Labada Xisbi ee Mucaaridka ah oo Mar kale ku celiyey in aanay Aqoonsanayn Madaxweyne Riyaale kadib 15 May 2008, Shirna isugu yeedhay Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee Labada Xisbi

April 13th, 2008 [News] |

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE ayaa mar kale ku celiyey in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn mudane Daahir Riyaale Kaahin marka la gaadho 15 May, 2008 oo muddada xilkiisa dastuuriga ahi ku egtahay. Waxayna ku isugu yeedheen shir ay xaaladdan kaga tashanayaan Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee labada xisbi ee mucaaridka 27 April, 2008.

Labada Xisbi ee mucaaridka ah, shir jaraa’id oo ay maanta wadajir ugu qabteen xarunta xisbiga KULMIYE, waxay caddeeyeen mawqifkooda ku wajahan xaaladda dalku wakhtigan marayo iyo talooyin ku saabsan sida ay u arkaan in xal loogu heli karo.

Shirkaa jaraa’id oo ay ka hadleen, labada guddoomiye ee labada xisbi, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe, ayna kala qaybgaleen siyaasiyiin ka tirsan hoggaanka labada xisbi, waxa ugu horrayn laga akhriyey hadal qoraal ah oo ay labada xisbi ugu talagaleen shirkaa jaraa’id, waxana qoraalkaa oo uu shirkaa jaraa’id ka akhriyey Cismaan Afgaab Nuur oo ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga UCID, isaga oo faahfaahsan wuxuu u qoran yahay sidan:

“Labada xisbi UCID IYO KULMIYE maanta oo ay taariikhdu tahay 13/04/08 waxay shirkoodan jaraa’id kaga hadlayaan duruufaha wakhtigan aynu joogno la soo gudboonaaday dalka ee distooriga ah.

Waxaynu la wada soconaa in uu dhamaanayo wakhtigii muddo xileed ee madaxtooyada ee distooriga ahayd oo ku beegan 15/05/08 iyada oo taa laga duulaayona waxay hogaanka sare ee labada xisbi UCID IYO KULMIYE, iyaga oo horena u cadeeyay mawqifka ay ka taagan yihiin xaaladan la soo daristay dalka, ay mar labaad iyo sadexaadba ku celinayaan go’aanka labada xisbina yahay in marka la gaaddho 15/05/08 sii fadhiga Madaxweyne Riyaale aanu wax sharciyad ah haysanin, mudadiisuna ay ku egtahay muddadaa kor ku xusan

Waxa kale oo ay labada xisbi si cad u qeexayaan in aan go,aanka ka soo baxay Golaha Guurtida ee korodhsiimada madaxtooyada ahayn mid waafaqsan dustuurka dalka u yaal, qododbka 83aad faqradiisa 5aadna aanay ahayn mid hadda dhaqan gal ah, gafna ku tahay adeegsiga hadda ay guurtidu daliishatay madaama aanay hadda jirin wax nabadgelyo darro ahi.

Sidaasi daraadeed waxay labada xisbi UCID IYO KULMIYE ay shirkan jaraa’id ku cadaynayaan qodobadan soo socda:

1. In aanay Golaha Guurtidu awood sharci u lahayn, in ay mudeeyaan xiliga doorashooyinka cidda kaliya ee awood sharci u lihina ay tahay Gudida Doorashooyinka Qaranka.

2. Waxa kale oo aan dhaqan gal ahayn wakhtigan qodobka 83aad farqadiisa 5aad oo ay si gef ah ugu daliishadeen guurtidu mudo kordhinta madaxtooyada

3. Waxa kale oo ay ummaddu ogtahay in aanu madaxweyne Riyaale oo hadda ay u kordhisay guurtidu muddo xileedka aanu ahayn madaxweyne ku yimi shir beeleed balse uu yahay mid ku yimi doorasho toos ah.

4. Waxa kale oo aan xaq ahayn in masiirka qaranka Somaliland ay go’aamin karaan 25 oday oo gudi ahaan si gaara ay u soo xuleen Golaha Guurtidu oo aan gudo iyo debad toona waxba kala socon xaaladda dalku marayo kuwaas oo ka doorbiday dantooda gaarka ah danta guud.

Haddaba, labada xisbi ee UCID IYO KULMIYE waxay ummadda u cadaynayaan inay ilaalinayaan shuruucda wadanka u taalla iyagoo ummadda u sheegaya go’aamadooda iyo mawaaqiftooda ay arintan ka taagan yihiin waana kuwan hoos ku xusan:

1. Annaga oo tixgalinayna duruufaha hadda lagu jiro waxaanu dhawraynaa heshiiskii sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka iyo deeqbixiyayaashuba ay isla qaateen ee ahaa wakhtiga diiwaangalinta iyo doorashooyinku ku dhamaystirmayaan.

2. In doorashada hore ee mudaysan 06/10/08 ay noqoto doorashada madaxtooyada maadaama ay tahay ta ahmiyada weyn u leh ummadda reer Somaliland iyo bahweynta caalamka ee danaysa arrimaha Somaliland.

3. Waxa kale oo aanu leenahay maadaama sharciyan iyo distooriyan ay 15/05/08 ku eegtahay muddo xileedkii distuuriga aha ee Madaxweyne Daahir Riyaale iyo xukuumadiisa in ay sadexda xisbi qaran ka wada tashadaan xukuumaddii gaadhsiin lahayd dalka doorashooyinka soo socda maadaama ay ku guul darraysatay xukuumadda hadda xilkeedu sii dhamaanayo inay diyaariso doorashooyinka.

4. Waxa kale oo aanu ogaysiinaynana isuguna yeedhaynaa labada Gole Dhexe ee labada xisbi UCID IYO KULMIYE iyo gudiyadooda fulinta in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan 27/04/08 si looga wada tashado xaaladan dalku galay.

5. Waxanuna ummadda reer Somaliland ugu baaqayna in ay ilaashadan nabadgelyadooda qaranimo iyo xuquuqdooda asaasiga ahba cidii wax u dhimaysana ay meel uga soo wada jeestaan.

6. Waxaanu canbaraynaynaa xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye, waxaanuna kula talinaynaa xukumada in ay si deg deg ah ugu soo celiso xorriyaddooda, waxaanu uga digayna xukuumadda in ay ka waantoodo kicinta iyo abaabulka ay kula dhexjirto shacabka, iyadoo dusha u ridan doonta wixii dhibatooyina ee ka dhasha falalka noocasiya”.

Hoggaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE waxa kale oo ay shirkaa jaraa’id kaga jawaabeen eedaymo iyo cambaarayn xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB u jeediyeen xisbiyada mucaaridka ah iyo qaabka xukuumaddu u adeegsanayso ciidamada qaranka.

Somaliland.org, Hargeysa.