Xukuumada Ethiopia Oo U Soo Hambaliyaysay Xisbiga Kulmiye

Ethiopian Flag

Kulmiye.org- Hargeysa, Xukuumada dawalda federalka Ethiopia ayaa u soo hambaliyeeyay xisbiga Kulmiye iyo hogaanka cusub ee ay doorteen shanta sanadood ee soo socda iyo sida dimuqraadiyada lahayd ee ay u qabsadeen shirweynahoodii 2aad ee xisbiga kulmiye. Hambaliyadaas ayaa waxaa soo gaadhsiiyay madaxda xisbiga Kulmiye xafiiska wakiilka dawlada Ethiopia uga furan Jamhuuriyda Somaliland. Hambaliyadaas ka timid dawlada Ethiopia ayaa ahayd mid ay xukuumada Ethiopia ay aad ugu hambaliyaynayso marka hore shirweynaha 2aad ee xisbiga iyo ergooyinkii ka soo qayb galay, mar labaadana si diiran u hambalyaynayay hogaanka cusub ee sida dimuqraadiga ah loogu doortay xisbiga Kulmiye shanta sanadood ee soo socda. Madaxda xisbiga Kulmiyena waxay iyaguna si walaaltinimo leh uga mahad celiyeen hambaliyadaas.