Col Cabdillahi Jaamac Galaal Wuxuu ahaa Saraakiishii Xukunkii Siyaad Bare Dilka Ku Xukumay Ee Ku Xidhnaa Jeelkii Godka NSS ta Ee Muqdisho Madaxna Ay Ka Ahaayeen Col Cirday Iyo Cabdillahi Cirro

“Aniga Oo Ka Mid Ahaa Saraakishi Dilka Lagu Xukumay Kuna Jjiray Godkii Uu Madaxda Ka Ahaa Cabdilaahi Cirro….” Warsaxaafadeed Col Cabdilaahi Jaamac Galaal

Kornayl Cabdilaahi Jaamc Galaal:

Warsaxaafadeed:

London 14/04/2008 –

Aniga oo ah Kornayl Cabdilaahi. Jaamac Galaal kana mid ahaa saraakiishii xaqdarada loogu xukumay dilka kuna jiray xaruntii ciqaabta Nabad Sugida ee Godka ee ay madaxda ka ahaayeen Kornayl Aadan Cirday, Cabdilahi Cirro & kuwii la midka ahaa, ayaa maanta a’yaan daro ay tahy in dib loo soo nooleeyo wixii hore loogu kala tegey.

Xukuumadihii faashiga ahaa ee aduunka ka soo jiray haddii taarikhdooda dib loogu kuur galo, waxaa xaqiiq ah in mid waliba lahaan jiratay Rag u qaybsan shaqooyinka saqajaanka ah ee dadka damiirka aan lahayni ay qabtaan, Sida ciqaabta jidh dilka iyo Bakhti wareenka muxaabiista.

Xoog ku taliyihii Ruushka ee Starlin waxa shaqaddaa u qaban jiray Fulihii Axmaqa ahaa ee la odhan jirey Lavrenty Beria. Halka nadaamkii Moxamed Siyaad Barre howshaas ay u’hayeen Kornayl Aadan Cirday & gacan ku dhiigla-yaashii la shaqayn-jirey sida Cabdillahi Cirro iyo kuwii la hal maaley.

Lavrenty Beria

Waxaan caddaynayaa in hadalkii Muj. Maxamed Kaahin ku sifeeyay kuna tilmaamay Cabdillahi Cirro uu yahay marag madoon.

Waxaan aad uga xumahay in Cabdilaahi Cirro wasiirka arimaha gudaha ee manta, uu ka mid ahaa maamulayaashii guud ee toorjarka iyo jidh dilka ku samayn-jirey maxaabiista aan ka mid ahaa.

Cabdilaahi Cirro waa dammbiilayaasha waaweyn ee ay taariikhdoodu madowdahay.

Qalalaasaha la waddaa waa maqaarsaar la doonayo in lagu baajiyo doorashada iyo xuquuqdda waddaniga. Shacbiga Soomaliland waxaan ku leeyahay iska garta cidda xaqdaradda iyo nabadgelyo darrada waddanka ka wadda.

Allaa Mahad Leh

Kornayl Cabdilaahi Jaamac Galaal