Gudoomiye Axmed Siilaanyo:“Qasdigu waxa weeye in doorashada dib loo dhigo anaguna maalin ma ogolin”

“Qasdigu waxa weeye in doorashada dib loo dhigo anaguna maalin ma ogolin”

Hargeysa (Ogaal) – Gudoomiyaha xibiga mucaaradka ah ee Kulmiye, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Rayaale inuu u hanqal taagayo in mudada xilka loo kordhiyo, Islamarkaana waxa uu taa sababta ugu dhigay fargelin gudiga doorashada kaga cabatay.

Gudoomiyaha Kulmiye oo wargeyska Ogaal wax ka weydiiyay aragtida Xisbiga Kulmiye ee ku wajahan dhawaaq ka soo yeedhay Gudoomiye ku xigeenka Gudiga doorashada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sheegay in hawlaha Komishanku ka dhaqaaqi la’dahay Xisbiga talada haya iyo Madaxweynaha, waxa uu kaga jawaabay Siilaanyo. “Waxa muuqata in Komishanka wax badani ka khaldameen, marka ugu horeysa waynu ogayn oo ilaa abuurkoodii wakhti badan ayaa ku lumay oo iyagu may lahayn, ee cid kastaaba qaladkaa ha lahaatee anagu inta badan xukuumadda ayaanu saaraynaa. Laakiin abuuritaankii markii hore dhismahoodii, dhaarintoodii hawl-galkoodii aad ayay u adkayd wakhti badanina wuu ku lumay. Marka labaad intii ay shaqaynayeen mar qudha dawladu faraha kala may bixin, mar saddexaadka hawshii ay hayeen ee doorashada loogu diyaar-garoobi lahaa, waxa la wada ogyahay in ay dawladu faragalin aad u culus ku haysay ama ha noqoto diyaarinta dadkii maamuli lahaa doorashada soo socota ama diiwaanglinta ka soo horeysa ha noqoto ee waxa la wada ogyahay in badhasaabada, gudoomiyaasha degmooyinka iyo Xukuumaddu caam ahaan ay faragelin toos ah ku haysay, taasina ay dhibaato farabadan ku keentay hawshii uu komishanku qaban lahaa.”

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu muujiyay in Gudiga doorashada la rabo in laga faquuqo axsaabta mucaaradka ah. “”Waxaynu ognahay in labadii xubnood ee ka tirsanaa Xisbiyada mucaaradka ah mid hore meesha looga saaray midna uu saaka (shalay) cadeeyay mawqifkiisa, oo uu sheegay in faragelinta Xukuumadda iyo Madaxweyne Rayaale aad ugu badan tahay Komishanka, taasi mid anaga mar walba aad noogu muuqatay ayay ahayd, hadana aanu is lahayn mar walba wixii suurtagal ah la shaqeeya Guddigaa doorashooyinka, ta kale waxa weeye mid ayuun baa loo socday oo ay dawladu u socotay oo waxay ahayd si kasta oo ay u dhacdaba in la doonayay oo qastigu ahaa, oo la fahansanaa in la doonayo in doorashada dib loo dhigo, oo Madaxweynaha waqtigiisa loo kordhiyo.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Siilaanyo waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Waxaanu cadaynaynaa shariciga maanta yaala iyo dastuurka Qaranku ma ogola, anaguna ma ogolaanayno, shacab-weynuhuna ma ogolaanayo in hal maalin lagu daro muddada Madaxweynaha. Hadii xaga sharciga laga hadlo dastuurku waxa uu cadaynayaa sida kaliya ee Madaxweynaha muddada loogu kordhin karaa inay tahay in dalka dagaal weyni uu ka socdo, oo aan ummadu xasiloooni haysan, oo dalka oo dhan dagaal ka socdo. Maanta inagu Somaliland ahaan waxa kaliya ee aynu ku faanaa waa nabadgalyada iyo xasiloonida aynu haysano. Sidaa daraadeed qodobkii u ogolaan lahaa in Guurtidu muddada u korhisaa mid meesha yaala maaha. Markaa anagu waxaanu taaganahay mar kastaba in doorashadu qabsoonto iyo inay qabsoomi waydo waxba kama dhexeeyaan. Laakiin waxa ka soo horeysa maalinta ay Madaxweynaha muddadu ka dhamaato sharciyad u hadhay ma jirto waana inuu halkaa dhigaa xilka, oo uu Xafiiska dibada iska taagaa ayaanu anagu leenahay. Sida qudha ee lagu sii sugi karaa waxa weeye sida saddexda Xisbi iyo dadku isla qaateen ayuun bay wax ku dhaqaaqi karaan oo lagu socon karaa, arrinta aanu doonayno inaanu hoosta ka xariiqnaana waa taa.”

Axmed Siilaanyo waxaa kale oo aanu sii weydiinay, mudadii hore ee Axsaabta iyo Komishanku isla qaateen in doorashadu ku qabsoonto inay ku dhici karto iyo waxa iyaga uga qorshaysan waxana uu ku jawaabay. “Marka hore waxa laga hadlayay wuxuu ahaa waqtiga doorashadu ay ku dhacayso, wax la isla qaatayna way ahayd. Laakiin, maanta wax la isla qaatayna ma jiro, waxaana cadaatay in aan waqtigii waxba ku qabsoomahaynin, sidaa daraadeed, waxa ka soo horaynaysa waqtiga Madaxweynuhu markuu dhaco way dhamaanaysaa ee maxaa la yeelayaa ayaa imanaysa, doorashadu siday u dhacaysaa. Marka Madaxweynaha muddadu ka dhamaanaysaana way ka soo horeynaysaa doorashada, taa macneheeduna maaha way dhamaatay ee waa la kordhinayaa muddada khasabna maaha, cid kordhin kartaana ma jirto sharciga iyo dastuurka Qarankuna ma ogola in la kordhiyo, wixii kordhaana waa wax ku yimaada talo Qaran oo la isla garto, oo khaasatan wax ay Axsaabtu isla garato ku iman kara weeye.

Taasaananu cadaynaynaa, waa in Guurtida Qaranku taa cadaysaa, oo ay mawqif cad iska taagaan iyaga iyo cid wal oo ay khusaysaaba. Marka taa la isla gaadho ayay talo soo bixi doontaa.”

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in Guurti ahaan ay u arkaan inaanay ku dhaqaaqayn talaabo ay mudada ugu kordhinayaan Madaxweynaha. “Guurtida iyo cid kale toona uma aragno inay u kordhin karto, Guurtiduna maanta meesha way joogtaa, xidhiidhna waanu la leenahay, waana la yeelanaynaa, waxaanan qabaa oo aan ku kalsoonahay Guurtidu inaanay ku dhaqaaqahayn wax maanta dalka dhibaato u keenaya.”

Soource: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.