Go’aankii Muddo Kordhinta ee Guurtidu Wuxu Qaawiyey

OPINION

By: Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan

Jidkii Siraad

Somaliland waxay cagta saartay Jidkii Siraad. Haddii ay dhinacaas u ciirto waxay khatar ugu jirtaa inay muquurato lama-degaan ay ka botorinayaan col iyo abaari; haddii ay dhinaca kale u ciirto waxay foodda la gelaysaa waadigii nabadda iyo caanaha dimuqraadiyadda iyo ictiraafka.

Kol haddaad Jidka iraad cagta saarto dib loogama guran karo, hore ayuun baa loogu siqi karaa, bidix iyo midig dhanka aad u dhacaysaana waxay ku xidhan tahay camalkaagii hore. Xikmadda iyo taxadarkana lagama dayrinayn.

Maxaa Dhacay Haddeer ilaa Nofembar 2007?

Waxa ummadda u qorshaysnaa wareeggii labaad ee doorashooyinka deegaanka iyo madaxtooyada oo ay ahyd inay dhacaan 15 Diisambar 2007 iyo 14 Abriil 2008.

Beelsha Caalamku maaliyad shilis ayay u qoondaysay hirgelinta doorashooyinkaas. Waxay beelsha caalamku jilayaalsha siyaasadeed ee Somaliland ku qancisay in doorashooyinkan laga hormariyo diiwaangelin. Oggolaanshaha fudud ee diiwaangelintu wuxu dhab ahaantii noqday kan ragaadiyey gebi-ahaanba qabashada doorashooyinka, waxa laga yaabaa inuu dhibaato intaas ka badan inoo keeni karo. Waxay noqotay in doorashooyinku u xanibnaadaan diiwaangelinta, halkii diiwaangelintu noqon lahayd wax qurxiya doorashooyinka.

Aqoondarro, waayo-aragnimo la’aan iyo daacad darro is barkaday ayaa u sabab noqday inaan doorashooyinka la qaban muddadooyinkii qorshaysnaa.

Komishanka Doorashooyinku wuxu dabayaaqadii 2007dii shaaca ka qaaday in aanay suurtagal ahayn in muddada xadidan ee doorashooyinka ka hadhay awgeed aanay diiwaangelinta qaban karayn. Halkii ay jilayaalsha siyaasdeed ka odhan lahaayeen diiwaangelintu waa qurxine doorashooyinka ku tallaabsada ayaa waxay oggolaadeen in doorashada deegaanka dib loogu riixo 28ka July, tan madaxtooyadana 7da ogost.

Waqti yar ka dib ayaa Madaxweyne Rayaale waraaq u soo qoray Golaha Guurtida uu kaga codsanayo inay sharciga waafajiyaan dib-u-dhigista doorashada golayaalsha deegaanka oo waqtigoodu kaabiga saarnaa. Rayaale wuu ka aamusay tan madaxtooyada oo waqtigeeda 5 bilood ka hadhsanayd.

Axsaabta qaranka, Golaha Wakiilada iyo muwaadiniinta, cidina kama hadlin in muddooyinkaas cusubi ay ka daba-marayaan muddadii uu madaxweynaha xilku kaga buuxay iyo tallaabooyinka dastuuriga ah ee loo baahan yahay in la qaado. Axsaabta qaranku diyar bay u ahayd in Raayale dhawr bilood xilka ku sii muddo-dhaafo.

Mar labaad ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku shaaca ka qaadeen inaanay diiwaangelinta ku qaban karayn muddooyinkii cusbaa ee iyaga iyo saddexda xisbi qaran isku raaceen. Mar kale ayay saddexda xisbi qaran oggoladeen taariikh cusub: in diiwaangelinta soo gebagebowdo 5ta Oktoobar, labada doorashona midna la qabto 6da Oktoobar tan kalena dabayaaqada Diisambar. Weli dareenka xisbiyada mucaaridku wuxu u egkaa mid indhaha ka qarsanaya muddo-dhaafka madaxtinimada Rayaale.

Xaalku wuxu si weyn isu beddelay markii Rayaale warqad u soo qoray Golaha Guurtida uu kaga dalbanayo inay xeerka waafajiyaan dib-u-dhigidda doorashada madaxtooyada oo waqtigii ay qabsoomi lahayd kaabiga saarnaa isagoo tix raacaya muddadii cusbayd ee ay ku heshiiyeen saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyin.

(Waxa wararka qaar tibaaxayaan in Guurtida damacsanayd inay Madaxweynaha laba sano u kordhiyaan, haseyeelshee, markii sababaynta arrintaasi ku adkaatay ay go’aansadeen inay sanad ugu duugaan).

Dan lagama gelin kordhinta sharci darrada ahayd ee Guurtidu u samayasay Golayaalsha Deegaanka. Haseyeelshee, haddii ay Guurtidu raaci lahayd wixii axsaabta iyo komishanku isku raaceen, sharci-darradanimada arrintaas indhaha ayaa laga qarsan lahaa.

Malaha, sharci darrada laysku raacsan yahay waa sharci, haseyeelshee waxa habboon in taas dastuurka la waafajiyo.

Muddo kordhintii sharci-darrada ahayd ee Guurtidu waxay qaawisay sharci-darraddii iyo dastuur jebintii ay reer Somaliland ku wada socdeen. Arrintaasi waxay bilawday in qodobadii dastuurka dib loo akhriyo in la lafaguro waxa dastuurku sheegayo nuxur iyo micne ahaanba (scrutinize the spirit and letter of the constitution). Waxa soo xidhmay tigtiga-leexintii (short-cut) iyo mindi-roortayntii ay jilayaalsha siyaasadda iyo hay’adaha qaranku kula kacayeen dastuurka iyo xeerarka ummadda u yaal.

Halkee ayaa Xaal Taagan yahay:

  1. Axsaabta mucaaridka ahi ma oggola muddo-dhaafka Madaxweynaha oo waqtigisu ku eg yahay 15/05/08
  2. Go’aanka muddo-kordhinta Guurtidu ee Madaxweynaha iyo Golayaalsha Degaanku dastuurka ayuu baalmarsan yahay
  3. Diiwaangelinta ayaa u sabab inaan doorashooyinku waqtigoodii ku qabsoomin
  4. Wixii 15ka May ka danbeeya, Golaha Wakiiladu waa hay’adda keliya ee la soo doortay ee sharci ku fadhida
  5. Golaha Wakiilada ayaa sharciga waafajinaya wixii ay ku heshiiyaan Axsaabta qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ee la xidhiidha:

a) waqtiga doorashada la qabanayo,

b) hoggaanka dalku yeelanayo inta u dhaxaysa16ka May ilaa waqtiga doorashadu dhacayso

c) Diiwaangelintu meelshay ka baxaysaa kol haddii doorashooyinku qabsoomi waayeen muddadii loogu talogalay

  1. Xukuumaddu waxay doonaysaa inay ku sii socoto sharci jebintii
  2. guurtidu madaxweynihii afarta sano u kordhiyey ayay sanad ugu abaal gudday

Guntii iyo Gebagebadii

Jidka keliya ee xooggaga siyaasadeed u furni waa kan wada tashiga iyo in dastuurka lagu dul shaqeeyo, sidaas daraadeed waxa lagama maarmaan ah in Madaxweynaha iyo Guurtidu ka tanaasulaan ku adkaysiga sharci jebinta aynnu dhammaanteen masuulka ka nahay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan,

Xubin Golaha Wakiillada Somaliland, Hargeysa.
RSS 2.0 |