Wasiir Fu’aad Ma Waraysigii SLCTV Ayuu Rayaale Xilka uga Qaaday !

“Ninka marka xilka laga qaado cararaa waa Inan Gumeed, markaa…”

, “Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu iyaga oo isu dhan ayaan Madaxweynaha ku idhi dadkii way soo xaroodeen oo miyi cidi kaama jirto, Cawil-kaa ku ag-fadhiyaana waligii Ab iyo Isir uma yeelan Reer Miyi,” Fu’aad aadan cadde.

Hargeysa (Ogaal) – Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka, mudane Fu’aad Aadan Cadde ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha xilka lagaga qaaday oo ahaa dhalliilo uu u jeediyey Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa. Waxana uu sheegay in uu ka hadlay keliya inaan waxba loo qaban dadka reer Sool, isla markaana lacagtii dadka laga ururiyey iyo 2% lagu kordhiyey cashuurta aanay gebi ahaanba gaadhin gobolkaas.

Mudane Fu’aad Aadan Cadde ayaa la sheegay inuu xilkiisa ku waayey waraysi uu siiyey Telefishanka Madaxa bannaan ee Somaliland Space Channel, kaas oo uu wasiirku si adag ugaga hadlay wax-qabad la’aanta xukuumadda ee Gobolada Bariga Somaliland.

Hadaba waraysi Idaacada Horyaal kala yeelatay arrintaasi ayaa uu kaga hadlay sida uu u arko xilka laga qaaday iyo guud ahaan dhaliilaha uu u jeediyay xukuumada. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Waxa jiray Warsaxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay oo xilka lagaaga qaadayo arrintaa ka waran?

J: Way jirtaa, Madaxweynuhu wuu soo saaray, xaqna wuu u leeyahay.

S: Warsaxaafadeedka waxa ku qoran inaad caadaysatay hadalo deel-qaaf ah oo aad ku hadasho, arrintaasina ay tahay ta xilka lagaaga qaaday, sow hadaladaasi ma jiraan?

J: Madaxweynuhu aad iyo aad ayuu run marka la sheego uu iigu dul-qaatay, wax walba oo jiray waan ka hadlay, anigu waxba ma qarsado, wax walba waxaan ka sheegay jaraa’idka iyo TV-ga.

S: Dhawaan waraysi aad siisay TV-ga madaxa banaan waxaad ku dhaliishay siyaasada xukuumada ee ku wajahan gobolka Sool, sida taakulaynta gobolka Sool oo aad sheegtay in aan gobolka wax muuqda laga gaadhsiin bal arrimahaa wax nooga taataabo?

J: TV-ga waxaan ka sheegay in aanay waxba taraynin, hadii loo geeyo 2% inuu ka badan yahay ta Madaxweyne ku-xigeenku ururiyayna ay tahay lacag aad u badan. Nasiib-darro $1 dadkii la yidhi waa loo ururiyay aanu gaadhin. Waxaan ka cawday anigu nin shicibaan ahay, suuqaan maraa, qof waliba wuxu igu yidhi, waxayagii waa nalaga qaaday oo waxa la siiyay Laascaanood ama Dhulbahante. Dabadeedna Laascaanoodna waan ka war-hayaa inaan shilin gaadhin wax mucaawimo ah haba yaraatee aanay gaadhin, intaas oo run ah ayaan sheegay.

S: Madaxweyne ku-xigeenku Laascaanood ayuu tagay inkasta oo cabashooyin loo sheegay ilaa hadda maxaa gaadhay gobolka oo aad aragtay?

