“Cabdilaahi Cirro Waa Kuma?…Waa Isaaqii Dhediga Ahaa Ee Isaaqa Xiniinyaha Ka Garaaci Jiray” Afhayeenka Xisbiga KULMIYE.

(Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed )

Hadhwanaag 2008-04-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkiisa daakhiligu [Cabdilaahi Cirro] ay weli u haystaan inuu socdo dagaalkii u dhaxeeyey faqashtii iyo jabhadii SNM, taasina ay tahay waxay KULMIYE u leeyihiin qarax buu ka danbeeyey,

Sida waxay uu ka sheegay Afhayeenku Xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Garabyo dhalinyo iyo haween isugu jiray oo sheegtay inay ka soo baxeen Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB, taas oo lagu qabtay Maalintii Khamiistii ee aynu soo dhaafnay Huteel Banarama ee Magaalada Hargeysa.

“Waad maqasheen doraad [Arbacadii] Wasiirka Daakhilga oo yidhi qaraxii meesha [Guurtida] ka dhacay KULMIYE ayaa ka danbeeyey ilaa shalay ]doraad] waxay faafinaysay reer hebelbaa wax qarxiyey, lacago la xaday ayaa lagu dambabasayey” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waad ogtihiin qaraxyo hore oo la qarxiyey, waana cilmi faqashtii, waa nabadsugidii fartu waa fartii, raggu waa ragii cida ay eedeynayaana waa anagga, waynu ognahay inay been tahay”

“Nin warkaa lihii waa kuma? Cabdilaahi Cirro waa kuma? Muxuu ka shaqeyn jiray ee uu ahaan jiray? Waa ninkii Taliye ku-xigeenka godka raga xiniinyaha lagaga qaraaco ahaa, waa Isaaqi dhediga ahaa, ee isaaqa xiniinyaha ka qaraaci jiray markaa ha la ayaabina nabad sugidii Daahir Rayaale, Cabdilaahi Cirro iyo kuwa kale ee la anooca ahi waxay yaqaaneen meelo yar oo laba quraaradood lagu soo qarxiyo, dabadeedna la yidhaahdo SNM-ta ayaa ka danbeysay”

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed waxa uu yidhi “Cabdilaahi Cirro waxa uu u heystaa Siilaanyo, Ina Biixi, Abiib, Cabsiye iyo Aniga [Maxamed Kaahin] oo waxa uu moodayaa inay weli SNM-tii iyo faqashtii weli dagaalamayso, halkii berigii ayey kaga buuxday waxaanu leenahay nabadsugidii dhamaatayee iska daa”.

Waxa kale oo Mujaahid Maxamed Kaahin ku eedeeyey Xukuummada Madaxweyne Rayaale inay hortaagan tahay horumarka iyo ictiraafka loo raadinayo Somaliland “Had iyo jeer waxaanu is-nidhaahnaa Somaliland way wanaagsan tahay ictiraafkii ayeynu helaynaa, oo aduunweynihii ayeynu iska dhaadhicinay, waxaynu ka warqabnaa cida kaliya ee maanta aqoonsiga Somaliland ka soo horjeeda ee aduunyada oo dhan inaga horkeenaysa waa cunfiga iyo maamulka dawlada Madaxweyne Rayaale” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Isaga oo hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi “Waxaynu ka warqabnaa Madaxweyne Rayaale iyo Wasiiradiisu inay dalka miisaaniyadiisii ay sameyn kari-waayeen, oo miisaaniyada ay ku dhaqmaan ay tahay tii 2006-dii”

“Madaxweynaha Miisaaniyad Sameyn kari-waayey aduunka ma odhan karaa ictiraaf ayaanu idin-weydiisanaynaa, waayo miisaaniyadu waa muraayada dal walba laga arko hanaankiisa dhaqaale iyo degenaasho sida uu u socdo.”

Maxamed Kaahin waxa uu carabka ku adkeeyey inay wakhtigan la joogo inay aduunka dhamaadeen nidaamyadii keli-taliska ahaa, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “ Caalamkan aynu maanta ku nool-nahay waxa ka dhamaaday nidaamyadii Maxamed Siyaad Barre ee keligii talisyada ahaa ee aan la aqoonin sida ay u shaqeeyaan, taasina waxay iska keen hortaagtay in aduunyadu inagu aamini kari-weydo inay dhaqaale inagu Caawiso.”

“Doorashadu waa salaanka ictiraafka Somaliland ee aynu doonayno, aduunyadu inay inagu aragto doorashadii ilaa imika waxa qoorta kaga duuban Madaxweynaha iyo qaar Golaha Guurtida ka mida oo meesha u fadhiya, kuwaas oo marwalba doonaya in loo kordhiyo” ayuu yidhi Maxamed Kaahin

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dastuurku waxa uu qorayaa in Madaxweynaha doorasho lagu soo doorto, inuu fadhiyo muddo shan sano ah marka ay ka dhamaatana doorasho danbe lagu doorto”

“Waxa maanta Daahir Rayaale doonayaa in dalkan Somaliland xoriyadiisa iyo dadkiisa intuu kala diro, cida uu garabyeelaysaana waa Golaha Guurtida, haddii aad u soo agoowmoowday, haddii aad u soo naafowday, iyo haddii ay boqoradaadii ku dhinteen, waxa aad ogaataa sacaadan aan imika hadlayo inay Guurtidii sanad Kordhisay, inay aduun-yadii inaga tagayso oo Somaliland lagu kala dirayo, isna [Rayaale] Guryihii uu Qaahira ka dhistay ayuu tagayaa Wasiiradiisuna kuwii ay Nairobi iyo Abudabay ka dhisteen ayey tagayaan, dabadeed marka ay Somaliland sidaa noqoto in beri inuu Cabdilaahi Yuusuf inuu Madaxweynihiini noqonayo” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Mar uu Muj. Maxamed Kaahin Axmed la hadlayey dhalinyarada waxa uu kula adar-daarmay oo uu yidhi “Dhalinyaraadaay dalkan waa loo soo halgamay, halgan dimuqraadiyadeed oo aad UDUB ku ridaan sow diyaar uma tihiin’

Isaga oo hadal “Mugdiga ku gadaam mustaqbalkiina waxa keenay Guurtida wax kordhinaysa madaxweynaha musuqmaasuqa ku dhergay ee afarta guri ka iibsaday Dubai, qaahirana la yaqaano kuwa uu ka iibsaday, dabcan kuwaas oo dhami qaranka ayey u soo noqonayaan raadkoodi ayeynu haynaa, laakin waxay u baahan tahay feejignaan iyo dhiiranaan sho badan in loogu soo jeedo Somaliland.”

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland