Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Xisbiga Kulmiye Md Muse Biixi Cabdi Oo Waraysi Siiyay Joornaalka Geeska Afrika

Shirweynihii KULMIYE, Hargeisa

Muj. Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay markay ugu horaysay tan iyo markii toddobaadkii hore loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, ka hadlay xaaladda xisbigooda, cidda uu u arko inay ku haboontahay murashaxa madaxtinimada ee xisbigooda iyo arrimo kale oo dhawr ah.
Mujaahid Muuse Biixi, oo uu waraysi khaas ah la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu soo qaaday doorashadii hore ee Madaxtinimada Somaliland oo uu xusay inaan Daahir Rayaale kaga guulaysan balse ay xeeriyeen danta umadda, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Hanaankii shirweynaha KULMIYE u qabsoomay sidee ayuu kuula muuqday?

Waxaan u arkayay inuu si fiican u qabsoomay, dadweynihii daawanayay ee arkayna way qiimayn karaan. Laakiin annagu waxaanu hubnaa sidii aanu u qorshaynay inuu u dhacay oo si wanaagsan oo 100% u wanaagsan u dhacay. Saddex cisho ayaanu ugu tallo galnay, saacad walbana wixii loogu tallo galay ayaa la qabanayay. Hawl yar may ahayn, laakiin Illaahay mahadii iyo taageerayaasha KULMIYE oo isaga yimid daafaha dunida ayaa hirgeliyay.

Laakiin Muusoow, weli hawshii qayb ayaa dhiman oo waxa la sugayaa shirkii lagu dooranayay murashixiinta xisbiga uga qayb galaysa doorashada Madaxtooyada. Markaas ma is leedahay weli hawl culus ayaa dhiman?

Maya, hawsha u weyni waxa weeye shirweynaha oo distoorkii oo dhan ayaa la bedelay, barnaamijka ayaa la bedelayaa, waa aragti cusub oo waa la is dhaliilayaa, waxa isu imanaya aragtiyihii dalka oo dhan. Culayska weyni waa shirweynaha labada murashax ee soo bixi doonaa imika maaha hawl badan, golihii dhexena waa la doortay, markaas uma arko inay hawli hadhay oo 1% ayaa hadhay ayaan isleeyahay.

Laakiin dadka qaar ayaa leh, haddii murashixiintaasi wax qawadaan, waxay xisbiga ku keeni kartaa in awoodiisii siyaasadeed wiiqanto?….

Haddii aan al is yeel-yeelayn qaybta ugu weyni 60% waa murashaxa Madaxweynaha amaba hoggaanka xisbiga ee guddoomiyaha, labadiina waa la isla ogolyahay ayay ila tahay, waxa kale ee hadhay waa xaal xaal.

Xukuumadda Somaliland si rasmi ah ma idiinku soo hambalyaysay shirweynihiinii qabsoomay?

Ogaantay, qoladii lagu casuumay ee wasiirada iyo xukuumadu may iman oo casuumadii kamay soo jawaabin. Xisbiga UDUB ma iman oo casuumadii furitaanka shirka kamay qayb gelin, xidhitaankiina may iman. Waxa hambalyo ah oo aan arkay oo rasmi ahina ma jiraan, adiga ayaana iiga dhuun daloola oo arrintaas ma hayno.

Sida laga warqabo, xukuumadda Somaliland waxa uu wakhtiga xil haynteedu kaga beegnaa bishan April, laakiin markii ay isu tageen xisbiyada iyo Koomishanku, waxa ay doorashooyinkii dib ugu dhigeen bilaha July iyo August ee sannadkan. Taas iyada ka waran, mase kuu muuqataa in doorashooyinku qabsoomayso.?

Horta sidaas aad sheegtay April badhtamaheeda ayay ku dhantahay mudadii uu xeerku dhigayay ee heshiiska lagu ahaa, waxaana waajib ah inaanu xeerarka dhawrno, mudada qabashada waxa uu sharcigu siinayaa koomishanka, koomishankuna muddo ayay qabsadeen, mudadii loogu tallo galay maalmo inay ka dambayso. Saddexda xisbi ee labada mucaaradka ah iyo kan xukuumaddana iyagoo dadkii loo garqaadayay ahaa, waxay yidhaahdeen danta dalka awgeed mudadaas maalmaha ah aan ogolaano oo isla eegno. Wax kordhin la yidhaahdaa distoorka kuma jirto, dadweynuhuna waxay u codeeyeen inuu qofku Madaxweyne ahaado shan sanno, shantaasi markay dhammaato Madaxweyne maaha ee dadka ayuu la simanyahay. Distoorka oo kale ayay la mid tahay oo tusaale ahaan 97% ayaa distoorka u codeeyay oo ciddi ma bedeli karto, markaas Madaxweynaha doorashadiisana dadweynihii codeeyay ayuun baa codayn kara oo bedeli kara amaba wakhtigiisa kordhin kara. Markaas muddadani kordhis ma noqonayso ee waa wakhti qabasho oo ah, maalmo ay ku darsadeen koomishanku hawl farsamo awgeed.

