la yeelano, macnaheedu waxa weeye maadaama UDUB waqtigii ka dhacay xaq uma leh inay dawlad keligeed wadato, markaa waxa la samayn doonaa dawlad kooban oo shaqada ay qabaynasaa tahay oo keliya inay dalka gaadhsiiso doorasho, haddii ay taasi dhiciweydo waa waxyaabaha aannu doonayno in aannu ka tashano. Haddii maanta distoorkeena wuxuuni inoogu yaalaan waxaas baynu ku baxsan lahayn ee waxaan ku oolin meel sheegaysa marka xaaladan oo kale timaado waxa la yeelayo. Ta qudha ee aannu leenahay annagu waxa weeye mar haddii aanay taasi jirin waar aynu wadatashano oo wixii dalka dan u ah aynu yeelno, UDUB wuu na odhan karaa waar noo daaya, laakiin waa inuu yimaado oo uu ogaado in waqtgii ka dhacay.

S: Waqtigii Guurtida uu Madaxweynuhu u kordhiyey afarta sanno labadiina xisbi waxaad ku tilmaanteen inay sharci-darro iyo xaaraan, toddobaadadii ugu dambeeyey waxaad la kulanteen Guurtidii aad sharci-darrada ku tilmaanteen, haddii iminka arrintan aad ku tilmaantaan inay xaaraan tahay miyaan la odhan karin sida taas ayuun bay noqon oo waad iska aqbali doontaan?

J: Annagu mar walba waxaannu ka hadlaynay waxa weeye wixii danta iyo maslaxadda ummadda aannu moodno weeye waxaannu ka talinaynaynay ama aannu ku dhaqaaqaynay, waayo annaguu xilku naga saaran yahay ee ku shaqayn mayno cadho iyo iska dheh, dalka xasiloonidiisa iyo nabadgelyadiisa waanu ilaalinaynaa in alla intii suurtogeli karta. Maanta waanu ognahay dareenka dadweynuhu leeyahay iyo siduu u cadhaysan yahay, maalin walba qayladu way nagu soo dhacaysaa, waxaannu taaban karno oo aannu tuujin karno weeye, laakiin isla markaa haddana waxaannu xeerinaynaa xilka na saaran annaga oo og in aannu mar walba tallaabadu heerkay joogto anaan dhaafin oo haddii waanwaan la helayo lagu wado, tallaabooyin qaarkoodna haddii la arko in ummaddu jar ka dhacayso annaga iyo shacbigu toona ka gabanmayno in wixii waajib xaq ah ee na saaran ee ummadda daafacaadeeda ah ka hadalno ummaddana ugu baaqno markay halkaa gaadho, laakiin inta ka horreysa geed kasta waanu u fuulaynaa.

Jamhuuriya Online