Hoggaanka ururka Qaran oo u baxay Martiqaad ay ka heleen Ingiriiska: “Waxa dowladda lacag lagaga guranayey KULMIYE wuu ishaystaa oo waa lagu kala tegayaa…maanta waa Muraaradillaac..” Inj. Maxamed Xaashi

News

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee urur-siyaasadeedka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee ururkaas, Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo u sii jeeda dalka Boqortooyada Ingiriiska oo ay ka heleen martiqaad.

Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi oo intii aanay maanta dalka ka dhoofin u warramay saxaafadda ayaa sheegay in ay martiqaad ka heleen ururka Somaliland Focus ee u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda Somaliland, xaruntooduna tahay dalka Ingiriiska. Waxana uu sheegay in maanta ay u dhoofayaan Addis Ababa, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan Ingiriiska.

Inj. Maxamed Xaashi waxa uu shirkaa jaraa’id kaga hadlay xaaladda dalku wakhtigan marayo iyo dhibaatooyinka badan ee ka haysta shacbiga Somaliland, kuwaas oo uu sheegay dhammaantood inay salka ku hayaan maamul-xumada dowladeed ee barriinsatey shacbiga Somaliland tan iyo markii ay gobanimada ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska 1960kii, isaga oo si gaar ah isu dultaagey xaaladda wakhtigan dalku ku jiro iyo maamul-xumada xukuumada Madaxweyne Riyaale.

Inj. Maxamed Xaashi isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu sheegay in dalku maanta ku jiro xaalad halis ah, waxana uu sheegay in loo baahan yahay isbeddel dhakhso ah oo caafimaad qaba.

“Xukuumadda Somaliland ma garan culayska ammaanada iyo xilka loo igmaday oo ah maamul qumman (Good Governance),” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

“Taageerada dadweynaha waxay ku raadisaa sifo qabiil, wasiirro badan oo reeraha loo maqaar-saaro, cuqaal, salaaddiin, afmiishaar dacaayadda u faafiya, iibka codka ama Vote-ka, mudane khayrlaawe ah iyo ku tagrifalka hantida ummadda hadday tahay lacag, dhul, daaro, bakhaarro, gaadiid, iwm,” ayuu raaciyey.

Inj. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay in dhaqankaa xun ee siyaasadeed uu kobciyo musuqmaasuqa, isla markaana baabi’iyo garsoorka iyo isu dheellitirka awoodda saddexda waaxood ee qaranka. Sidaa darteed, waxa uu sheegay in madaxweynuhu helay awood buuxda oo uu ku hareer maro dastuurka, waxana uu tusaale u soo qaatay in Madaxweynuhu uu diidey inuu golaha Wakiillada horgeeyo heshiisyadii xukuumaddu gashay iyo go’aamadii ka soo baxay golahaba.

Waxa kale oo uu xusay in ilaa iyo hadda aanay xukuumaddu u gudbin Golaha Wakiillada Miisaaniyaddii dowladda ee 2008, isla markaana Madaxweynuhu laalay miisaaniyaddii 2007. Sidoo kale, waxa uu sheegay in aan wax xisaab-xidh miisaaniyadeed ah laga haynin xukuumadda dhawrkii sannadood ee u dambeeyey.

“Xaalad adag oo tii Soomaaliya sansaankeedii leh ayaa Somaliland soo wajahdey,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Dhinaca kale, Inj. Maxamed Xaashi oo la weydiiyey sida ay u arkaan Shirweynihii xisbiga KULMIYE ee la soo gebagebeeyey Isniintii iyo sida uu ku dhammaaday, iyada oo ay jireen dad badan oo ka werwersanaa in shirkaasi uu guul ku dhammaado, waxa uu sheegay in xukuumaddu filaysey in KULMIYE burburi doono oo lagu kala dhaqaaqi doono, balse, taasi ay beenowdey.

“Waxa lagu lagu qaadanayey oo ay dowladdu ku bixinaysey KULMIYE oo ay afmiishaaradda ku masruufaysey KULMIYE wuu ishayaa oo wuu baaba’ayaa,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

“Horta maanta muraaradillaac bay ku jiraan oo tii way suuroobi weydey oo way socon weydey,” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in ururka Qaran uu u arko in mucaaridku iskaashado si xukuumadda maanta talada haysa meesha looga qaadi lahaa.

“Annagu khilaafkoodiina dhexdhexaadin baanu ka galay, meel wanaagsanna waanu soo gaadhsiiney, inay doorashadan galaanna taladayadii bay ka mid ahayd. Guddidii Qabanqaabaduna si wanaagsan ayay runtii yeeshay,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

“Maanta waxa baxday tuhunkii iyo wixii lacagta lagaga guranayey meesha way ka baxday,” ayuu yidhi.

Waxana uu sheegay inay u arkaan caafimaad soo kordhay, isaga oo Illaahay uga rajeeyey in mucaaridka uu u kordhiyo awood ay xaqooda ku dhacsadaan.

Laba Guddoomiyekuxigeen ee lagu martiqaaday Ingiriisku, waxay ka mid ahaayeen hoggaankii ururka Qaran ee xukuumadda Madaxweyne Riyaale u taxaabtay xabsiga Mandheera.

Somaliland.org, Hargeysa