SNM Ma Dhibaatay Ka Dagalantay Mise Iyada Dhibato Keentay, By Axmed Arwo


Axmed Carwo

Waa sanadguure kale oo la xusaayo dhalashadii SNM oo ahayd 06/04/1981. Taas oo ka dhigaysa 27 sanadood inay ka soo wareegtay maalintii la asaasay. Waxa haddana ka muuqata in iyadoo hadafkeedii gaadhay oo weliba keenatay dal nabad iyo dimuquraadiyad ku sifoobay, in marar badan laga dhigay taariikhdeed mid loo sawiro urur fashilay oo weliba dhibaato dalka ku soo kordhiyey.

Su’aasha aan maqaalka ugu wanqalay waxa ay yaab ku noqon inta dhab u og mareegta taariikheed ee uruurka halganka dheer ee maal iyo moodba loo huray, dhimasho iyo dhaawac aan reerna dhaafin. Waxa aan arkay in marka taariikhda SNM la soo qaado, ciddii qortaaba u jeediso hab ay meel u caalamadeysan u kaxeyso. Waxa lagu dheeraday oo la buunbuuniyey loolankii iyo khilaafkii maamul ee ururka dhex maray. Taas oo ah mid maamul kastaa leeyahay oo meel kasta oo hawl dad ka dhexeysaa taalo laga helaayo. Waxaana u sawirmay dhalinyarada aan ka dheregsanayn ujeedada loo sameeyey SNM oo dadkuba u badan yahay, inay uba arkaan in dhibta la sheegayaaba tahay mid ururku curiyey. Waayo taariikhda ay ka akhriyaanba waa mid ka hadlaysa dhibaato gudaha ururka ka jirta.Waxa la gees maray xumihii iyo dhibaatadii dadka kicisay ee loo sameystay in SNM lagaga samotobaxo.

Taariikh halgan marka laga sheekeenaayo, waxa mudnaanta la siiya waxa keenay in la qaxo, la dagaalamo, loo badheedho xabbad iyo madfac ay hagayaan ma naxayaal. Halkii laga sheekeyn lahaa arxam darradii lagula kacay dadkii ka dacwooday caddaalad darro, reersooc, dhac, dulaysi, duudsi iyo addoonsi qabiileysan oo gobaleysan; halkii laga sheekeyn lahaa ciddii dhibaatada dalka ku haysay ee keentay in ciil dartii nafta la huro oo la dhiso urur u diriraa soo-celinta qarannimadii luntay oo ku dhisan caddaalad shacbiga sinta. Caddaalad dhidibka u aasta nabad iyo horumar bulsho oo in badan loo haraadanaa.
Waxaan arkaa in taariikhda ururka lagu koobay arrimo dadka lagu kala kaxeynaayo, lagu wiiqaayo sharaftii iyo hab-maamule-wanaagii uu tab kala bixi waayey nidaamkii keli-taliska ahaa oo awoodiisa oo dhan si sharci darro ah u adeegsaday, weliba isticmaalay awood waxa uu amaahan karo, tii shacbiga uu foof habaabiyey ku darsaday. Waxa taas ka marag ah in khilaafka iyo qaladaadka lagu shaaciyey websiteyada oo ah qaar aad loo naaxnaaxiyey, in haddana la waayey cid ka jabta oo soo noqota. Taas oo taliskii muruqu u been sheegay ku raadiyey qiime kasta oo lagu heli karo. Xataa waxa markii dambe isku daygu ahaa in la doono inay SNM kala jabot oo ay noqoto garabo kala hogaan furma sida kuwa USCda. Iyana waa lagu guul daraystay, waana markhaati u hadlaaya maamul-wanaag iyo urur si habboon u maareeya khilaaf kasta oo dhexdiisa ah iyo inuu iska gufeeyo dacaayadda iyo fikradaha kala furaaya oo mar walba lagu soo dhex tuuri jiray.
Haddaba cidda rabta inay taariikhda SNM qortaa si dhab ah, waxa ay mudnaanta siinaysaa waxii ay ka dhalatay. Waxa culays ay tahay in la saaro awoodihii dawladda ee loo adeegsaday cadaadinta shacbiga iyo burburinta qaranka sida:

1- NSStii, Hangashtii, Dhabarjabintii, Boliskii, Ciidaankii seddexdiisa garabba ilaa Ciidankii Circa. Waxa ay tahay in si qotodheer oo maalmaysan loo axadho dhacdooyinkii hay’adahaas ku fulin jireen shacbiga, iyadoon cid gaar ah iyo reer gaar ah loo eegeyn, ee ay tahay in si dhab ah oon meelna la dhaafin, cidna lagu toosin loo qoro.