J:Haddii 2% la geeyo waxaan qabaa inuu aad iyo aad uga badan yahay gaadhiga iyo guriga la iibiyaba 2% way saaran yihiin, alaabada soo dagta noocay doontaba ha ahaatee, shidaalka, raashinka, bagaashka wax walba 2% wuu saaran yahay, way ka badnaan lahayd, wax walba way u qaban lahayd. Ta madaxweyne ku-xigeenku ururiyayna horta guddi baa jirta, inkasta oo aan maqlay guddidii waa la baabi’iyay, oo saddex nin baa laga reebay. Waxaan aamisanahay 2% oo qudhi inay ku filaan lahayd. Laakiin, nasiib-darro 40,000$ ee ay kala qayb-galeen gobollada ee biyaha loogu geeyay 30 biyaha loogu iibiyay, 10-kana raashinka loogu geeyay, oo gobollada oo dhan la siiyay, waliba qaar ka badan yihiin maahee waligeed Hal shilin oo waxaa laga arkay haba yaraatee ma jirto.

S: 40,000$ ee la siiyay Sool, waa kuwee gobollada looga badiyay maxaase la siiyay?

J: Gobollada looga badiyay waa gobollo aanu raali ka nahay, gobolka Sanaag oo kale waa gobol aad u wayn, dadkayaguna wuu dagaa, dadka oo dhami waa dadkayagii meeshay doonaan ha ka dageene, 470,000$ oo waliba ku yar baa la siiyay, Burco oo iyana sidaa si le’eg ah oo gobol wayna oo aad u dad badan 52 Kun oo Dollar baa la siiyay. Sool waxa la siiyay 42 kun baa la siiyay. Markaa, ma lihi maxaa looga yareeyay. Laakiin, waxaan leeyahay wixii oo dhan waxa ka gaadhay intaa, waana wax dawladu bixisay oo gobollada oo dhan loo qaybiyay.

S: Cabashada intaanad saxaafada siin, Madaxweynaha ma ula tagtay oo ma la socodsiisay, cabashada dadka gobolka hadaad u gudbisay maxaa kaaga soo baxay?

J: Madaxweynaha waligayo wax iskumaanu khilaafin, waxaanu ula tagno waayahay buu yidhaahdaa. Talo ayaanu ula tagnaa, canaan ulama tagno, oo ma canaanan karno, oo madaxweynaha waxaanu ula tagnaa sidii dadkuna Somaliland ku noqon lahaa, Somaliland-na u hantiyi lahayd, taas oo aan u arko dadka reer Somaliland-na inay dani ugu jirto inay Somaliland noqdaan, dawladana dani ugu jirto dadkeedii inay noqdaan, oo doorashadii laga qayb-galo oo Somaliland isu dhamaato, oo marka dalka oo isu dhan Afartiisa koone dawladu gaadho. Ictiraafku wuxu dhigayaa dal ma jiraa, dad ma ku nool yahay, maamulka jiraa afartiisa koone ma gaadhay, derisyada ma la nabad yahay intaasi hadaanay jirin, ictiraaf ma jiro. Markaa, waxaan jeclaa in dawladu gaadho xadkeedii, dadkuna dadkeedii yahay oo ay soo jiidato, dadkuna ay Somaliland noqdaan. Waayo, maantadan waxaan ku talinayaa dantu waxay ku jirtaa Somaliland bay ugu jirtaa.

S: Waxaad sheegtay in gudigii taakulayn gobollada bari la baabiyay, oo Saddex qof oo kali ah ay hadhsan yihiin, goorma ayaa la kala diray gudigaas, saddexda qofna waa kuwee?

J: Horta si rasmi ah in loo kala diray anigu ma ogi. Laakiinse waxa laygu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka Duulista Hawada iyo nin ah qolada Kulmiye oo la yidhaa Iskeerse waxaan maqlay intaas ayaa hadhay.

S: Dawladii Ina Cigaal, waxaad ku dhaliili jirtay waxqabad la’aanta gobolka Sool iyo Sanaag, dawladana waxaad ka mid ahayd fulinta oo midida daabkeeda ayaad haysay maxaad wax ugu qaban wayday?