Waxay ila tahay halkaas wax dhaafsiisan lama dhaafi karo, loomana fadhiyo, caqligana ma gasho ninkii aad ogayd sida loogu ogolaaday markii hore ilayn doorasho muu heline. Doorasho waxa la yidhaahdaa markay aqlabiyadda dadku ku raacdo, aqblabiyadii dadka may helin, laakiin danta guud ayaanu xeerinay oo ku sii daynay. Kolkaas haddana caqliga ma gasho wakhtigii intaas indhaha la isugu qabtay ee danta dalka loo dulqaatay ayaan ku darsanayaa caqli maba ah, haddii ay dhibaato timaado waxa wada tashanaya saddexda xisbi oo arrintu khusayso.

Waxaan ku talinayaa in dhinac waliba si macquul ah oo degen oo dantu ku jirto arrintaas looga talliyo. Qoladaas xukuumadda, malaha gobanimadu waxay ku jirtaa inay yidhaahdaan wakhtigii wuu naga dhanyahay ee walaalayaal maxaynu yeelnaa, qolooyinkayagan dhibta tirsanaya waxa wanaagsan, shantii sannaba la soo dul qaaday ee iyaguna inay yidhaahdaan sidee ayaynu wakhtiga ugu haboon isula qabanaa. Laakiin haddii xukuumadu u aragto in laga dareemo inay isku sii kordhinayso muddo aanay xaqa u lahayn way adkaanaysaa oo ninkii dhibta shanta sanno tirsanayay ee tirsanayay inuu hore u dul qaatay, maantana in gardaro kale loola yimaadaa way adagtahay.

Ta labaad, xukuumadda waxaan leeyahay waxaad fashayba fashay ee wa in faatikum ee halkaas yaynaan isla dhaafin oo wakhtigii iyo xeerkii la iskugu dulqaatay yaan la dhaafin.

Laakiin Muuse, Golihii guurtida ee mudada loo kordhiyay maydaan ogolayn haddana waan la idin marsiiyay?

Danteena ayaanu eegaynay, gardarada in mar iyo laba iyo saddexba loo dulqaataa waa waajib. Nin ayaa lagu yidhi intaas oo waran ahi intay kugu dhacaysay maxaaad uga qaadi weyday, tolkay ayaa ku sinaa buu yidhi. Inaynu mar iyo laba dulqaadano oo la ina nacaseeyo oo la ina jiidh jiidho danteena ayaa ku jirta, laakiin dee mar ayaa jirta ay MAYA imanayso, markaas inaan halkaas la isla gaadhin ayaa wanaagsan.

Muuse, doorashadii hore waa la tartamay oo waxa ku guulaystay Daahir Rayaale Kaahin, si kastana kaga guulaystee waxa uu xilligaas ka guulaystay Faysal iyo Siilaanyo. Sida dad badani aaminsanyihiina haddana waxa la baratami doona labadaas nin ee hore, waxaana jira dad aaminsan wejiyo cusub ayaa loo baahanyahay. Markaas adiga ma kula tahay haddii Siilaanyo iyo Faysal doorkana Daahir la tartamayaan inay ka adkaan doonaan?

Annagu KULMIYE ahaan ma qabno inuu Daahir Rayaale naga badiyay ee waxaanu qabnaa inaanu danta qaranka eegnay, haddana waxaan aaminsanahay in ciyaarta soo socota aanu Daahir Rayaale Ka badin doono oo uu Siilaanyo ka badin doono. KULMIYE markaanu is qiyaasnay waxaanu u aragnay dhawr sababood awgood in ninka Siilaanyo maanta mudanyahay in doorashadaas uu isa soo taago, inta badan ee umadda ee macquulka ah ee dadka jecelina ay u arki doonto inuu yahay ninka ugu haboon in loo codeeyo, sababahan awgood:

A) Horta ummad waliba taariikh iyo qadarin ayay leedahay, maanta Siilaanyo wuxuu la midyahay Nelson Mandelaha Somaliland, haddii aan la is dafirayn. Somaliland waxa ku filan Siilaanyo in shantii sanno ka hor 80 cod oo musuq ah lagu yidhi ka tag oo uu yidhi danta dalka ayaan ku qaatay, waxaanan u malaynayaa inuu abaal badan ku leeyahay shacabka, maantana ay noqonayso waajib in taas loogu abaal gudaa.

