Baaqi Qurba-Jooga Beesha Arab Waafi Iyo War Gobeed Buu Ahaa.

Opinion

April 03, 2008

Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale

Meel marinta iyo hana qaadka Jamhuuriyadda Somaliland waxa kow ka ahaa Beesha ARAB ee u hurtay hubkeedii Qaranimada Somaliland.
Markuu dhamaaday ee lagu guuleystey Shirweynuhii Boorame ee 1993 ayaa waxa loo soo hayaamay magaalo madaxda Hargeysa si ay fadhi u noqoto Xukuumaddii Marxuum Cigaal iyadoo aanay waxba gacanta ugu jirin.
Ma’ jirin ciidan iyo awood loo tiriyey iyo mid meel-taalley toonni.
Hubkii lagala hadhay faqash wuxuu gacanta ugu jirey beelihii ku guuleystey halgankii lala galay ciidamadii faqashta.
Beesha Arab ayaa hubkeedii iyo mujaahidiintii saarnaydba waxay gacanta ka gelisey madaxweynihii waagaa een haysan hiil hub uu dawlad ku inko. Ma’jirin ciidan iyo Dawlad ka horeeyey kaas ay u hurtay Beesha Arab.
May iibsan manay baayactamin ee masiirkaa lagu raad joogo iyo mustaqbal u yaglleelka Jamhuuriyaddan bay sidaas u yeeleen.
Kalsooni iyo ku dhiirashay ku bixiyeen hubkoodii waxanay noqdeen unuggii u horeeyey ciidankaa Somaliland ee maanta xuduudaha ilaalinaya. Waa in loo hayo abaalkaa iyo taariikhdaas.
Waxa ku dayday Beelihii kale ee iyana hubaysnaa ha lagu kala horeeyee.
Maantana Baraka qabooyin Qurba jooga Beesha Arab baaqoodii wuxuu ahaa waafi iyo war gobeed. Hada Baaqu waa kii ahaa kala badhka April 2008 waxa ku dhan mudadii loo doortay xafiiska ina Riyaale. Daqiiqad in loogu daro ma’ogolin. Dalkana waa in loo sameeyaa Dawlad ka hawl gasha qabashadii doorashada (caretaker government)
Aninigu waan taageerayaa waana soo dhoweynayaa waxanaan ku dhiirrinayaa Beelaha kale ee Somaliland inay cadeeyaan mowqifkooda oo faafiyaan fekerkooda waayo kuma jirto baaqan wax gef iyo gardarro ahi. waa tadxiyad loo sameynayo Dimuqraadiyadda Somaliland.
Somaliland hanoolaato, ammaano Alla.

Axmed Xaji Yuusuf Ducaale,London,UK.