Gaadhiga Iyo Dareewalka Axmed Siilaanyo Daandaansi Iyo Badheedh Baa Dahir Rayaale Amar Ugu Bixiyay In La Xidho

Shirweynihii KULMIYE, Hargeisa

Waxaan u arkaa daandaansi badheedh ah, waxaa wax ka weyna waannu filaynaa inay dhacaan, waana la garanayey gaadhigayga iyo darawalkaba, badheedh baana loo xidhay” Md. AXmed Siilaanyo Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in ciidammada boolisku si badheedh ah u xidheen gaadhiga iyo darawalkiisa, isla markaana ay damacsan yihiin falal kale oo ka waaweyn dhacdadan. Gaadhiga Axmed-Siilaanyo oo noociisu yahay Land Cruisser, isla markaana wada ka yahay sida uu Jamhuuriya xalay u xaqiijiyey guddoomiyaha KULMIYE, ayaa abbaaro 1:30 duhurnimo ee shalay ay koox saraakiil boolis ahi ka qabteen badhtamaha suuqa Hargeysa, kadibna ku xidheen baabuurka iyo darawalkiisiiba Saldhigga Dhexe ee Booliska. Axmed-Siilaanyo oo aannu xalay fiidkii ku booqanay guriga uu deggan yahay, kadib markii boolisku sii daayey gaadhigiisa iyo darawalka wadayba, ayaa isagoo arrimahaa faahfaahinayey waxa uu yidhi; “Wallaahi aniga qudhaydu waan maqlay uun in gaadhigaygii la xidhay, waanan yaabay oo wax lagu xidhay ayaan garan waayey. Nin darawala oo nin sarkaal ah waday afka isla dhaafeen iyo darawalka gaadhigaygu baa la igu yidhi, gaadhigu wax allaale iyo wax kale oo uu geystay ma jirin, ilaa OB-ga waxa loo geliyey baa la yidhi, hub buu haystay, hub uu haystayna ma jirin.” Waxaannu intaa ku daray; “Qolada dawladda iyo boolisku arrinta waxba igalamay soo xidhiidhin, laakiin dad kale ayaa ila soo xidhiidhay, aakhirkiina la soo daa.” “Muxuu sameeyey ee naloo soo raacaayaa ee aannu samaynay, wuxuu sameeyey sharci ka dhinnaa iyo cid uu waxyeellay midna ma jirin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. “Waxaan u arkaa daandaansi badheedh ah, waxaa wax ka weyna waannu filaynaa inay dhacaan, waana la garanayey gaadhigayga iyo darawalkaba, badheedh baana loo xidhay.” Waxa la geeyey oo lagu xidhay Saldhigga Dhexe oo OB-ga loo gashay baastoolad buu noogu hanjabay, bastooladna ninku maba sidan gebigeedaba, cid uu wax ugu hanjabayna ma jirin, wax ka jiraana ma jiraan,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Maxamed Saqadhi Dubbad oo aannu isagana arrintan wax ka weydiinay ayaa yidhi; “Askariga waxa loo siiyey ilaalin ee in uu darawal ka dhigto looma siin. Nimankan siyaasiyiinta ah ee KULMIYE, UCID iyo qoladan kaleba [xukuumadda] waa kuwa xafiisyada laga bixiyey, distooriyanna weeyaan. Way iweydiisteen oo waa la siiyey, markaa waxa loogu talogalau in ay guriga ilaaliyaan, xafiiskana kala shaqeeyaan, markaa darawal buu ka dhigtay qiyaastii baan jecelahay.” Taliyaha oo la weydiiyey sababta loo qabtay inay tahay askarigii oo ilaaliye lagu ogaa ayaa darawalnimo lagu qabtay, waxa uu ku jawaabay; “Maya maaha; waxaan ku idhi, isagoo gaadhiga wada darawalku oo aannu Siilaanyo la socon ayuu waddada soo maray, baabuur kale oo isna boolisku leeyihiin oo nin sarkaal ahi wato ayaa waddadii laysugu yimi. Wuxuu sameeyey darawalkii Siilaanyo khilaaf, waa la joojiyey oo waxa la yidhi, waar waa sidee sidan aad dariiqa u socotaa, lays garan maayo markaa, dabadeedna wuu caytamay, markaa iyagu inuu askari yahay iyo in uu Siilaanyo darawal u yahay midna may garanayaan, sidaas ayaana lagu soo xidhay. Mar saacaddu kowdii ahayd ayaa la ogaaday in gaadhigu yahay kii guddoomiyaha, inankuna uu askari yahay, dabadeedna waa la sii daayey.” Mr. Maxamed Saqadhi Dubbad waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in darawalka iyo gaadhiga Siilaanyo OB-ga loo geliyey oo lagu eedeeyey inuu hub siday, “Gaadhiga laamida ayaa laga soo kaxeeyey, taliska guud ayaa la geeyey, haddii uu wax sitana markaasaa la heli lahaa oo la baadhi lahaa,” ayuu yidhi taliyuhu. Mar wax laga weydiiyey Taliyaha Booliska sababta markii la gartay darawalka iyo gaadhiga Siilaanyo ay boolisku ula xidhiidhi waayeen, waxa uu ku jawaabay; “Maxaannu la xidhiidhnaa askarigana markii baa la ogaaday, gaadhigana inuu Siilaanyo leeyahay markii baa la ogaaday, dabadeedna waxa la yidhi, gaadhiga sii daaya, aniga ayaana amarka lagu sii daayey bixiyey.” Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu sheegay in aan si badheedh ah loo xidhin baabuurka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, maadaama aannu lahayn calaamad gaar ah oo lagu garto, “Hadduu yidhi, waa la ii badheedhay isagay u taallaa, gaadhigiisuna calaamad ma laha, KULMIYE-na kuma yaal oo waa gaadhigaa caadiga ah ee lambarka shicibka leh, darawalkuna muu odhan waa gaadhigii guddoomiyaha ama askari baan ahay, markii la qabtayna wuu caytamay, markaa waxa loo soo xidhay nin dariiqa ku garadarooday, dadkiina aflegaado u geystay, gaadhigiisuna kuwa dadka kama duwana haddaanu calaamad lahayn, arrintana waxa buunbuuninaye qaar kale oo biririfleyaal ah oo ila soo hadlay oo Xuseen Axmed Caydiid la yidhaahdo, waxayna leeyihiin gaadhigii guddoomiyahaa la xidhay, gaadhiguna haddii uu dembi galo waa loo siman yahay sharciga oo cid ka weyni ma jirto. Arrintuna maaha mid guddoomiyaha loola badheedhay ee darawalka ayey ku kooban tahay, waxa aannu ka yeelaynana waa mid annaga noo taal,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Taliye Saqadhi Dubbad. Xigasho / Jamhuuriya Online