BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Guurti Iyo Madaxweyne Labaduba Aan Sharci Ahayn

April 13th, 2008 [News] |

Xubnaha Golaha Guurtida markoodii horeba sharciyad kumay fadhiyin oo wakhtigoodii wuxuu dhacay 2006-kii. Kolkaas muddo-kordhinta ay shalay Riyaale u sameeyeen wax-ka-soo-qaad malaha, waayo wax sharciyad ah oo ay ku salaysan tahay ma jirto.

Ilmaha carruurta ah ee reer Somaliland ayaa og in xaaladda keliya ee distoorku banaynayaa in muddada madaxweynaha loo kordhiyo ay tahay marka ama haddii ay nabadgelyo-xumo ka dhacdo dalka, taasina waa mid laga wada dheregsan yahay in hadda aanay dalka ka jirin oo Somaliland nabdoontahay Alle ha u siyaadiyo’e.

Sidaas darteed Madaxweyne Daahir Riyaale oo muddada xilkiisu ku egtahay 15-ka May, waxa uu noqon doonaa muwaadin caadi ah wixii muddadaasi ka dambeeya. Ummaddaanay u taallaa waxa ay ka yeelayso af-gebigan ay Riyaale iyo casaabadda ku xeeran oo la kaashanaya xubnaha Guurtida ee wakhtigoodu dhammaaday ay ku maroorsadeen taladii dalka iyo hanaankii dimuqraadiyadeed ee ay ummaddu ku soo tacbaysay dhismaheeda 17-kii sannadood ee ina soo dhaafay ilaa wakhtigan xaadirka ah ee ay dadku higsanayeen in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah oo beesha caalamka ku khasabta inay Somaliland siiyaan aqoonsigii ay kala raageen.

Laakiin rajadaasi maaha hadda mid muuqata, waayo, dawladihii danaynayey aqoonsiga Somaliland sida Maraykanka iyo Britain waxay beryahanba ka sii digayeen in dib loo dhigo doorashooyinka iyo haddiiba dib loo dhigo waxyeelada ay ku keeni karto ididiiladii fiicnayd ee beesha caalamku ay Somaliland ka qabtay.

Sumcad dilka ay dalka ku sameeyeen markay marmarsiiyo go’aankoodii uga dhigeen nabadgelyo-darro ayaa ka jirta Somaliland ka sokow, Riyaale iyo Guurtida muddadu ka dhacday waxay doorteen inay dalka u horseedaan marxalad qalalaase siyaasadeed ah oo aan la saadaalin karin halkay ku dambeyn doonto.

Haddaba maanta way soo dhaaftay xilligii gacmaha dib loo laaban jiray ee la isku khuukhin jiray nabadgelyada ayaa xumaanaysa ama reer hebel baa wax wada ayaa la idin odhan. Maanta waxa la taagan yahay xilligii la sixi lahaa waxyaabaha badan ee inaga khaldamay, kuwaas oo ay kow ka yihiin waaxdii Fulinta, Garsoorkii iyo aqalkii sare ee Baarlamaanka oo saddexdooduba sidii loogu talo-galay si ka duwan u shaqaynaya, taas oo meesha ka saartay nidaamkii dawladeed ee ay Somaliland qaadatay ee ku dhisnaa hab ay saddexda waaxood ee Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorku ay iyaga oo kala madax banaan haddana midba midka kale ilaalinayey.

Nidaamkaasi maanta Somaliland kama jiro balse waxa ka jira nidaam kelidii-talisnimo oo uu hoggaaminayo nin kabtan NSS ahaan jiray iyo koox madaxa uun u ruxda amaba u kala dheeraysa raali-gelintiisa oo wasiiro loogu yeedho.

Waxa intaas u dheer Gole Guurti oo sharci la’aanta uu ku joogo ka sokow uu isteerinka u hayo wiil shaqaale ah oo ay Riyaale isku reer yihiin oo la yidhaahdo Cabdillaahi Dheere, kaas oo kolba dhinaca ay Adeerkii dantu ugu jirto Guurtida u jiheeya.

Cabddillaahi Dheere waxa uu dabcan hawlaha uu Riyaale u qabanayo u adeegsadaa odayaasha boqol jirka ah ee cunay mustaqbalkii carruurtooda iyo carruurtoodu kuwii ay sii dhaleen iyo kuwa ay kuwaasi dhali doonaanba.

Daahir Riyaale waxa kale oo uu gacanta ku dhigay waaxdii Garsoorka iyo dhammaan hay’adihii madaxa banaanaa ee dawladda ilaa xad uu gaadhay inuu u tallaabo dhinacii hay’adaha Xuquuqal Insanka ee gaarka ahaa.

Riyaale xataa waxa uu magacowday wax loogu yeedhay hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka, taas oo uu madax uga dhigay nin fiisooyinka Yurub lagu galo iibin jiray.

Nidaamkan qaloocday waxa uu dabcan dhalay in dawladdii dadka ka dhexaysay ay noqoto mid koox gaar ahi leedahay oo ay dadka ka ilaashanayso. Maanta lagama sheekayn karo musuq-maasuqa iyo ku-takri-falka hantidii ummaddu halkay marayaan.
Sidaas darteed, Somalialnd doorasho oo keliya uma baahna’e waxay u baahan tahay inay iska xoreyso casaabaddan ay u afduuban tahay ee uu madaxa u yahay Daahir Riyaale iyo sidii dawladnimadeedii dib loogu soo dabaali lahaa majarihii saxa ahaa, isla markaana loo dhimi lahaa awoodaha siyaaddada ah ee distoorku siinayo Madaxweynaha iyo Guurtida.

Haddaba si himilooyinkaasi dhaw loo gaadho waxa lagama maarmaan ah in labada xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE aanay sidoodii dadka cidlo kaga dhaqaaqin iyaga oo kursi danaynaya. Kol haddii Riyaale iyo kooxdiisu ay heshiis walba kaga baxeen qolyaha Mucaaridka oo uu ugu dambeeyay kii dorraad ee 3-da xisbi ku heshiiyeen goortii doorashooyinka la qabanayay oo haatan hal sanno ah loo kordhiyay Ina Riyaale, waxa UCID iyo KULMIYE la gudboon inay iyaga oo ku xisaabtamaya taageerada ballaadhan ee ay dadka ku dhex leeyihiin ee waliba sii siyaadaysay dhawrkii ayaamood ee u dambeeyay, inay diidaan af-gebigan oo ay ku adkeystaan in Golaha Wakiiladdu dawlad wada-jir ah oo ku-meel-gaadh ah uu dalka u soo dhiso si ay Somaliland u gaadhsiiso doorasho xor ah oo xalaal ah.

Xigasho: Haatu