Rayaale Oo Go’aansaday In uu Madaxda Kulmiye Jaaelka Wda Dhigo

Waxaa subaxdii saaka Daahir Rayaale amar ku bixiyay in xisbiga Kulmiye loo soo wada xidho mid mid , warkaas oo si qarsoodi ah dibada uga soo baxay dad ku dhawaw Dahir Rayaale Iyo wasiiradiisa kadib shirkii xukuumada Rayaale iyo wasiiradiisa ee todobaadkan. Nuxrka warka ayaa ahaa in marka u horaysa la soo qabto gudoomiyaha xisbiga ee gobolka Hargeysa md Axmed Cumar Cabdillahi ( Xamarji ). Waxaa wararka ka mid ahaa in gacanta lagu dhigo xubnaha golaha fulinta ee xisbiga mudo isla todobaad ahna dhamaantood kadibna la soo laalaabo magaca xisbiga iyo Kulmiye.

Waxaa isla maanta hoteel Xaraf mj Maxamed Kaahinisku dayay inay soo xidhaan Boliis CID ah oo amar lagu soo siiyay inay soo qabtaan muj Maxamed Kaahin oo ah afhayeenka xisbiga Kulmiye balse uu diiday Maxamed Kaahin inuu raaco. Illa caawa waxaa ku noqnoqnayay hoteelka uu deganyahay Maxamed Kaahin askar aad u tira badan oo amar ka haysta Dahir Rayaale Kaahin.

Muj Maxamed kaahin Axmed ayaa ah sarkaalka kaliya ee ka nool maanta saraakiishii SNM ee talaabay 1982, Muj Axmed Cumar Cabdillahina wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii dalka ka xoraysay xukunkii Siyaad bare ee NSS ta iyo hangasta u badnaayeen. Xukuumada Rayaalena waxaa manta u badan NSS tii maalintaas dadka cadibaayay.

Dhinaca kale, waxa maanta Maxkamad la horgeeyey oday Deyr Maxamed Cilmi oo ka mid ah Odayaasha muxtarimka ah ee gobolka togdheer, Waxa oday Deyr loogu soo marmarsooday inuu dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye. Xukuumada dahir Rayaale ayaa dabino ay maleegayso iyo qaraxyo ay ka dambeeyeen kula soo galgalanaya odayaasha sharafta weyn leh sida Deyr Maxamed Cilmi. Waxaa oday deyr lala soo xidhay 2 nin oo iyaguna sharaf ku leh dalkan una soo halgamay xorayntii dalka.