Jaaliyada Reer Somaliland Ee Minosota- USA Oo Baaq Ka Soo Saaray Xaalada Cusub Ee Dalku Galay

Xaalada cusub ee dalku galay: Baaq Jaaliyada Somaliland ee Minnesota – USA
Haddaanu nahay jaaliyada Somaliland ee MN – USA , Waxaanu si buuxda u taageersanahay heshiiskii ay gaadheen Komishinka doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran ee tilmaamayey wakhtiga la dhamaystirayo diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qabashada doorashooyinka. Heshiiskan oo ay taageereen weftigii ka soctay Komishanka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha, oo Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta dimuqraadayada baanu u aragnaa xalka keliya ee laga gudbiyo xaalada siyaasadeed ee murugsan ee dalka ka jirta.
Waxaanu si cad uga soo horjeednaa go’aankii golaha guurtida ee ku saabsanaa muddo kordhinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa iyagoo ku sababaynaya nabadgelyo darro dalka ka jirta awgeed. Waxa cid waliba ogtahay in Somaliland ay ka jirto nabadgelyo buuxdaa, Talaabadan golaha guurtidu qaadayna ay ku lug leedahay heshiis hore oo ahaa “ waa idiin kordhinayaaye ii kordhiya”.
Hal xaaraan ihi nirig xalaal ah ma dhasho. Golaha Guurtidu sharci kuma fadhiyo, madaxweynuhuna sharci ku fadhiyi maayo marka waqtigiisu dhamaado.Waxaan ayaan darro u aragnaa in golaha guurtida oo ahaa gole dhaqan oo loo abuuray in uu dhex u noqdo ummadda reer Somaliland , isu bedelay meel ay ku adeegato waaxda fulinta ee madaxweynuhu madaxda ka yahay. Ma aqoonsanin kordhintan, oo khalkhal gelisay hanaankii geedisocoda dimuqraadiyada ee Somaliland dooratay, abuurina karta xaalad nabadgelyo darro ah oo dalka soo foodsaarta, runtiina dib u dhigaysa ama xanibaysa ictiraafkii aynu 17 sano sugayney. Waxaanu sidoo klale kula talinaynaa Komishinka qaranka, dadweynaha dhammaantood iyo xisbiyada qarankaba in aanay aqoonsan go’aankaa golaha guurtida ee sharciga baalmarsan.
Ciidamada Booliska iyo Ciidanka Difaaca Qarranka: Ciidanka qaranku waxay mudan yihiin ammaan, iyagoo ilaa intii Somaliland abuurantay ka shaqeynayey difacaa dalka iyo sidii dadkoodu ugu noolaan lahayeen nabad gelyo taam ah. Waxaanu Ciidanka ugu baaqaynaa in aan loo adeegsan si sharciga baalmarsan, kana digtoonaataan inaad ka qaybqaadataan cabudhinta iyo cadaadinta dadweynaha iyo waxyeelda dalka iyo dadkaba. Maatada reer Somaliland oo caruurtoodu iyo waayeelkooduba soo mareen barakac, xeryo qaxooti iyo dhibaatooyin ka soo gaadhey dawlad ku takri fashay awoodeedii, uma baahna runtiina ma geyaan handidaad kaga timaada ciidamadooda. Inay dhacdona maaha inay dhici karto-na maaha.
Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Reer Somaliland dalka gudihiisa iyo dibadiisaba: Waxay Somaliland ku badbaaday kuna caano maashay waa talada madaxdhaqmeedyada iyo waxgaradkeeda. Nabad gelyada maanta dalka ka jirta idinka ayaa ka shaqeeyey, aasaaskeedana lahaa, dawladina ma sheegan karto caalam kalena idinkama caawin. Haddaba waxa maanta cad in xaalada dalku marayso meel aad khatar u ah. Ummadda reer Somaliland oo ka soo dagaalantay cadaalad darro iyo sharci nin keliya u adeega, boqolaal kun oo ka mid ahina naftoodii iyo maalkoodii u hureen si ay cadaalad, sinaan iyo xoriyad ugu noolaadaan, waxay qarka u saaranyihiin isku dhac iyaga iyo dawladoodii ay doorteen
Belona daaman la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha. Dawlada maanta jirta ee waqtigeedu ku egyahay 15 May 2008, kadib markay ka soo bixi weydey xilkeedii ahaa inay doorasho qabato, waxay bilowday falal xaalad abuur ah oo ay ku doonayso cimri dherersi oo ay ka mid yihiin:
  1. Sharciga dalka iyo dadka u yiiley oo ay burburisay, iyadoon ka fekerayn danta guud iyo mustaqbalka dalka iyo dadka toona.