2- Waxa habboon sidoo kale in maamulkii Goballada,iyo degmooyinka iyo Xukunkii Degdega ahaa si faahfaahan oo la taabanaayo afraadii dhibtu ka gaadhay iyo cidda gaadhsiisay.

3- Waxa iyana la soo qaadi doonaa qaabkii maxkamadahu u shaqayn jireen, iyo habka loo soo dhigi jiray dacwadda ooy ka mid tahay soo abaabulkii markhaati beenaalayaasha.

4- Lama dhaafi karo qaybtii ay ka qaateen Bankiyadu iyo Wasaaradda Ganacsiga, Xanaanada Xoolaha, iyo Dekedda oon muwaadiniintu u kala fadili jiray qaab qabiilnimo.

5- Nidaamkii waxbarashada iyo reersoocii lagu kala dooran jiray ardayda Jaamacadaha.
6- Waxa la mid ah qaabkii dalacadda Boliska, Ciidanak Asluubta, iyo Xoogga Dalka .
7- Erigii Saraakiisha seddexda Ciidan, iyo madaxdii Wasaaradaha iyo Hay’adaha madax bannaan. Sidoo kale ka-fogeynta shaqooyinka muhiimka ah si reersocnimo ah.
Arrimahan oo laf-dhabar u ah taariikhda SNM ma aha qaar halkan ku kooban ee waxaan u soo dooray tusaale ahaan. Ka hadalkooda iyo qoritaankoodu, waxuu inoo iftiminaaya in la garto inaan marna dib loogu noqon waxii keenay dhibaatooyinkaas. Waxa taariikh halgan kasta oo ummadi leedahay 80% iyo wax ka badan la saaraa waxii halganka dhaliyey iyo hadafka laga lahaa. Marna akhrimeysid khilaafkii dalkan UK ka taagnaa xiligii ay Naziga la dagaalamayeen, ilaa aad tahay nin takhasus arrintaas u qaata. Waxa se meel walba aad ka heleysaa dhibtii Nazigu ku hayey, iyo xaqa loo diriraayey. Waxa dhaliyey in Yuhuuddu noqoto qoom iyagoo aad u yar steerinka dalalka Galbeedka u qabtaan, waxaa weeyi iyaga oo ku talax tegay dhibaatadii loo geystay iyo halgankii ay u soo galeen inay boobaan dal ayna lahayn. Arrintaasi waxa ka dhashay in iyagoo tacadiga aad maalin walba aragto ku kacaaya, haddana in kii iyaga ku dhacay 60 sano iyo in ka badan horteed loo baroorto, oo dugsi kasta lagu qasbo Yurub iyo Maraykanba. Bal taas dhinac dhig Falastiin iyo dalalka Carabta, waxaad meel walba ka heleysaa khilaafkooda iyo qaladkooda oo ay ku iloobeen xaqii laga dhacay iyo dilka joogtada ah ee lagu hayo, Qolo waliba waa halkay marisay taariikhdeeda, waxa manta halkaas maraaya waa taariikda SNM iyo tan dalkaba guud ahaan.

Waxa sidoo kale loo baahan yahay in dhacdooyinkii iyo goobahii dagaaladu ka dhaceen si buuxda wax looga qoro, si loo xusuusto halgamayaashii ku naf waayey, loona qadariyo inta ka nool. Waxa tan ka mid ah dhacdooyinkii soo-gelitaanka Hargeysa iyo Burco oo maalmeysan bal se saacadeysan. Jabintii jeelka Mandheera, xoreyntii iyo forashadii Muj Cabdillaahi Askar, iyo hawlgaladii laga sameeyey magaalooyinka dhexdooda, lana sharfo ciddi gudaha wax ka waday.

