Mudo Kordhin Rayaale Ah Oo Hortaala Golaha Guurtida Mudadii Xilka Madaxweynenimo Oo Ku Eg May 15 keeda

Hargeysa- Somaliland, Madaxweynaha jamhuurida Somaliland Dahir Rayaale Kahin ayaa olale balaadhan ka bilaabay golaha guurtida dhexdooda si uu u helo mudo kordhin ah ugu yaraan laba sanadood . Madaxweyne Rayaale oo mudadii xilkiisa madaxweynenimo ku egtahay bisha May 15 keeda ayaa la sheegaya inuu hawl galiyay wasiiradiisii oo maalmahan dambe lagu arkayay iyaga oo kulamo goos goos ah la yeelanaya odayaal ka tirsan golaha guurtida. Madaxweyne Rayaale ayaa laftiisu kulamo uu ku doonayo mudo kordhin la lahaa xubno ka tirsan shirgudoonka golaha guurtida iyo odayaal ka tirsanaa gudida joogtada ah ee golaha guurtida. Madaxweyne Rayaale ayaa sida la wada ogsoonyahay hore ugu kordhiyay golaha guurtida afar sanadood oo aanu distoorku waafaqsanayn imikana ku adkaysanaya in hadii tii horeba la qaatay tanna waa in la aqbalaa ! Labada xisbi mucaarad ayaa illa hada meel iska taagay in aanay ogalaan doonin mudo kordhin loo kordhiyo madaxweyne Rayaale isla markaasna aan aqoonsan doonin hadayba dhacdo. Arintan ku saabsan mudo kordinta madaxweynaha ayaa soo if baxday markii dhawaan gudoomiye ku xigeenka komishanka qaranku uu shaaca ka qaaday in madaxweyne Rayaale faragelin ku hayo komishankii qaranka si hawlaha diwaangelinta doorashooyinku dib ugu dhacaan. Dhamaan shacabka reer Somaliland iyo dawladaha deeqda bixiya ayaa aad u danaynaya in dalka ay ka qabsoonto Doorasho xor ah oo xal ah, taasina waxay soo dedajin doontaa aqoonsiga Somaliland hadii se doorashada lagu badalo mudo kordhin aan dalka iyo danta guud ee qankaba aan waxba u tarayn waxay horseedi doontaa sumacada daleena oo baaba’da iyo khasaare badan oo inagu yimaada.