  2. Muwaadiinta oo suuqyada ama guryahooda si sharci daro ah looga qafaasho.
  3. Caga juglayn iyo ciidamo caasimada lagu soo dhoobo si loo cabsi geliyo dadweynaha loona duudsiyo xuquuqdooda.
  4. Ku takri falka joogtada ah ee hantida dadweynaha.
Waxaanu kula talinaynaa Madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka reer Somaliland : Inay badbaadiyaan dalka iyo dadka, hubiyaana in sharciga dalku ka sareeyo cid walba, lana helo dawlad sharci ku dhisan, sharcigana hoos timaada.
Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda :
· Inay si dhakhso ah u sii dayso dadkii ay u xidhxidhay arrimaha la xidhiidha fekredooda siyaasiga ah ay qabaan, waxaanu u aragnaa inay yihiin maxaabiis siyaasad u xidhxidhan ( Political Prisoners),
· Inay joojiso handidaada ay ku hayso siyaasiyiinta, waxgaradka iyo dadweynaha guud ahaanba.
· Inay faraha kala baxdo Komishinka iyo hawlihiisa
· Joojisona is hortaaga doorashooyinka wakhtigoodii la dhaafay si ay ugu dhacaan wakhtiga lagu heshiiyey.
Waxaanu u sheegeynaa Madax dhaqmeedyada, Waxgaradaka, Madaxweynaha iyo xubnihiisa dawlada, saraakiisha iyo dadweynaha dhamaanba inaan taariikhdu saamixi doonin cidii denbi ka gasha dalkan iyo dadkan. Waxa kale oo taariikhdu qoraysaa cid kasta oo ka qayb qaadata badbaadinta dalka marka uu xaalad adag marayo sida manta oo kale.
Ugu danbayn Waxaan ku dhiirineynaa umadda reer Somaliland in ay ku dhiiradaan siday u difaaci lahaayeen xoriyadooda iyo xaqooda, qofna xoriyad ma helo mana geyo haddii aanu diyaar u ahayn inuu difaacdo.
1
Ismail M Jama (Xayraan)
2
Osman A. Sahardeed (Cadaani)
3
Abdillahi Bulaale
4
Ahmed Nuur Fahiye
5
Jama Hiirad
6
Saeed Suleman
7
Abubaker Jibril
8
Abdisalan Hassan Giir
9
Aden Boobe Ahmed
10
Ahmed Ali Eid – Ahmed Arab
11
Bashe Saeed
12
Ahmed H. Ismail
13
Ahmed Hassan Sandheere
14
Ahmed Nasir H. Hussien
15
Ali Hashi
16
Ali Roobleh
17
Ali Salad
18
Hassan Giir
19
Ibrahim Ahmed Sheydaan
20
Ibrahim Nuur (Madoobe)
21
Abdirizak J Nuur
22
Abdirahman Farah dhuunjoog (Suju)
23
Abdirizak Jama
24
Jama Dualeh
25
Nuuh Mohamed Sh. Saeed
26
Nuur Dirie – Nuur Madobe
27
Omer Ali Ayax
28
Omer Hashi
29
Abdulkadir Hamud
30
Nuh Sulieman
31
Mohamed Aar Sahardeed
32
Mohamed Baashe
33
Mohamed Osman Nur
34
Ismail Ali Egeh
35
Abdisalan Abdikadir
36
Mohamoud M. Abdi ( Faro)
37
Mohamed Abdikadir
38
Mohamed Ali Togdheer
39
Mohamed Bancade
40
Ali Egeh
41
Yaasiin Abu-Shiraac
42
Yusuf Hussein Abdi (Baadari)
43
Abdirahman Hussein
44
Faysal Hamud
45
Abdillahi Yususf
46
Abdirahman Gar iyo Xoog
47
Abdirahman Ibrahim Hussien
48
Abdirahman Mohamed Ahmed
49
Abdisalan Hamud
50
Ahmed Ali (Showqi)
51
Ahmed Nasir H. Hussein
52
Anab Osman
53
Asad Ali Awed
54
Fozia H. October
55
Fozia Hussien Turub
56
Haweya Mohamed Saed
57
Osman Saeed
58
Abdiaziz Aden Nuur
59
Abdiaziz Ahmed Geelle
60
Abdiaziz Ismail
61
Abdikariim Hassan
62
Abdillahi Aw Ismail
63
Abdishakur Abdikadir
64
Jama Saeed
Ismail M. Jama (Xayraan)
Minnesota, USA