Ciidamo Milateri Ah Oo Laga Keenay Awdal Oo Xalay La Soo Dhoobay Xaafadaha iyo Jidadka Magaalada Hargeysa

Ciidamo Milateri Ah Oo Laga Keenay Awdal Oo Xalay La Soo Dhoobay Xaafadaha iyo Jidadka Magaalada Hargeysa

Hargeysa, April 13, 2008 (Haatuf) – Ciidamo Milateri ah oo u badan ciidamo labadii maalmood ee u dambeeyay laga soo daadguraynayay degaano ka tirsan gobolka Awdal, ayaa xalay la soo dhoobay jidadka gudaha xaafadaha magaalada iyo jidadka waaweyn ee magaalada dibadda ka ah, ciidamadaas oo ku gaashaaman gaadiidka tiknikada ah iyo kuwa kale ee ciidamada lagu daadgurayeba, waxaanay ciidamadaasi dadka farayeen inay seexdaan.

Lama garanayo sababta keentay in ciidamada milateriga ahi ula wareegaan ammaanka caasimadda, iyadoo aanay jirin wax ammaanka khatar geliyay oo ka sareeya awoodda ciidanka Bileyska, isla markaana ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay tallaabadaa ay xalay ciidamada milaterigu kula wareegeen ammaanka caasimadda.

Ciidamada milateriga ah ayaa la sheegay inay u badan yihiin ciidamo tan iyo Khamiistii ina dhaaftay laga soo daadguraynayay degaano ka tirsan gobolka Awdal, ee degaan ahaan uu ka soo jeedo Madaxweyne Riyaale, kuwaas oo u badan ciidamo ay jifo hoose isku yihiin Riyaale [Reer DUDUB].

Dadweynaha caasimadda Hargeysa, ayaa dareemo kala duwan ka bixiyay ciidamadan milateriga ah ee jidadka xaafadda la soo dhoobay, waxaanay dadka qaar u arkayeen tallaabadan mid xaalad-abuur ah oo ay xukuumaddu ku doonayso inay dareenka dadweynaha ku cabudhiso, iyadoo kuwo kalena arkayay in tani bilow u tahay cahdi cusub oo ay Somaliland gashay, kaas oo god madow ku ridaya geedi-socodkii dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku caano-maashay.

Dhinaca kale Tallaabada ciidanka milaterigu xalay kula wareegay ammaanka magaalada ayaa loo malaynayaa inay ka dambayso qorshe ay xukuumadda Riyaale ku damacsan tahay inay tallaabooyin ka qaado masuuliyiin waaweyn oo ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay go’aankii muddo-kordhinta ee ay Khamiistii ina dhaaftay Golaha Guurtida xilka ugu kordhiyeen muddo hal sanno inuu xilka sii hayo Madaxweyne Riyaale, taas oo ay xisbiyada mucaaridka iyo inta badan shacbiweynuhu ku tilmaameen mid sharci-darro ah, oo aan wakhtiga xaadirka loo baahnayn, isla markaana ka horimanaysa heshiiskii ay saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku bishan 9-keedii ku gaadheen wakhtiga doorashooyinka ay dalka ka dhacayaan.

Xukuumadda Riyaale ayaa xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ku eedaysay inay ka dambeeyeen qarax Arbacadii ka dhacay xarunta golaha Guurtida, taas oo ay xisbiga KULMIYE si weyn gaashaanka ugu dhuftay eedda xukuumadda ee la xidhiidha qaraxaas, waxaana labadii maalmood ee u dambeeyay warbaahinta laysku weydaarsaday eedaymo iyo dhaleecayno iska soo horjeeda, iyadoo ay xukuumaddu qaaday saddexdii maalmood ee u dambeeyay tallaabooyin ay ku xidhxidhayso masuuliyiin iyo odayaal muxtarim ah oo xisbiga KULMIYE ka mid ah.

Gudoomiyaha KULMIYE Ee Gobolka Hargeysa Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Baadi-Goobka Masuuliyiin Sar-Sare Oo Mucaaridka Ah
Waarrano Qabasho Ah Oo La Sheegay In Loo Jaray Muj. Maxamed Kaahin Iyo Dr. Cumar Dixood
Hargeysa, April 13, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Sheekh (Xamarji) ayaa shalay ciidanka Bileysku xabsiga u taxaabeen, kaas oo ilaa hadda ku xidhan xarunta Laanta Baadhista Dambiyada Bileyska (CID).

Muj. Xamarji ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ciidanka Bileysku doondoonayeen iyada oo la sheegay in loo haysto inuu Bileyska kala baxsaday Madaxii hore ee Gaadiidka Madaxtooyada, Abshir Xasan oo ay bileysku doonayeen inay xidhaan Khamiistii dhaweyd. Waxaana la sheegay in Xamarji isaga cagihiisa ku tegay xafiiska C.I.D-da shalay markii uu maqlay inay bileysku raadinayaan, waxaana halkaas loogu sheegay in amar lagu siiyay in la xidho, balse aanay garanayn waxa loo haysto.

