Haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano”

Haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano”

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha ururka SNM, ahna Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ku tilmaamay mid lagu mijo xaabinayo gebi ahaanba ganacsatada waddaniga ah heshiiska cusub ee xukuumaddu ugu fasaxday ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri inuu dalka keeno raashin quutal-daruuriga ah, isla markaana kootadii uu ku haystay dhoofka xoolaha nool.

Muj. Xasan Ciise oo xalay khadka telefoonka uga warramayey Jamhuuriya ayaa faahfaahin ka bixinayey sida uu u arko heshiiska cusub ee xukuumadda Somaliland la saxeexatay Al-jaabiri ee qeexaya inuu dalka keeno raashin jaban, isla markaana siiwato kootadii dhoofka xoolaha nool loogu xidhay, waxaannu isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd in tallaabadan xukuumaddu u qaaday lexejeclo dhinaca bulshada ah uu yidhi; “Maya, wax allaale iyo wax dan ah oo ugu jira ummadda reer Somaliland kama muuqado heshiiska cusub ee Al-jaabiri, sababtoo ah heshiiskii hore ee xooluhu waxa uu meesha ka saarayaa ganacsatadeenii waddaniga ahaa ee dhoofka xoolaha nool oo uu laf-jab ku noqonayaa.

Heshiiskana wax uu macno samayn lahaa haddii aanay bayaac-mushtarkeena xooluhu aanay awoodi karayn dhoofinta xoolaha, markaa waxa khasab ahaan lahayd in aynu soo baryootano oo dalka keeno cid allaale ciddii xoolaha inoo dhoofinaysa qiimahay doonaan ha ku qaataane, laakiin iminka ganacsatadeenii waxay leeyihiin awood ay xoolaha ugu dhoofiyaan meelkasta, mana aha in la carqaldeeyo qorshe kasta oo ganacsatada lagaga joojinayo dhoofka xooluhuna waa mid aan ummadda dan u ahayn oo ka horimanayna qodobadda dastuurka ee qeexaya in baayac-mushtarku xor yahay.

Kan Al-jaabiri raashinka lagu siiyana kaa hore ee xoolaha ayuun buu la mid yahay oo dani uguma jirto ummaddeena, qofka baayac-mushtariga ahina haddii uu ku yidhaahdo raashin jaban oo bilaa macaash ah ayaan kuu keenayaa marka horreba shaki ayey leedahay, waayo qofna isma khasaarinayo ee dano kale ayaa u qorsoon, markaa raashinka jaban ee Al-jaabiri qiimana malaha danina kuma jirto, hay’ad samafalna maaha oo ku caawinaysa.

Heshiiska raashinka lagu siiyey Al-jaabiri waxa uu hantaaqayaa oo uu curyaaminayaa ganacsatadeenii waddaniga ahayd oo waqtiga dheer iyo ka dhawba wax faa’iido ah oo ugu jirt Somaliland ma jirto.

Baayac-mushtariga xorta ahina waxa uu ka qayb qaataa kobaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurista, waxaanna uu leeyahay waajib qaran oo ah in dawladdu koriso oo gacan qabato, mana ahaa inay cuno-qabatayso si uu meesha uga baxo, mid shisheeyana gacanta loogu ganacsatadeena waddaniga ahina haddii uu meesha ka baxo mid shisheeye waxba kuu qaban mayo, masiirka ummaddana wax faa’iido ahi uguma jirto, waxaanna la hubaa marka uu iminka qiimaha kuu jabiyo ee uu meesha ka saaro baayac-mushtarkeenii ee uu kaligii ku soo hadho sida u doono ayuu kaayeelayaa, qiimahana cirka ayuu kugu gaynaynaa.

Dawladduna inta ay inin shisheeye ah xoolaha iyo raashinka kaligii siinayso, waxay ahayd hantiilayaasha iyo tujaarta dalka kala hadasho gacan qabashadooda iyo taakulayntooda, markaa waajibkii dawladdu lahayd may garan.

Danta ummadduna waxay ku jirtaa in baayac-mushtarkeena la kobciyo oo la gacan qabto, waxaanan odhan karaa haddii la yidhaahdo baayac-mushtarigii shisheeye haloo gacan geliyo oo nin kaliyaata haloo xidho, waxay ka dhigan tahay siyaasidiina nin qudha haloo xidho oo siduu doono ha ka yeelo masiirka ummadda.

Haddii baayac-mushtarigiiba shisheeye loo gacan geliyo, siyaasadiina ajaanib haloo dhiibo oo hala yidhaahdo na maamul, markaa haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano.”

Muj. Xasan Ciise Jaamac oo la waydiiyey su’aal ahayd markii qiimaha maciishaduhu dunida ka kaceen, xukuumaddu waxay kordhisay tacriifadaha badeecadaha quutal-daruuriga ah, marka taa loo eego arrinta maanta maxaa loo fasiran karaa, isaga oo su’aashaa ka jawaabayana waxa uu yidhi; “Horta haddii uu $100 siisanayo xoolaha in qof loo xidho ayaa khalad ah, waxaanna ka maqnaa xukuumadda in markii maciishaduhu kaceen ee dunidaba ka qaaliyoobeen intay u tagto baayac-mushtarkaa, hadday tahay kuwa xoolaha dhoofiya iyo ganacsatadaha kale ee maciishada quutal-daruuriga soo dejiya, kuwa tidhaahdo, maxaannu idiin qabanaa, sidee dhibta looga bixi karayaa, markaa hadday yidhaahdaan cid arrinta naga caawisa noo keena, waa qasab in Al-jaabiri iyo cidkasta oo wax qabanaysa loo yeedho, laakiin taasi may dhicin, arrintuna maaha qiimahu halkuu marayaa ee waxay tahay in la isweydiiyo danta ummaddu halkay ku jirtaa, waxaanna qurux badnaa maadaama uu sicir-bararku ahaa dhibaato heer qaran, waxay ahayd dawladdu inay u yeedho adhiiyalaashii, baayac-mushtarkii, Baarlamaanka, xisbiyada, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhibaatada si heer qaran ah looga wadatashado, laakiin xukuumaddu waxay ka gashay meel khaldan, shisheeye ayey gacanta u gelisay masiirkii ummadda.

Caalamka horumarayna marka laga hadlayo xoolaha iyo raashinka waxa la yidhaahdaa waa arrimaha lama huraanka u ah nolosha dawladaha ayaana ilaashada oo cid kale gacanta looma geliyo, waanna khalad in arrimaha lama huraanka u ah nolosha, sida xoolaha iyo raashinka shisheeye gacanta loo geliyo oo uu siduu doonto ka yeelo uguna takrifalo.”

Xasan Ciise oo ugu dambeyntii la waydiiyey saamaynta heshiiska cusub ee ay xukuumaddu la gashay Al-jaabiri ku yeelan karo ganacsatada Somaliland, waxa uu yidhi; “Saamayn weyn buu keeni karaa haddii uu heshiiskani sidan ku hirgelo, dhibaato weyna wuu keeni karaa, shisheeyaana gacanta ku qabanaya dalkeena iyo baayac-mushtarkeenaba, taasina saamayn xun bay ku yeelanaysaa ummadda reer Somaliland mustaqbalka, maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahd, ‘Midho geed saaran kuwo gunti kuugu jira looma daadayo,’ taas ayeyna garan weyday xukuumaddeenu.”
Xigasho / Jamhuuriya Online