B) Waa ninka inoogu waayo aragsan arrimaha hoggaaminta iyo talada ee 40-kii sannadood ee u dambeeyay halgan, siyaasad iyo waayo aragnimo inoogu leh

C) Somaliland burburkan ay ku jirto maanta ee dhaqaale ijtimaaci ah waa nin dadka oo dhan bari ilaa galbeed la qoys ah oo qof waliba marka uu
magaciisa maqlo uu moodayo qof ay is yaqaanaan oo walaalkii oo kale ah oo ay is lexo jeclaynayaan. Markaan intaas eego waxaan u malaynayaa cid la tartamaysa oo intaas lihi ma jirto, aqoonta iyo dhallinyaranimada waa loo baahanyahay oo waa mid meesha ku jirta, waayo aragnimada iyo is qadarinta iyo ixtiraamkuna intiisa ayuu yaalaa, labadiibana waanu eegnay. Markaas annagu KULMIYE ahaan umadda waxaanu u soo bandhigaynaa Axmed Siilaanyo, waana la ogyahay, umaddana waxaan filayaa 90% sidaas aanu u aragnay inay u arki doonto.

Laakiin Muuse, Axmed Siilaanyo nin kale oo ah Dr. Axmed Xuseen Ciise ayaa kursiga kula loolamaya. Miyaad qanciseen oo waxaad tidhaahdeen doorkan ka tanaasul.?

Haddii uu Axmed Xuseen Ciise imika yimaado intaas aan leeyahay ayaan ku odhan oo kolay aniga iyo rag kale horena ugu nidhi imikana waanu ku odhan doonaa, isna waanu jecelnahay inuu yeeli doono oo uu ixtiraamkaas keeni doono oo ay is qadarin doonaan, waayo Dr. Axmed hore ayaan u sheegay oo waa nin qiimayntiisa iyo qadarintisa leh, laakiin haddii Siilaanyo maanta loo doortay guddoomiye oo sidaad arkaysay loo ixtiraamay, waxay ila tahay ta’ dambena inaan halkaas ciddi ka dhaqaajinayn oo ixtiraamkas iyo odaynimadaasi soconayso. Dr. Axmed Xuseen waxaan leeyahay waxaad tahay nin intaasba u qalma, laakiin haddana odaynimo iyo ixtiraam ayaa jira, maantana dulqaado.

Markaas Axmed Xuseen Ciise, intaas toos ma ugu tidhaahdeen oo ma idinka yeelay?

Taas inuu rasmiyan u yeelay iyo in kale isaga ayay u taalaa, laakiin saaxiibtinimo iyo xisbinimaba si gooni gooni ah iyo asxaabtanimo ahba arrintaas waanu kula talinay waanan jecelnahay waxaan filayaa Dr. Axmed waa nin macquuloo inuu yeeli doono sidaas dadku kula taliyay.

Si rasmi ah inuu u yeelo iyo goorta uu go’aanka qaadanayo iyo wixii kale isagay u taalaa, laakiin arrintaas in badan ayaan kolay talo ku siinay.
Xukuumadda Daahir Rayaale Kaahin, dad badan ayaa aaminsan inay imika soo noolaatay oo ay dib u soo nooleeyeen laba qodob oo kala ah qabsashadii gobolka iyo Sool iyo safarkii Maraykanka uu ku tagay ee ay Jendayi Frazer [Kaaliyaha Arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika] kaga jawaabtay socdaalkeedii Hargeysa. Adigu taas ma qabtaa oo ma kula tahay in labadaas qodob dadku cod ku siin doonaan xilliga doorashada?

Horta dadku qof waliba maskaxdiisa isaga ayaa leh, labada qodoba waa laba qodob oo guul ah oo Somaliland u soo hoyday, qof walba oo muwaadin ahina wuu ku farxayaa, xukuumadana joogtaana magac iyadaa kolay ku leh, laakiin shicibka iyo illaahay ayaa ammaanta leh. Markaas xukuumadu qayb ayay ka tahay guusha la gaadhay, haddii qaybni ugu korodhi waa macquul, laakiinw axaan qabaa hawlaha qaranku labadaas qodob oo qudha maaha, inta baylah ah ee faraha badan ayaa la arkayaa oo shantaas sanno wuxuu tarana waa la arkayaa wax badan oo ka baylahana waa la arkayaa. Waxa la isweydiinayaa baylahdiisa iyo wixii uu baylah tiray kee badan, waa qof iyo garaadkii. Laakiin umadda inteeda badani waxay u aragtaa inay baylahdu badantahay, markaas u malayn maayo inuu dhibcihii uu imtixaanka ku gudbi lahaa ay xukuumadani ku gaadhayso oo labadaas dhibcood ayaynu haynaa, imtixaantkana waxa laga doonayay boqol dhibcood, oo 98 dhibcood oo kale ayaa laga rabaa. Markaas anigu sidaas ayaan u arkaa.