Waxa aan la halmaameyn kaalintii libaax ee ay ka qaateen qurbojoogo, si gaar ah aasaaskii SNM iyo Hawlwadeenadii xuquuqda aadmiga ee qoraal iyo qaylo-dhaan meel kasta mariyey, soo bandhigay buugag iyo qoraalo dhiigu ka da’aayo, iyagoo albaab kasta garaacay si ay sawsirka dhabta ah ee dalka ka jiray u soo dhigaan shaashadaha Tviiyada caalamka iyo wargeysyada dunida. Xusuuso Kaalintii UFFO iyo buugii Dawlad Dadkeeda Dilaysa… Government at War With its People. Waa qoraal taariikh ah oo jiil ka jiil la xusuusan doono. Waxaan u deyn magaca qoraaga akhristayaasha bal inay xusuustaan iyo dareenkooda. Waxaan diiday inaan magacyo ka soo qaato hoggaamiyaashii iyo halgamayaashii SNM mid dhintay iyo mid noolba, inkastoo aan in badan xusuusto, oon goobjoog ka ahaa markii ururka loogu wanqalay London, intuu jirayna aan xidhiidh toos ah la lahaa, waayo waxaan ogahay inaan in badan ka tegi doono. Taasna waxa ku habboon cidda daraasad iyo baadhis soo sameysa oon kala dooran.

Waxa habboon inaan marna loo isticmaalin taariikhda halganka mid dadka lagu kala kaxeeyo, loo adeegsado si qof amba reer loogu xumeeyo. Waxaynu ognahay in ciddii xumaanta waday reer waliba ku jiray, shacbi weynahuna intiisa badani ayna ka qayb qaadan. Waa dhab in taliskii jiray adeegsaday kala-qaybtina beelaha, oo uu waliba hub isagu dhiibay reerihii dariska ahaa ee dhibaatadu wada haysay. Xumaantaas mas’uuliyadeeda waxa lahaa maamulka. Waana taas midda aynu isla garanay kolkii SNM dalka taliskii diktaatoorka ka saartay, ee beelihii Soomaliland isla qaateen inayna jirin beelo lagu eedeynaayo burburkii dalka ka dhacay, ee ay tahay mid uu geystay maamulkii jiray. Iyadoo loo dhan yahayna lagu dhawaaqay gooni-isutaagga Soomaliland oon beelina beel ka xigin. Dal loo siman yahay dhib iyo dheefba. Guushaas waxa taariikhdu u qoraysaa waa SNM, waana mid aynu dhammaan mahadinay, mid diriray iyo mid kaleba, mid dalka joogay iyo mid ka maqnaaba.

Aan wanaaga SNM culayska saarno, iyo dhibaatadii ay ka dirireen. Taas ayaa wax ina tareysa oo ina siinaysa fikir iyo digniin aynu ka waantowno waxii dib inoo celinaaya. Iyadaa noo jeexi doonta dariiq aynu ku hanano dal nabad ah, dimuquraadi ah, loo dhan yahay, cadaaladduna tahay tan hawl kasta oo qaran lagu sar-jaro. Marna ma lihi yaan la soo qaadin qalad iyo khilaaf maamul, ee waxaan leeyahay yaan taasi inaga jeedin nuxurkii iyo ahmiyaddii halganka ee ay SNM guusha buuxda ka gaadhay. Nolaha sideedaba ma jiraan wax boqolkiiba boqol sax ihi. Adduunkaba sidaas looma abuurin. Qiimeynta hagaagsani waa dhinaca marba loo badan yahay, xumo iyo samoba.

Aan u faataxayno cid kasta oo halganka inagaga dhimmatay iyo agoonta ay ka tageen, aynu xusno oon daryeelno inta dhaawacu soo gaadhay si dhalinta maantu u jeclaato dalkeena oo ay arkaan abaalka loo hayo kuwii qaranka ka horreysiiyey naftooda.Hanbalyo iyo qiimeyn taasaa ugu fiican oo ugu habboon.

Guul iyo Mahad Alle,

Ahmed Arwo
Cardiff, U,K
samotalis@gmail.com