Tacsi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u dirayo Guddoomiyekuxigeenka 3aad ee Xisbiga


Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa Gudoomiye xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye Md. C/raxman Maxamed Talyanle, oo Hooyaddii Marxuumad Xaajiyo Faadumo Aw Cali (Fara-yare) xalay 02/04/2008 ku geeriyootey Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumadu, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN