“Qofka maanta ku dooda in xukuumadda muddada loo kordhiyaa waa khaai’nal waddan”,..Xildh.Cali Mareexaan

“Madaxwaynu wuxuu kaga duwan yahay muwaadinka caadiga waa shaciga. Sharciga ayaa madaxwayne ka dhigay, wasiirka ka dhigay ee baarlamaanka dhigay. Haddii xarriiqdaa sharciga layskala baxo waxaa lagu soo noqonaya shacabka caaadiga ah.
Haddaba, waxaan maanta halka idiinku caddaynaa in xukuumadda madaxwayne Riyaale ay dhacday 30 March, waxaanan idiinku caddaynayaa sidatan:
Waa marka koowaade dastuurkeenu wuxuu u qaybsamaa qayb ka hadlaysay xilligii kala-guurka oo macneheedu yahay intii aanay dalka ka hirgelin hannaanka xisbiyada badan ama aanay shacabku si toos ah u soo dooran madaxwaynaha iyo golayaasha. Xilligaas waxa soo afjaray u diga-rogodkii hannaanka xisbiyada badan 2002. Tusaale ahaan; waxa dasruurka dalku dhigayaa in madaxwayanaha ay shacabku si toos ah u soo doortaan shantii sannadoodba mar. Muddadii way ka dhammaatay xukuumadda sharciyan loo doortay mana jiro cid aan shacabka ahayn oo dib u soo dooran karta ama u kordhin karta.
Waxa muuqata in uu madaxwaynuhu doonayo in uu shacabka u hoos-geliyo qaabkii sharci-darrada ahaa ee lagu celeemo-saaray 2002-dii markii marxuum Cigaal geeriyooday, waqtigaas oo sharcigii la minddi-roorteeyey, xilligaas oo intay koox yari qol hoosta ka xidheen ay sharcigii afduubeen, iminkana wuxuu doonayaa inuu isticmaalo qodob ka hadlaya cahdigii beelaha ee aan dalka xisbiyo ka jirin.
Dalka waaa ka jirta nabad buuxda, aafana kama dhicin Ilaaahay haynaga hayee. Mar haddii ay sidaa tahay wixii waajib gudasho la’aan ah waxaa ka masuul ah madaxwaynihii xilka hayey waanna in lagula xisaabtamo, kordhin-na iyada daaba oo waxa qodobkaa hore ka si yaab badan waxa lagu jiraa bishii afraad ee sannadka dalkiina malaha miisaaniyad qaran oo uu ku dhaqmo, iyadoo sannadkii horena ay xukuumaddu ku dhamaysatay bilaa miisaaniyad. Xukuumaduhu way dhacan haddii miisaaniyadda baarlamaanku ku celiyo bal ka warran haddii ay miisaaniyadba samayn waydo?
Sida uu dhigayo XEERKA HABKA XISAABADKA QARANKA oo sharxaya qodobka dastuurka ah 55-4, wuxuu dhigayaa in ay xukuumaddu miisaaniyadda ku diyaariso bisha Octobar ugu danbayna ay golaha u soo gudbiso 31 desember, halka Golaha Wakiilladuna ay tahay inuu ku ansixiyo ugu dambayn 30 March. Goluhu wixii hubin ah ama baadhis ah wuxuu ku samayn karaa ugu badnaaan saddexdaa bilood.
Saddexdaa bilood ee uu goluhu miisaaniyadda gacanta ku hayo ayuun baa sharciyan tii sannadkii hore lagu dhaqmi karaa ee maaha in ay xukuumaddu si bilaa macne inta ay doonto isaga haysan karto.
Haddaba, ansixinta miisaaniyadu waxay jidaysaa;-
a) In dadawaynaha laga soo ururiyo cashuurta, maadaama xukuumadda laga sugayo kharashkii miisaaniyadda lagu qoondeeyeeyey sannadkaa;
b) In lagu saleeyo kharshiyaadka ay dawladdu gelayso si waafaqsan miisaaniyadda la ansixiyey.
Marka ay arrini caykaas tahay maanta way dhammaatay saddexdii bilood ee xukuumaddu ku diyaarin lahayd. Waxa kaloo dhammaatay saddexdii bilood ee ay Golaha Wakiilladu ku dhammaystiri lahaayeen iyadoo aanay xukuumaddiiba ka soo bixin.
Haddaba, waxaynu aragnaa in xukuumaddii ku fashilantay in ay dalkii miisaaniyad u samayso, sidaa darteed sharciyan xaq uma in ay dadwaynaha cashuur ka ururiso haddii laga qaadana maaha cashuure waa booba yaa waddani. Waxaa kale oo sharci ahaan halkaa ka cad in ay xukuumaddii Rayaale dhacday oo marka hore ku dhacday fashilka ka raacay miisaaniyaddii oo ay samayn kari wayday wakhtigii sharciga ahaa, waxay kaloo haddana sii dhacday waxa ka dhammaaday wakhtigii la doortay iyagoo weliba caga-jiidka jahwareerka iyo faragelinta Komishkana ku hayeena ay madaxwaynuhu ka masuul yahay.
Sidaa awgeed qofka maanta ku dooda in xukuumadda muddada loo kordhiyaa waa khaai’nal waddan, waxaannu dib innooga laalayaa aqoonsiga inoo soo dhawaaday, waxaannu dib inoogu celinayaa cahdigii beelaha.
Sidaa darteed, waxaan ku talinayaa si looga badbaado firaaq siyaasi ah oo aynu hore ugu socono in la sameeyo qodoban:
In xisbiyada iyo golayaashu ay soo dhisaan dawlad wadaag ah oo dalka doorashooyin gaadhsiiya, si looga faa’iidaysto wakhtiga waa in diiwaangelinta dib loo dhigo doorashooyinka soo socdana lagu qabto diiwaangelin la’aan, waayo innaga waxaa inoo muhiimka ah ee aduunyaduna innaga sugaysaa waa doorashooyinka.”

Xildhibaan Cali Mareexaan,
Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada

Xigasho / Togdheernews