Axmed Siilaanyo Oo Xukuumada Ku Tilmaamay Mid Aan Xishoonayn

August 12th, 2008

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xukuumadda Somaliland ku tilmaamay mid aan xishoonayn, oo dalkeeda ku soo jeedinaysa indhaha quwad shisheeye, waxaanu ugu baaqay inay xishooto.

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, oo shalay galab ka soo noqday madasha shirka Beelaha Habar-jeclo ee magaalada Gar-adag ee gobolka Sanaag, waxa sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay magaalada Hargeysa kula yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu ka xog waramay halka uu shirkaasi marayo iyo weliba isa saamax la sheegay inuu isaga iyo Guddoomiyaha Guurtida oo ay isku beel ka soo jeedaan ku dhex maray shirkaas Gar-adag.

Ugu horayn Axmed-Siilaanyo, oo la weydiiyay inuu ka xog waramo shirka beelaha Habar-jeclo ee ka socda gar-adag oo uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa waxa uu yidhi, “Shirkaasi aad iyo aad ayuu u wanaagsanaa, meel fiicana wuu marayaa, gebagebana wuu ku dhowyahay, shirkuna wuxuu ahaa shir uu deegaanku kaga tashanayay danahooda horumarka deegaanka, nabadgelyada iyo jaar-wanaaga, doorka ay qaranka ku leeyihiin inay ka qayb qaataan dhinac walba, horumarinta gobolada iyo wixii khilaaf ah ee gudahooda jira inay ka saaraan, markaas arrimahaas oo dhami meel fiican ayuu marayaa, shirkuna gebagebo ayuu joogaa, dhawaan ayaana la qaban doonaa xafladii xidhitaanka oo ay suurto gal tahay in lagu martiqaado dad kale oo reer Somaliland ah”.

Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayey waxa ka jira wararka sheegaya in shirku burburay oo beelaha qaar ka baxeen, waxa uu yidhi, “Shirka dawladda ayaa aad iyo aad ula dagaalantay, dad beesha ka tirsan oo qaarkood ay sheeganayeen madax-dhaqameedyo ayaa loo adeegsaday, oo markii hore isku dayay inaanu shirkaasi socon, markii dambena damcay intay dhex gallaan  ay lugta ku walaaqaan oo ay fashiliyaan, laakiin dadku wuu iska gartay, waxoodiina waxba way ka socon waayeen, iyagii ayuun baa ku ceeboobay oo meel walba laga eryay. Markaas shirkaasi meel fiican ayuu marayay, dalka iyo dadkan wax aan wanaag ahayn uma soo wadaan.”

Mar uu Geeska Afrika, Siilaanyo weydiiyay inuu jiro wax shir ah oo ka socday magaalada Caynabo ee gobolka Saraar oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu halkaas ka furmay, waxa uu yidhi, “Wax shir ah oo Caynabo ka socday iyo wax ka dhacay toona ma jiraan, kuwo ay dawladu wadato ayaa meesha mar-marayay oo iyagana waa tii halkaasna laga soo eryay.”

Axmed-Siilaanyo, oo la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in isaga [Siilaanyo] iyo guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban-Gaal oo isku beel ka soo jeedaa ay shirkaas kaga soo heshiiyeen xurgufo siyaasadeed oo ay kala tabanayeen, waxa uu yidhi, “Waan isugu nimid shirka, maadaama oo aanu labadayaduba deegaanka ka tirsanayn, shirkaana waxa ka dhacay is afgarad wanaagsan, kaas dadka dhexdiisa ka dhacay ayaa annagana [Saleban iyo Siilaanyo] naga dhex dhacay, wax awalna na dhex yiilay may jirin, imikana deegaanka iyo dadka waxaanu u cadaynaynay inaanu u muujino tallo wanaag iyo wada jir, intaasna waanu muujinay, wax ceebaal iyo dhibaato ah oo na dhex yaalaana ma jiraan.”

Axmed Maxamed-Siilaanyo, oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd aragtidiisa ku waajahan eedaynta xukuumadda Somaliland u jeedisay guddoomiye ku xigeenkii hore ee koomishanka doorashooyinka Md. Xirsi Cai Xaaji Xasan, ee ah inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al Shabaab ee koonfurta Somaliya ka dagaalama, waxa uu yidhi, “Waxaasi waa xukuumad aan xishoonayn, maxay ugala jeedaa xukuumadu markay halkan ku sheegayso Al Shabaab? Ma waxay doonaysaa inay ku soo hagaajiso dawladaha waaweyn, waa dawlad doonaysa inay dacaayadayso dadkeeda iyo  dalkeeda, oo damacday markay rajo beel noqotay ee ay isku dhaceen adhiilihii, saxaafadii iyo shacabkii ee ay umadii ka soo horjeedsatay, ayay doonayaan inay ku soo jeediyaan indhaha xoogag waaweyn oo ay yidhaahdeen dalkayaga Al-qaaciidaa ka dilaacday, waa calaamaad lagu yaqaan keli taliyayaasha iyo dawladda fashilanta, dunida iyos shacabkuba waa ogyihiin wax alla wax ka jiraana ma jiraan, iyagaana ceebtaas iyo eedaas qaba, waxaanan leenahay xishooda oo wax isku fala.

Waa la ogaa markii ay yidhaahdeen KULMIYE ayaa ka dambeeyay qaraxii Golaha Guurtida, haddana maalintii dambe ay dafireen, ha soo cadeeyaan waxay sheegayaan, maalin walba ninkan wasiirka ah ee aan xishoonayn ee leh KULMIYE ayaa ka dambeeyay iyo Al-qaaciidaa ka dambaysay, xishoon maayo oo isla yaabi maayo. Markaas waa ayaan darro in taas [xukuumadda] lagu tilmaamo inay shacabkii dawlad u tahay.”

Source: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa