Weftigii Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha oo ku baaqay in la ixtiraamo Awoodda Komishanku u leeyahay inuu cayimo wakhtiga Doorashada, lana fuliyo heshiiskii saddexda Xisbi iyo Komishanka

April 13th, 2008 [News] |

Waxa jira waxoogaa niyad jab iyo werwer

Hargeysa (Somaliland.org) – Wefti ka socda Komishanka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka Dimuqraadiyadaynta oo booqasho ku yimi dalka Khamiistii ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo dowladda Somaliland inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee Komishanka, kaas oo ah cidda keliya ee awood u leh inay cayimaan wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku dhaqaaqaan fulinta heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen.

Weftigan oo ujeeddada socdaalku ahayd inay goobjoog ka noqdaan xaflad habeenimadii Khamiistii loo ballansanaa in saddexda xisbi iyo Komishanku ku saxeexaan heshiis ay ka gaadheen wakhtiyada ay qabsoomayaan diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka, taas oo baaqatay kadib markii Khamiistii Guurtidu muddo-halsanno ah u kordhisey Madaxweyne Riyaale, isla markaana doorashada Madaxtooyada u cayintay wakhti ka duwan ka komishanku u muddeeyey, waxay muddadii ay dalka joogeen kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda xisbiyada, Komishanka Doorashooyinka iyo Madaxweyne Riyaale.

Madaxa Weftigaas, Mr. Richard Hands oo Saxaafadda maxalliga ah ugu warramay madaarka Hargeysa maanta ka hor intii aanay dalka ka ambabixin ayaa sheegay sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda.

Isaga oo ugu horrayn ka warramaya ujeeddada socdaalkoodana waxa uu yidhi “Weftigayagan oo ka socda Komishanka Midowga Yurub ee taageera Barnaamujka dimuqraadiyadaynta Somaliland, waxa kale oo naga mid ah asxaabtayda ka kala socota Biritayn, Sweden, Norway, Denmark iyo Maraykanka. Waxaanu fariimo taageero ah u ula soconey hawsha Komishanka Doorashooyinka, gaar ahaan, heshiiska saddexda xisbi ay gaadheen habeenimadii Arbacadii ee 09 April, ee ku saabsanaa heshiis laga gaadhey wakhtiyaynta doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaas oo ahaa mid la taaban karo oo si ficil ah u tilmaamayey qabashada doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waanu hambalyaynaynaa guushaas, waayo, waanu ognahay in aanay sahlanayn gorgortanka siyaasaddu, waxaanu ku bogaadinaynaa iyagana dhiirranaanta axsaabta siyaasadda oo dhammaantood wada saxeexay heshiiska”.

Hase yeeshee, Mr. Richard waxa uu sheegay in la kulmeen wax niyadjab iyo walaac geliyay oo ah muranka Guurtidu gelisey heshiiskaas.

“Haddana waxa jira waxoogaa niyad jab iyo werwer ah oo ah inaanu aragnay in heshiiskaas la carqaladeeyey, waxaanuna dareemaynaa in tani ay khatar gelinayso sumcadda Somaliland sida adag u soo dhistay ee ah inay tahay qaran ay ka go’an tahay nabad buuxda iyo horumar dimuqraadiyadeed,” ayuu yidhi.

“Sidaa darteed, waxaanu u baahan nahay inaanu dhakhso dib ugu noqono si aanu ula soo tashanno deeqbixiyayaasha nala socda iyo madaxdayada si aanu u ogaano waxa beesha caalamku doonayso inay kaga jawaabto ama kaga falceliso arrintan,” ayuu raaciyey.

Waxase uu sheegay inay awood u leeyihiin oo loo xilsaaray inay ugu baaqaan Somaliland inay baaq gaadhsiiyaan shacbiga iyo dowladda Somaliland. Waxana uu yidhi, “Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada oo dhan, sida ugu dhakhsaha badan oo aan dib u dhac lahayn inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee Komishanka Doorashooyinka, kaas oo ah cidda keliya ee u xilsaaran inay cayimaan wakhtiga doorashada, isla markaana hore loogu dhaqaajiyo heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen”.

Madaxa weftiga Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaashu waxa uu beeniyey warar labadii maalmood ee u dambeeyey ku soo baxayey saxaafadda oo sheegaya in deeqbixiyayaashu joojiyeen lacagtii kaalmada ahayd ee ay ugu talagaleen doorashooyinka iyo diiwaangelinta Somaliland, kadib markii Guurtidu muddada u kordhisey Madaxweyne Riyaale, waxana uu sheegay in aanay jirin meel lacagtaas lagu joojiyey, balse, ay ku xidhan tahay waxyaabo loo baahan yahay in halkan laga qabto oo ay ka mid tahay in la fuliyo heshiiska axsaabta iyo komishanku gaadheen iyo in hawsha la dhaqaajiyo.

Mr. Richard waxa uu sheegay in uu jiro qabyo sharci oo qayb ka ah khilaafaadka taagan, waxana uu xusay inuu iska horimanayo Dastuurka iyo shuruucda laftoodu, isla markaana ay u suurageli weydey inay helaan shuruuc ka caawisay khilaafka jira, kaas oo uu sheegay inuu dhab ahaan yahay khilaaf siyaasadeed oo u baahan xal siyaasadeed, sidaa darteedna ay tahay in xalkaas loo maro isqancin iyo isu tanaasul (consensus).

Madaxa weftigu waxa uu aad ugu nuuxnuuxsaday in Somaliland ahayd meel nabad iyo horumar dimuqraadiyadeed ka jiro dhawrkii sannadood ee u dambeeyey, taas oo uu sheegay in beesha caalamku u hanweyneyd, ku tixgeliso, lana jeceshahay inay hore u sii marto. Sidaa darteed, waxa uu ugu baaqay axsaabta iyo dhamaan dhinacyada oo dhan inay xaaladda dejiyaan, wada fadhiistaan oo wadahadlaan, islamarkaana ixtiraamaan hawsha adag ee Komishanku soo qabtay. Waxana uu tilmaamay in meelaha qaarkood aanu ka jirin muran iyo khilaaf, sida diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo uu sheegay in loo baahan in yahay in la sii dhaqaajiyo, tallaabooyin mihiim ahna la qaado.

Waxa si gaar ah ugu baaqay hoggaamiyayaasha siyaasadda inay ka fogaadaan wixii kicin ah, arrintana ay dejiyaan. Ugu dambayntiina waxa uu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay isdejiyaan.

xigasho / Somaliland.org, Hargeysa.
RSS 2.0 |