Hase yeshee Taliyaha Bileyska Maxamed Saqadhi Dubad ayaa u sheegay BBC-da, Laanta Afka Soomaaliga in lagu eedaynayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida Arbacadii dhowayd.

Dhinaca kale, waxay warar ilaa xalay soo xoogaysanayay tibaaxeen in Xukuumadda Riyaale waarrano qabasho ah u soo goysay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xisbiyada Mucaaridka iyo Saraakiishii SNM, kuwaas oo ay xukuumaddu damacsan tahay inay xabsiga u dirto.

Ragga la sheegay inay xukuumaddu waarranada u soo goysay waxa ka mid ah Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horeysay ee ururkii SNM iyo Dr. Cumar Dixood oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, isla markaana ahaa ergaygii hore ee Aqoonsi-raadiska Somaliland, hase yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda oo la xidhiidha qabashadood.

Taliyaha Bileyska, Mr. Saqadhi oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino inuu gaadhay amarka qabashada labadaa masuul, ayaa si masuuliyad-darro ah ugu jawaabay “Kii kuu sheegay ka xaqiiji”, kadibna telefoonka ayuu ku xidhay weriyihii su’aasha telefoonka ku weydiiyay.

Masuuliyiinta KULMIYE oo aanu iyagana la xidhiidhnay ayaa sheegay inaanu jirin wax waarran ah oo loo keenay, balse ay maqlayaan warka sheegaya waarranada loo soo gooyay masuuliyiintaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegeen in ciidamo bileys ahi ay subaxii hore ee shalay Hotelka Xaraf ugu tageen Muj. Maxamed Kaahin, waxaanay ku wargeliyeen inuu u raaco xarunta C.I.D-da oo looga yeedhayo, balse ciidankaasi kumay guulaysan inay kaxeeyaan Mujaahid, manay jirin wax waarran maxkamadeed ah oo ay siteen. Sidoo kale waxay wararkaasi intaas ku dareen inay mar labaad ciidan bileys ahi ay tageen Hotelka uu degan yahay ee Maaweel, balse ay halkaas ka waayeen.

Sidoo kale ciidanka Bileyska ayaa laba saddexdii maalmood ee u dambeeyay baadi-goobaya Madaxii hore ee Gaadiidka Madaxtooyada, Abshir Xasan oo ay Khamiistii ciidanka Bileysku baacsadeen isagoo ka soo baxay xaflad ay dhawr boqol oo dhalinyaro iyo haween isugu jira oo ku soo biiray KULMIYE kana soo baxay UDUB ku qabsadeen hoolka shirarka ee Panorama, kaas oo ay bileysku ku guul-daraysteen qabashadiisa, balse waxay wararku sheegayaan in weli bileysku baadigoobayo iyadoo sababta loo raadinayo lagu tilmaamay inuu Abshir Xasan ka mid ahaa dadka ka soo shaqeeyay boqolaal dhallinyaro iyo haween ah oo xisbiga KULMIYE ku biiray.

Xukuumadda Riyaale tan iyo labadii sannadood ee u dambeeyay waxay bileys qabqabteen iyadoo aanay jirin waarran Maxkamadeed oo uu u xalaalaynaya qabashadooda, siyaasiyiin, suxufiyiin iyo mujaahidiinba, kuwaas oo muddo badan xabsiga layskaga hayo isla markaana aan helin Maxkamad dhexdhexaad iyo cadaalad uga gar-naqda kiiska lagu eedaynayo.

Muj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka mid ahaa 7dii Kornayl ee ugu horreeyey saraakiishii Millateri ee u tallaabay Itoobiya, 1982, halkaasna ka aasaasay garabkii hubaysnaa ee ururkii SNM ee dalkan ka xorreeyey taliskii Millateri ee Siyaad Barre. Waana sarkaalka keliya ee ka nool saraakiishaas.

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu ahaa Sarkaalkii Daahir Riyaale ka soo kaxeeyay magaalada Laas-caanood oo ku sugnaa sannadkii 1991 kadib markii laga adkaaday dawladii Siyaad Barre ee uu Sarkaalka NSS-ta ah ka ahaa, isagoo sii raacay ciidamadii Cabdi-Casiis Cali Barre ee u yaacay dhinaca Somalia, balse Riyaale waxa uu kaga hadhay ciidamadaas Laas-caanood, halkaas oo markii dambe kala soo xidhiidhay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali, kadibna Maxamed Kaahin uu halkaas ka soo kaxeeyay.

Source:Haatuf