Komishanka Burburay Oo Isugu Hadhay Xubnihii Shanta Ahaa Ee UDUB Soo Magacowday

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Komishanka Burburay

Riyaale waxa uu fogeeyay rajadii ictiraafka oo ku xidhnayd qabashada doorashooyin xor oo xalaal ah sannadkan

Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee Axadii doraad burburay waxa uun buu qayb ka yahay dalka dhan ee la yidhaahdo Somaliland ee in muddo ahba ku burburayay gacanta Daahir Riyaale ee shacbigii lahaana ay sidaa uun ku daawanayeen.

Gudoomiye ku-xigeenkii Komishanka Doorashooyinka Xirsi Xasan Xaaji Cali waxa xilkii lagaga qaaday jawaab uu ka bixiyay hadalo aflagaado iyo hanjabaad isugu jira oo uu Madaxweyne Daahir Riyaale u soo jeediyay Komishanka toddobaadkii hore.

Xirsi waxa uu ahaa xubintii Komishanka ee uu xisbiga KULMIYE soo magacaabay, muddooyinkan dambena Xirsi waxa uu ahaa xubinta keliya ee mucaaridka ku metelaysay Komishanka kadib markii muddo dhawr bilood hadda laga joogo shaqadii laga fadhiisiyay xubintii xisbiga UCID soo magacaabay Mr. Axmed Maxamed Xaaji.

Marka laga reebo Maxamed Yuusuf oo isagu dibadaha ugu maqan arrimo caafimaad, xubnihii Komishanku waxay hadda isugu soo hadheen 4 xubnood oo dhammaantood ah kuwii ay dawladdu soo magacowday isla markaana uu Riyaale soo xushay.

Waxay Xirsi gef uga dhigeen eray uu yidhi oo ahaa ‘Madaxweyne waxaad noola siman tahay markay tahay arrimaha doorashooyinka Faysal iyo Siillaanyo’.

Waa la garan karaa in Riyaale uu eraygaas ka xanaaqayo oo wali uu aaminsan yahay, cuqdadna ka qabo in labada nin ee uu la tartamayaa ay kaga sareeyaan dhinacii aqoonta, cilmiga, waayo-aragnimada iyo kartidaba. Laakiin waxa la-yaab leh afarta nin ee ogaa in haddii ay saaxiibkood Xirsi eed aanu lahayn u xambaariyaan uu sii jiritaankii Komishanku halis geli doono ee haddana isla tallaabadii burburka keenaysay ku dhaqaaqay.

Maxamed Ismaaciil Kaba-weyne iyo Saddexda xubnood ee kale, maxay ka faa’iideyn ee aan ahayn sharaf-dhac iyo magac-xumo?! Mise waxay gobonimo u haystaan masuuliyadii dadku ku aaminay ee ay dayaceen iyo xilka ay ka soo bixi waayeen?

Reer Somaliland waxay u helanaayeen inay dhawaan doortaan goleyaashoodii degaanka iyo Madaxweyne, waxaanay rajaynayeen in doorashooyinka oo si fiican ugu qabsoomaa ay dalka u soo hoyn doonto sumcad lagu aqoonsan karo. Laakiin rajadaasi waxay hadda u muuqataa mid raarantay markii ay Kaba-weyne iyo saaxiibadii mustaqbalkii ummadda ay ka doorteen inay u adeegaan nin keliya oo kursigiisii ay dharaaro uga hadhsan yihiin.

Riyaale waxa uu fogeeyay rajadii ictiraafka oo ku xidhnayd doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo dalka ka qabsooma sannadkan.

Burburkan Komishanka ka hor, Riyaale waxa uu niyad-jab ku ridday dawladaha deeqda bixiya ee u guntanaa inay taageero fiican Somaliland ka siiyaan hawlaha baaxadda weyn leh ee diiwaangelinta codbixiye-yaasha iyo labada doorasho ee Madaxweynaha iyo goleyaasha degaanka iyada oo ay dareemeen in Riyaale kolba carqalad uu doorashooyinka ku baajiyo uu abuurayo.

Cago-jiidka Riyaale waxa uu naxdin ku noqday dawladaha deeqda bixiya gaar ahaan dawladaha Midowga Yurub oo iyagu ka gaabsaday inay gacan ka geystaan doorashadii Madaxweynaha ee 2003 si aan taas loogu qaadan inay Somaliland ictiraafeen balse doorkan ku soo dhiiraday kana soo diyaar-garoobay inay gacan ka geystaan doorashada Madaxweynaha ee 2008.

Run ahaantii dawladaha reer galbeedku arrintan uma wada dhamma oo waxa ilaa hadda jira qaar aan dan ka lahayn Somaliland amaba aan jeclayn gooni-isu-taageeda ay ku dhegan tahay. Hase yeeshee dawladaha USA, UK, Sweden, Denmark iyo Norway ayaa mawqif cad oo dhiiri-gelin ah iska taagay dimuqraadiyeynta Somaliland oo ay doorashooyinku ka mid yihiin. Laakiin Riyaale dawladahaasi taageerada isla barbar taagay geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland waxa uu ugu abaalguday inuu ku yidhaahdo fidno ayaa dalkayaga ka dhex abuuraysaan.

Weftigii deeq-bixiyeyaasha ee bishii hore dalka soo booqday, dawladda Riyaale waxay ku qabsatay oo ay kula yaabtay hadal aan turxaanba lahayn oo ay weriyeyaashu kaga soo duubeen Madaarka. Mooyi eh malaha cidbaa Riyaale si khaldan ugu turjumtay wixii ay ku hadleen intii aanay madaarka ka duulin.

Dabcan may ahayn wax qabta weftigaas deeqbixiyeyaasha in la iska cambaareeyo iyada oo waliba ay ku jireen shakhsiyaad si waxtar leh oo daacadnimo ku jirto ula shaqayn jiray Somaliland.

Riyaale waxa uu inoo muujiyey in kursigiisu kala weyn yahay ictiraafka dalka, waxaana sidaas ku taageersan wasiiradiisa dhibta raaxada moodaya, guurtida muddadu ka dhammaatay, afartii nin ee Xirsi masabiday iyo af-miinshaarada mustaqbalkii ubadkooda cunay.

Haddii aan Riyaale inta goori goor tahay la iska qaban oo sidan lagu sii socdo, Somaliland ictiraaf ay hesho daayoo waxay geli doontaa liisaska wadamada aan ka-soo-reynta lahayn.