J: Waa run waxaan ku jiray Golaha Fulinta, waliba in badan baan ku jiray. Laakiin, mindida daabkeeda waxa hayay Madaxweynaha. Nasiib-darro wixii aan la soo qaaday ee aanu isla aqbalay, wax ka qabsoomay ma jiraan. Waxaan aaminsanahay hagar la’aani way jirtaa oo aan la hagar bixin sidii loo doonayay dadkii looma soo dhawayn, waxbana looma qaban.

Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay inuu biyaha ku mitidi doono, Riigiina wuu yimi, taaba haddii uu qabto waa wax wayn. Laakiin, Hay’adihii maye, Wasaaradihii u shaqayn lahaa maye, maye Iskuuladii, mee caafimaadkii. Laascaanood oo 140 kun ku nooshahay 1 dugsi sare ayay leedahay, Hal MCH bay leedahay, cid isla gaadhaysa iyo cid soo gaadhaysa midna ma jirto. Hal cisbitaal oo yar oo Ingiriiskii ka tagay bay leedahay, sow xaq umay lahayn in wax loo qabto. Waxaan qabaa in wax loo qaban waayay. Inkasta oo nin Qorshaynta joogaa uu aad ugu dedaalay inay Hay’aduhu gobollada bari tagaan, hadana, mooyi meel ay wax ka xidhan yihiin.

S: Socdaalkan Madaxweyne ku-xigeenku ku tagay gobollada Bari, dad baa qaba inay tahay olole oo doorashada sidii ay dadka wax uga heli lahaayeen ay wadaan, arrintaasi ma jirtaa?

J: Sanaaduuq buuxi ma soconayso, haddii diiwaan-gelin la sameeyo, inta is-diiwaan-gelisay ayuun baa codaynaysa, dawladana xaq baa loogu leeyahay inay gobollada oo dhan tagaan, abaar baa dhacday, biyo la’aan baa ka dhacday, bari raashinkii cirkuu isku shareeray, inkasta oo aan jeclaa in Madaxweyne ku-xigeenku Laascaanood u hoydo, oo aanu ka soo caraabin, taasoo ay macnaheedu ay ku tusinayso inuu aamini waayay, macnaheedu waxa weeye meel aynu dhab u haysano maaha. Waxa u sharaf badnayd, annagana noo sharaf badnayd inuu u hoydo, halka uu Caynaba uga hoyday inuu Laascaanood u hoydo ayaa uga sharaf badnayd. Anigu ma qabo in olole loo tagay ee waxaan qabaa in waajib lagu lahaa la fulinayo.

S: Marar badan waxaad sheegtay in hawhsii Wasaarada ay hayso Hay’adda NERAD oo aad meel cidlo ah fadhido arrintaa maxaad ka leedahay?

J: Anigu Hay’adaa eedayn maayo oo ma odhanayo waxayagii oo dhan bay haysaa. Markaa waxa laga yaabaa in aanu ka gardarayn, oo hawshii aanu lahayn aanu haynin. Laakiin, nasiib-daro way fadhidaa Wasaaradii ugu balaadhnayd ee ay ahayd in ay noqoto hormoodka, deegaanku adduunyada aad iyo aad ayuu u macno wayn yahay. Laakiin qiimihii ay lahayd loolama dhaqmin.

S: Hadaad cidlo la fadhido maxaad hore isugu casili wayday?

J: hadal lamaan hadhin, Hay’adaha ulama hadhin, dawlada ulama hadhin. Aniga oo Wasaarada jooga ayaan idhi ha la baabi’iyo. Waayo cid rabtaa ma jirto, Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu iyaga oo isu dhan ayaan Madaxweynaha ku idhi dadkii way soo xaroodeen intaad Madaxweyne Ku-xigeenka ahayd ama aad Madaxweynaha noqotay, miyi cidi kaama jirto, Cawil-kaa ku ag-fadhiyaana waligii Ab iyo Isir uma yeelan Reer Miyi, hadii aan Reer Miyiga halkooda lagu ilaalin way soo yaacayaan oo magaalada ayay inoogu imanayaan oo aqaladan waawayn iyo nabadan la haysto lagu jiri maayo. Markaa aniga qayladayda iyo guubaabadaydu wax bay kordhinaysaa baan is lahaa, ilaa hadana dhinac wax laga qabtay ma jiro.

