Wafdi Ka Tirsan Midowga Yurob Oo Booqasho Ku Yimi dalka

Saamaynta Mudda-kordhinta Guurtidu Go’aamisey iyo Wefti ka socda Midowga Yurub oo booqasho ku yimi dalka

Hargeysa (Somaliland.org) – Xaflad Caawa loo ballansanaa in guddoomiyayaasha Saddexda xisbi si rasmi ah ugu saxeexaan heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ayaa baaqday, kadib markii Golaha Guurtidu maanta muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweynaha muddada xilka.

Heshiiska Saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ay iskula qaateen qorshe-hawleed loo dhigay diiwaangelinta iyo doorashooyinka oo wakhtiyaysan, waxa martigeliyey Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo ay gacan siinaysey hay’adda Inter Peace oo Midowga Yurub uga wakiil ah fulinta mashruuca ay ku caawinayaan doorashooyinka iyo dimuqraadiyadaynta Somaliland. Waxayna muujinaysaa baaqashada xafladdaasi niyadjabka dhinacyadii heshiiskaas ka qaybqaatay uu ku keenay go;aanka Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweynaha.

Dhinaca kale, weftiga ka socda Komishanka Midowga Yurub ayaa galabta booqasho ku yimi dalka, waxayna galabta iyo caawa kulamo la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland.

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow kulamadaas, weftigu waxay hay’adahaas ka xogwaraysteen arrinta doorashooyinka Somaliland iyo khilaafaadka ka dhashay muddada la qabanayo doorashada, waxaana la sheegay in Komishanku u caddeeyey weftiga Midowga Yurub inay ku taagan yihiin heshiiskii Saddexda Xisbi iyo Komishanka, mudda-kordhinta Guurtida iyo wakhtiga ay u cayimeen doorashada Madaxtooyadana aanay tixgelinayn.

Wararku waxay intaas ku dareen in Midowga Yurub oo ku deeqay 75% lacagta ku baxaysa Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland ay caddeeyeen in aanay wax lacag ah bixinayn haddii aan lagu soconayn heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen.

Weftigu waxay berrito la kulmayaan xisbiyada.

Somaliland.org, Hargeysa.