Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaliland Ee Wales Cardiff UK

Anigoo ku hadlaaya magaca Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, magaca xaaskeyga Amaal Cumar Carte, iyo kan reer Cabdi Carwo, waxaan tacsi u dirayaa, xaaska, ubadka, walaalada, ehelka, qaraabada, xigaalka, xididka, asxaabta, iyo dhammaan Shacbiweynaha Soomaliland gaar ahaan Jaalidda Soomaliland U.K iyo degaanka Hargeysa iyo Saaxil oo uu marxuumku ka waday mashaariic samafal ah . * ** * Marxuum Cabdillaahi Maxamuud Xirsi ( Ashcari) waxuu ku geeriyooday magaalada London, U.K maanta oo ah Arbaca 09/04/2008. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa xaaska marxuumka iyo caruurtiisa degan London. .* ** *Marxuum Cabdillaahi, waxuu ahaa nin hawlo badan ka qabtay dawladii Soomaaliyeed ilaa manasab Wasiir oo uu ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha. Waxaa lagu xusuustaa kaalinta muuqata ee uu ka qaatay dibu-dhiska Soomaliland, isagoo gurmad ugu noqday dalka bilowgii sagaashanaadkii, isla markaasna ku guulaystay dhismaha Iskuulka Sare ee La-Seexdo ee Sheekh ooy dhistay Hay’ad German ah oo uu hoggaankeeda ka mid ahaa. Waxa kale oo u qorshaysnaa mashaariic kale ooy ka mid yihiin Isbitaal Guud oo Sheekh ah iyo mid Hargeysa ah. * ** *Cabdillaahi , Alle ha u naxariistee waxuu ahaa nin oday ah oo bulshada Soomaliland ee UK ka dhex muuqda, aadna u jeclaa nabadda, walaalaynta iyo wadajirka bulsho dal iyo debedba. Waxuu ahaa nin diinta ku wacan oo cibaado badan, aftahan ah bal se af-gaaban oo qunyar socod ah, hawlkar shaqo jecel, kana daalin hawl kasta oo samafal ah. * ** *Marxuum Cabdillahi Maxamuud Xirsi (Ashcari) waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan. **

Ahmed Hassan Arwo

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliland