Gudoomiye Axmed Siilaanyo Oo Tacsiyad U Diraya Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Siciid Maygaag Samatar Iyo Dhamaan Shacabka Reer Somalilandba

Dhambaallo Tacsi ah oo uu dirayo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaasha oo wada dhan dibad iyo gudaba, waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga S/land, isaga oo uga tacsiyadaynaya Geerida naxdinta leh eek u timid MARXUUM SICIID MEEGAAG SAMATAR, oo maalintii Arbacadii 07/05/2008 ku geeriyooday magaalada St jose, Kaliforniya ee cariga Dalka Maraykanka. Marxuunku waxa uu ka mid ahaa xubnihii doorka mihiimka ah ka soo qaatey dib-u-heshiintii iyo Nabadayntii Beelaha Somaliland. Marxuum Siciid Maygaag Samatar oo ahaa aasaasihii ururka aqoonsi raadiska ah ee loo yaqaan Sopri door lexaad lehna ku lahaa labadi shirweyne ee ka dhacay magaalooyinka Los Angles iyo kii ka dambeeyay ee lagu qabtay magaalada gobolka Virginia. Waxaa uu gudoomiyuhu marxuumka ugu ducaynayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, marwo Amran Cabdi Muuse oo ah marwadii marxuumka , caruurtiisii, reer Maygaag Samatar, saaxiibadii faraha badnaa iyo dhamaan shacabka reer Somalilandbana in uu EBBE samir iyo iimaan ka wada siiyo. Aamiin

Waxaa kale oo tacsiyado fara badani naga soo gaadhayaan dhamaan jaaliyadaha qurba jooga ee xisbiga Kulmiye gaar ahaan jaaliyadaha kala duwan ee waqooyiga Maraykan ( Maraykan iyo canada ), Jaaliyadaha magaalooyinka Ingriiska ee xisbiga Kulmiye, Jaaliyadaha Kulmiye ee degan dalalka Yurub, Khaliijka Carabta, South Africa, afrikada bari, Ethiopia, waxaa kale oo tacsiyado naga soo gaadhayaan ardayda jaamacadaha ka barata dalka India, ardayda wax ka barata dalka Pakistan, Banqaalidash, Maleeshiya, Indonisia, Sudan iyo Masar. Boqolaal magacyo badan ah oo na soo gaadhsiiyay tacsiyado ay u dirayaan qoyska marxuumka halyaygan inaga baxay oo ka soo diraya dalalka aanu kor ku xusnay ayay noo suurta gali wayday inaanu so wada daabacno. ILLAAHAY marxuumka janadii Fardowsa ha ka waraabiyo dhamaanteenna Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo.

Aamiin