Madaxweyne Rayaale: Ka Dhamaatee Dhabada Raac

https://i1.wp.com/www.xisbiga-udub.com/images/g%20kuxigeen.gif?w=620

Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa mawqif adag iska taagey mudda-kordhin la sheegay in Madaxweyne Riyaale ka qalqaashanayo Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida. Waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn in maalin dheeraad ah uu ku darsado Madaxweyne Riyaale muddada xilkiisa oo ku eg badhtamaha bisha May.

Labada guddoomiye ee labada xisbi oo siyaalo kala duwan saxaafaddu ula xidhiidhay xalay iyo shalay, waxay ka jawaabayeen sida ay u arkaan hadal ka soo yeedhay Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Xirsi Cali X. Xasan oo sheegaya in Madaxweyne Riyaale u qoray Komishanka warqad uu ku weydiisanayo inay soo sheegaan wakhtiga ay doorashada ku qaban karaan, si golaha Guurtidu ugu saleeyaan muddada ay u kordhinayaan Madaxweynaha, iyada oo wakhtigii rasmi ahaan doorashada Madaxtooyadu qabsoomi lahayd oo ku beegan 14 bishan April ay ka hadhsan tahay muddo toddobaad ah, isla markaana ay muuqato in wakhtigii saddexda xisbi iyo Komishanku ay ku heshiiyeen in dib loo riixo doorashooyinka soo socda lafteeda aanay ku qabsoomi karayn.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo u warramay Telefishanka Madaxa bannaan ee Somaliland Space Channel ayaa isagu sheegay in marka la gaadho 14ka bishan April, oo ah maalinta loo dareeri lahaa doorashada Madaxtooyada, Madaxweyne Riyaale ay ka dhammaanayso maamuuskii Madaxweynenimo, talada dalkana uu ula sinnaanayo shacbiga caadiga ah ee reer Somaliland, waxana uu sheegay in aanay sinaba u ogolaanayn mudda-kordhin uu kursiga ku sii fadhiyo Madaxweyne Riyaale.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waraysiyo uu siiyey saxaafadda kala duwan ku sheegay in ay muuqato in muddadii lagu heshiiyey in dib loo dhigo doorashada aanay ku qabsoomayn, hase yeeshee, ay ka soo horrayso muddada xilka Madaxweynaha oo dhammaanaysa ka hor wakhtigii lagu heshiiyey in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto oo ah 31ka August. Waxana uu sheegay in aanay jirin haba yaraatee, sharci muddada xilka loogu kordhin karo Madaxweynaha iyo cid u kordhin karta midna. Sidaa darteed, Madaxweynuhu uu talada ula siman yahay shacbiga.

Axmed Siilaanyo, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in laga tashan doono, isla markaana kordhintu ay noqonayso wax xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyaan, balse, aanay jirin cid u kordhin karta wakhtiga iyo sharci loogu kordhiyo midna.

Jawaabta Madaxtooyada:

Madaxtooyada ayaa jawaab cadho leh oo is burinaysa ka bixisay hadalada Madaxda xisbiyada mucaaridka ee ku saabsan mudda kordhinta.

Warsaxaafadeed uu soo saaray maanta Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani Mooge oo si gaar ah ugu jawaabayey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay in dastuurka Qaranka, qodobka 83aad, farqadda 3aad ay Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka u bannaynayaan inay sii wadaan hawsha ilaa Madaxweyne iyo Madaxweynekuxigeen beddela laga soo dooranayo.

Warsaxaafadeedku waxa uu xusay heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen ee dib loogu riixey doorashooyinka. Waxana uu sheegay in Madaxweynuhu uu diyaar u yahay inuu kursiga banneeyo haddii lagaga helo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu baalmarsan yahay go’aankii ay wadajir u gaadheen Saddexda Xisbi Qaran oo uu ka mid yahay xisbigiisu, kaas oo ku salaysnaa in doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada la qabto Bilaha July iyo August,” ayuu yidhi Warsaxaafadedku.

Hase yeeshee, dhinaca kale, waxa uu sheegay Warsaxaafadeedku in Komishanka Doorashooyinku uu u xilsaaran yahay inuu cayimi wakhtiga doorashooyinku dhacayaan.

“Sida laga war qabo waxa uu Siilaanyo had iyo jeer ku cel celiyaa in doorashadu wakhtigeedii aanay dhacayn , taasi oo uu khal khal iyo cabsi gelin ku abuurayo shacbiga dhexdiisa,” ayuu yidhi Warsaxaafadeedku.

“Wax badan ayuu Madaxweynuhu ka dhawaajiyay in uu diyaar u yahay in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo , wakhtiga se doorashadaasi la qaban doono , waxa ay tahay mid u taala oo ay go’aankeeda leeyihiin Komishanka Doorashooyinku,” ayuu raaciyey.

Hadaladani waxay soo baxeen iyada oo Komishanka Doorashooyinku uu dhowaan kulamo gaargaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi ee Mucaaridka, si ay mar kale ula gaadhaan heshiis dib loogu riixayo doorashooyinka. Hase yeeshee, guddoomiyekuxigeenka Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa daahfuray qorshe Madaxweyne Riyaale ku dhabarjebinayo heshiis laga gaadho wakhtiga doorashada, kadib markii sida la sheegay Madaxweyne Riyaale warqad u qoray Komishanka uu ku weydiisanayo inay soo sheegaan wakhtiga doorashadu qabsoomi karayso, muddadaas oo uu doonayo inuu u gudbiyo Guurtida si ay ugu saleeyaan mudda-kordhintiisa.

Hargeysa.
RSS 2.0 |