S: Adigu dhalasho ahaan waxaad ka soo jeeda gobolka Sool iyo Sanaag Bari, dadka deegaanadaasina marar badan waxay sheegtaan inay ka mid yihiin Puntland, inkasta oo aad adigu ka soo horjeedo, dad badan ayaa Laascaanood ka barakacay, dadkaasi ma soo noqdeen xagayse ku sugan yihiin maanta?

J:Horta anigu gobolka Sool baan u dhashay, waxaan ahay Somalilander, shalay oo aan Wasiir ahaa iyo ka hor oo aanan ahayn. ninku inuu hadalkiisa ilaabo maaha, ninka markuu shaqada hayo noocay doontaba ha ahaatee Somaliland-nimada ku mitida ee amaana, maalintu shaqada waayana ka carara ee dhinaca kale ka soo jeestaa waa Inan-gumeed baan idhi, Inan gumeed kale ma jiro. Markaa Inan-gumeed ma noqonayee sidii aan Somaliland u ahaa iyo si ka sii wanaagsan ayaan u ahaanayaa, guusheedana sidii baan uga shaqaynayaa. Waanse muujinayaa in wax laysu sheego mucaarad iyo muxaafidba. Dadkii markii Somaliland dhinaca shishe u dhaaftay ayay qaxeen oo dhinaca Puntland u qaxeen, wax qaxiyayna garan mayno oo kuwa dibada ayaynu wax ka saaraynaa, boqolka dollar baa dadka qixiyay. Dadkii qaarna way soon noqdeen, kuwo kalena sidii ayay u maqan yihiin. Mid maqan iyo mid jooga toona waxba looma qaban.

S: Wasiir, maadaama xilkii lagaa qaaday inaad xisbiyada Mucaaradka ah ku biirto?

J: Maya, waxaan horta dawlada aan kula coloobayaa ma jirto, saaxiib badan baan ku leeyahay, waxaanu aad isugu wanaagsanahay Madaxweynaha laftiisa, wuxuu xaq u lahaana kula coloobi maayo, Mucaarad aanan awalba ahayn oo aan hadda ku biirayaana ma jirto. Madaxweynuhu markii horeba xilka isaga ayaa ii magacaabay, colow aanu ku coloobaynaana ma jirto, awalba waxaan odhan jiray dadka iyo dalka waa in wax loo qabtaa, taas ayaan wadayaa. Laakiin, xisbi aan hada galayaa ma jiro.

S: Sidaad u aragtaa Lixdan gobol ee Madaxweynuhu dhawaan magacaabay?

J: Xaqiiqdii ma dhaliilsani, mana diidani. Laakiin, macnaheedu waxa weeye, aniga waxay iigu muuqataa in dadku ku fiicnaa in dadku qaybsan yahay. Nimanka naga soo horjeeda ee Puntland waxaan kula murmi jiray markay yidhaahdaan gobolka Sool baanu leenahay, ayaan odhan jiray waa beentiin waa laynala leeyahay. Waar Caynabo yaa leh, intaas oo tuulo oo xudun xukumi jirtay yaa leh ma idinkaa leh. maanta hadday yidhaahdaan gobolka Sool baanu leenahay hadaanu Dhulbahante nahay waa runtood. Maanta markay abaari dhacday geelii garkaasi wuxuu joogaa Gar-adag iyo inta ka sii shishaysa. Haddii aan arrinkaas si kale loo dhigin waxa suurto gal ah inay yidhaahda waxaynu nahay kala gobol ee maxaa noo kiin keenay, anigu waxaan aaminsanahay in gobollada sii hore ee ay ahaayeen loo daayo.