Muuse, waxa magaalada Hargeysa ee aad degentahay kuna barbaartay ka taagan biyo la’aan oo xaafadihii Hargeysa ee biyaha kaltanka ku heli jiray, haddana afar habeen ayay mararka qaar ka maqnaadaan biyuhu. Taas maxaad ka odhanaysaa?

Waa tallo xumadeena oo ina Rayaale ku eedayn maayo, wasiiradana ku eedayn maayo. Hargeysa inay 18 sanno biyo la’aato waa tallo xumada dadka reer Hargeysa oo aan kow ka ahay. Maalintii biyahaas la furay ee Maxamed Xaashi dawladda hoose loo dhiibay, isagaa biyaha hagaajiyay, maalintii uu dawladda hoose ka tagayna wuxuu soo saaray daraasad ah in Hargeysa biyo la’aanayso iyo in loo baahanyahay in kayd biyo ah la doonto. Hargeysa inay caagadda la wareegto mooyaane inay iu timaado oo ay yidhaahdaan xaggee ayaan biyo u doonanaa lama arag.? Madaxweynihii hore, kan hadda jooga iyo ku’ dambeba waajib ayay ahayd inuu caasimadda biyo u doono oo uu ka fikiro, laakiin sideedaba dawladdan ninka jooga waxa haysto culaysyo badan oo waxa la yidhaahdaa dheri ninka u dhow ayaa faraha kala bax, kolba qofku intuu ka doono ee uu dhibaatadiisa tuso dawladda ayaa la jiheeyaa. Miyaad aragtay Hargeysa midaysan oo baarlamaankeeda iyo dawladeeda hoose midaysantahay?, Hargeysa markay wax doonanayso qabiil ayay nafta isugu keentaa oo way la kala yaacdaa, xabaalo ay wax ku aastana ma leh.

Biyahaasi dawladda hoose ee Hargeysa ee la doortay iyo labaatanka suldaan ee yidhaahda dadka annagaa dambaabna iyo boqolka ganacsato ee lacagta badan dalka ka helay ee reer Hargeysa ee shirkadaha waaweyn leh iyo boqolka siyaasi ee reer Hargeysa ee habeen walba hadla iyo kumaankunka dhallinyaro ee intaas jaraa’idka wax ku qora ee aad adigu ku jirto, bal miyaad aragtay Hargeysa isu tagta oo dadkeeda biyo u doonta.? Waxaan leeyahay Hargeysa ha isu timaado oo biyo ha doonato, biyo dhowani Hargeysa way ku jiraan oo geed deeble iyo xumbo weyni waa la kordhin karaa, AW barkhadle biyo ayaa laga heli karaa. Markaas waxa weeye taasi waa tallo Hargeysa ka dhiman, laakiin xukuumadda joogta maanta hadii Hargeysa dayacantahay dee Madaxweynaha dhex fadhiyaa waxay ahayd inuu arko tan uu hoos joogo ee lagu bakhtiyayo oo uu biyo u raadiyo.

Ugu dambayn taageerayaasha KULMIYE guddo iyo dibadba maxaad odhanaysaa?

Taageerayaasha KULMIYE waxaan u farayaa inay ka duwanaadaan xisbiyada kale oo laga helo dhawr arrimood oo lagu tilmaansado inuu KULMIYE ka socdo, waa inuu dal jacayl yeeshaa oo uu hawl kar noqdaa, waa inuu dalka caawintiisa diyaar u yahay, waa inuu yahay qof xaqiisa doonan kara oo uu yahay qof gardarada u dulqaadan kara oo uu noqdaa qof aamin ah oo Alle ka cabsi leh. Markaas wuu ka duwanaanayaa ka af miishaarka ah ee maantana xaggan u carar, maantana xaggaas u carar ku shaqaysa. Da’ yarta waxaan ka doonayaa inta KULMIYE soo galaysaa inaanay noqon qolo jaho-wareersan ee uu lahaado aragti ah inuu mustaqbalka doonayo oo uu garanayaa sida uu labaatanka sanno ee soo socda noqnoayo KULMIYE. Intaan farayaa waa intaas.

Source: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa Somaliland