Dawalada Rayaale Oo Sharci Daro U Xidhay Gudoomiyihii Hore Ee Komishanka Qaranka.

Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Komishanka Doorashooyinka Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

Hargeysa(Golis)-Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay xalay ciidamada Boolisku ka qabteen Tuulada ina Af-madoobe oo 60KM dhinaca bari ka xigta Magaalada Burco.

Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale ayaa noo xaqiijiyey xadhiga masuulkan, waxase uu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xadhigan.

Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey sameeyey hawl-galo xoogan, kuwaasi oo ka fulinayeen Gobolada Marood-Jeex, Saaxil iyo Togdheer, iyadoo goobaha qaarkood ciidamo dheeraad ah la geeyey, illaa haddase lama oga sababta wakhtigan kelliftay hawl-galadan.

Xirsi Cali X. Xasan oo hadda ku xidhan saldhiga Dhexe ee Magaalada Burco ayaa xilkii xubin-nimada Komishanka iska casilay, kadib markii ay xubnaha guddidu ka qaadeen Gudoomiye Ku Xigeenkii Guddida, waxana uu dhaliilo ba’an usoo jeediyey Komishanka Doorashooyinka iyo Madaxweyne Rayaale.

Xigasho / Golisnews