Dawlad Masuul Oo Dadka Matasha Q9

Tuesday, 13 May 2008 Mj. Axmed CarwoAhmed Arwo
Cardiff, U.K

Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato.Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wabarakaatu. Waa qormadii sagaalaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu wax ka barano kaabayaasha nidaamka aynu dooranay ee dimuquraadiyada ah. Waxaan isku dayi doonaa inaan kolba halka xaalka dalkeenu maraayo indho dheeraad ah siiyo

Maqaalkii 8daad waxaan kaga hadlay Miisaaniyadda Dawladda iyo kaalinta ay kaga jirto dimuquraadiyadda iyo hab-maamul wanaaga, iyadoo ah aaladda ugu xoog badan ee lagula xisaabtami karo, laguna qiimeyn karo Golaha Fulinta. Waxaana aynu soo sheegnay in la-xisaabtanka ay u xil saran yihiin Golaha Wakiilada oo ka wakiil ah shacbi weynaha codkooda ku shaqo geliyey madaxa Golaha Fulinta, isla markaasna u igmaday inay hantidooda ugu shaqeeyaan hab iyo barnaamajyo ay ka ansixiyeen Golaha Wakiilada. Haddaynu mataal u soo qaadano shirkad ganacsi, waxa Golaha Fulinta noqonaaya Agaasimaha Guud iyo maareeyaahsa kale, waxa saamilayaashu ( Shareholders) u wakiilanayaan la xisaabtanka Guddi Maamul oo ay iyagu doortaan ( Board of Directors). Waxa Wakiilada iyo Boardkuba ay tahay inay isticmaalaan khibrad iyo aqoon xisaabeed oo madax banaan. Waana meesha ay ka soo galaan Hantidhowrku.
Hantidhowrku waa inuu ahaadaa mid ka madaxbanaan Golaha Fulinta, awood u leh inuu baadhis ku sameeyo qayb kasta oo ka tirsan Wasaaradaha, Wakaaladaha iyo hawl kasta oo laga maalgaliyey miisaaniyadda dawladda. Waxayna tahay inay toos u hoos yimaadaan Golaha wakiilada, sida dawlad kasta oo dimuquraadi ah, oo ay u xilsaaran yihiin inay xisaab xidh iyo warbixin ka siiyaan dhaqangelintii miisaaniyadda hore Golaha Wakiiladu u ansixiyey. Waxa ka mid ah hawsha Hantidhowrka Guud inuu horumariyo nidaamka maaliyadda iyo xisaabadka dawladda, kana kaaliyo Wakiilada sharciyada u baahan in la kabo, si loo badbaadiyo hantida qaranka.

Waxa wiiqmaaya nidaamkaas is-ilaalinta ah ee lagu dhowraayo hantida laga soo uruuriyey danyarta ay dadweynahu u badan yihiin, kolka la waayo kala xadaynta Hantidhowrka iyo Golaha Fulinta. Waxa ay noqonaysaa in la waayo sugnaanta looga baahan yahay qorshaha iyo horumarinta bulshada. Waxa la waayayaa maamul-wanaag, waxaana abuurmaaya nidaam kobciya musuqa. Taas oo sii abuurta nidaam keli-talis ah oon ogolayn la-xisaabtan iyo in la qiimeeyo waxqabadkii loo doortay. Waxa fududaanaysa in aan marna la helin dakhliga dhabta ah ee dalka soo gala iyo sida loo khrashgareeyo. Waxa la waayayaa meel lagu sar jaro barnaamajka horumarka dalka iyo cabir lagu qiyaaso waxqabadka xukuumadda iyo xisbigeeda. Waxaana fududaanaysa in shacbigu si dhab ah u ogaado hawlaha xukuumada dhib iyo dheef. Waana iyada tan ay ku-kala dooraynayaan xisbiyadu. Sirtuna waa halkaas, meesha laga warwareegiyaa.

Sidoo kale waxa hoggaanka aan daacadda ahayn helayaa fursad uu u kala eexdo gobalada iyo degmooyinka dalka. Waxaa xisaab la’aantu noqonaysaa mid qayb kasta iyo shaqo kasta taabata, oo mas’uul kasastaa noqdo mid aan lala xisaabtamin. Waxa abuurmeysa in sidoo kale shacbigu qayb ka qaato musuqa, iyagoo ogaaday xatooyada la xalaashaday, ayey tab kasta u samayn doonaan inay cashuurta ka baaqdaan, iyo inay u farsameeyaan mas’uuliinta raba inay lunsadaan hantida guud. Waxa la gaadhayaa in laaluushku noqdo furaha keliya ee meel walba fura. Cadaaladdu waxay noqonaysa mid la baayaco, oo maxkamadahu xukumaan kolba sida ninka horjooga jeebkiisa loo culaysiyo. Nidaamkaasi waxuu ku dambeynayaa in daacad la waayo, tuugtu badato, danyartu weydo cid u naxda, ilaa la gaadho in ay luntu kala dambeyntii iyo ismaqalkii dawladda dhexdeeda, oo askarigu noqdo mid la kireysto. Halkaasna la lumiyo nabadii iyo degnaanshahii aasaaska u ahaa dawladnimada, qiimaha aan qiyaasta lahayna inagu jooga.

WAXTARKA KALE EE MIISAANIYADDA
Sidaan in badan ku celceliyey maqaaladani waa qaar loogu talogalay in dadweynahu fahmo, oo si guudmar ah oo uu qofka caadiga ihi fahmi karo aan u soo bandhigay. Taas darted waxa aan taabanayaa meelaha ugu muhiimsan ee miisaaniyaddu wax ka tarto bulshada dhexdeeda. Ugu horreyn waxa ay noqonaysaa mid caawisa Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka oo ay ogaadaan sida dhigoodu u isticmaalo khrashka loo qoondeeyey, iyo qorshaha horumarinta sanad walba halka ay tahay inay culays saaraan. Waxa maamul kastaa oo hawl dawladeed hayaa helayaa cabir uu ku qiimeeyo waxqabadkiisa, kuna eego kaalinta uu kaaga jiro horumarinta hawshiisa. Waxa iyana la helayaa mid mas,uulkaas lagu qiimeeyo, oo marba hawshiisa lagu abaal mariyo, dalacaad amba casilaadba.

Sidoo kale waxa ay noqonaysaa mid hagta Ganacsatada iyo Maalgelinta Gudaha iyo debeddaba, iyadoo ka caawinaysa meesha ay u arkaan inay ka midho-dhalin karaan, goobta u bahaan adeeg gaar ah iyo tan ganacsigooda ugu macaashka badan

Waxa yaranaysa qabyaaladda iyo gobolaysiga, kolka si cadaalad ah oo furfuran cidwaliba arkayso loo qaybiyo dakhliga dalka. Mataalkii aan hore ugu soo qaatay boliska, aan bal ku daro tacliinta iyo caafimaadka. Miisaaniyadaha dalalka dimuquraadiga ah, waxa lagu saleeyaa tirada dadka iyo kaalinta baahi ee gobal kasta taal, ilaa la gaadho in la yidhaahdo arday kasta oo dugsiga sare, dhexe, iyo hoose dhigtaa waxaa miisaaniyadda loo qordeeyey lacag asaas ah oo go,an isku midna ah. Waxa taas lagu kabaa oo iyana si cad loogu qeexaa meeshii taakulayn u baahan, oo lagu cadeeyo waxa loo kordhiyey, sababta iyo waxa koradhasiimadaas lagaga rabo. Sidoo kale ayey Cafimaadku ahaanayaa iyadoo lagu sar jaraayo dadweynaha isbitaal waliba u deggan ah, iyo kaalinta caafimaad ee kala duwan. Mar walba waxa sal u ah miisaaniyadda in la helo qorshe danta laga leeyahay tahay in la gaadho bulsho horumarka ka siman, iyadoo kolba la kabaayo gobalka hoos u dhaco ka jiro. Waana sidaas sida ficiltanka qabiilka iyo aan ku yeesho Wasiirada mid i xigaa, sida looga baxaayo, bulshaduna noqonayso mid ku dhisan cadaalad iyo dal jaceyl walaalo ah. Wax walibana waxay noqonayaan wax miiska dul saran, oon hoos iyo meel madow lala tegeyn.

Waxay miisaaniyaddu qayb weyn ka qaadataa horumarinta siyaasadeed ee dalka. Waxa ay helaan xisbiyadu xogta dhaqaale ee dalka iyo kolba dhinaca ay dawladdu mudnaanta siisay. Kolkaasay la yimaadaan qorshe kan dawladda barbar socda oo dadweynaha ugu soo bandhigaan iyagoo tusaaya in qorshahoodu ka wacnaan doono kan dawladda. Mudnaanta kala duwan ee xisbiyadu siiyaan baahiyaha dalka ayaa noqonaysa mid dadweynahu kala doortaan, oo ay u codeeyaan kii ay u arkaan inuu waafaqsan yahay rabitaankooda. Waxaana xukunka imanaaya kan inta badani u arkaan in aqoontiisa iyo qorshahiisu horumarka ugu habboon keeni karo. Waxa taas u shardi ah xisaab xidh amba xisaab celin lagu soo bandhigo si faahfaahsan adeegyada dawladda heer kasta ilaa la gaadho miisaaniyadda iskuul kasta amba saldhig booliis, iyadoo gobal gobal, degmo degmo, iyo wasaarad ahaanba loo faafinaayo waxii ku baxay iyo waxa u qorshaysan. Waana inay noqotaa mid cid waliba heli karto, oo weliba lagu faafiyaa internetka. Taas ayaa aasaas u ah hab-dawlad wanaag furfuran, shakigana ka saarta shacbiga dacaayadda iyo beenta lagu dhego barjeeyey. Waxaana rumoobaysa kaalinta awoodeed ee shacbi weynahu u leeyahay maareenta dalkooda. Waxa sidoo kale la gaadhayaa in min Madaxweyne ilaa waardiye ay noqdaan shaqaale u qoran hawl mucayin ah, abaal marintoodana ay gacanta ugu jirto dadweynaha oo ah mulkiilaha dalka loo adeegaayo. Awoodda maareenta dalkuna dhammaan iyaga ayeye ku arooraysaa.
Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K

samotalis@gmail.com