Khudbadii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye MudaneAxmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” Ka Jeediyay Magaalada Laascaanood

https://i0.wp.com/radiosomaliland.com/media/1/20071018-SNMSiilanyo.JPG?w=620

Wetiga Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Laascaanood Iyo Wufuuda ilaa Hada Gaadhay.

https://i1.wp.com/www.golisnews.com/GolisAdmin/pictures/6336.jpg?w=620

Laascaanood (Somaliland.Org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo wefti uu hogaaminayay ayaa galabta si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, ka dib markii ay halkaa ku tageen booqasho maalmo qaadanaysa oo la xidhiidha dar-dar gelinta hawlaha diiwaan-gelinta oo Gobolka Sool ka bilaabmaysa berri oo Jimce ah.

https://i2.wp.com/harowo.com/wp-content/uploads/image/Duufaan/Suldaan%204.JPG?w=620

Weftigan oo ay magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyeen Guddoomiyaha labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, Cabdirashiid Duacaale Qambi, Xildhibaan Xamse Gaada-wayne, Xildhibaan Maxamed Jaamac, Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool iyo dadweyne tiro badan, ayaa waxay guddoomiyaha ku wehelinayay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, Maxamed Kaahin Axmed, Fu’aad Aadan Cadde iyo masuuliyiin xisbigaas ka tirsan. Odayaal-dhaqameed, Aqoonyahano iyo Wax-garad degaanka u dhashay ayaa iyaguna weftiga huteelka ku soo booqday, kuwaasoo uu ka mid ahaa Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Cabdi Xaabsade. Dadweyne tiro badan oo isugu soo xoomay huteelka weftiga la dejiyay ee Xamdi Huteel ayaa hadalo mahadnaq iyo guubaabo isugu jiray waxa halkaa uga jeediyay masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, waxaana ugu horayn uga mahad-celiyay soo-dhawayntii dadweynaha Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax. “Waxaynu maanta soo dhawaynaynaa weftiga Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa Madaxweynaha u tartami doona waqtiga doorashada, waxaananu ku leenahay Mudane Guddoomiye ku soo dhawow Laascaanood,” ayuu yidhi Md. Baashe. Waxaanu intaa raaciyay, “Wax badan baa la lahaa Laascaanood nabadgelyo kama jirto, laakiin maanta waxaynu mujinay in nabadgelyada gobollada kale ka jirtaa ay halkan (Laascaanood) ka jirto. Weftigu waxay u yimaadeen si ay inoogala qaybgalaan hawsha diiwaangelinta ee berri ka bilaabmaysa degaanada Gobolka Sool, taasoo ka soo dhacday gobollada kale ayaa waxa Gobolka Sool looga baahan yahay inaynu la tartano gobollada kale. Markaa waa inaynu berri u dareernaa goobaha diiwaangelinta.” Waxa isaguna halkaa ka hadlay Fu’aad Aadan Cadde oo dadweynaha ku adkeeyay inay tartanka kala qaybqaataan gobollada kale. “Tartankaasi mar waa qabii-qabiil, marna waa degmo-degmo, marna waa gobol-gobol. Markaanu soo soconay waxa nagula kaftamay gobolladii is-diiwaangeliyay Saaxil baa tiradii immika la helay ugu yarayd, tallow Saaxil ma gaadhi doontaan, mise waad dhaafi doontaan. Cidi idinkama tiro badna oo rikoodhkii hore ayaa yaala, markaa waxaan idinku boorrinayaa inaad is-muujisaan oo aad diiwaangelinta u soo baxdaan, wixii tafaasiil iyo mahadnaq ah waxaan u dhaafayaa gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murashaxa jagada xisbiga ee M/weynaha Axmed Siilaanyo, Siilaanyo kana xanaaqo oo markuu yaraa buu ahaa nin dhuuban isagaan u dhaafayaa” sidaa waxa yidhi Fu’aad Aadan Cadde. Waxa isaguna halkaa ka hadlay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah gudiga fulinta ee xisbiga waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Dadka meelahaa ka yidhaahda Laascaanood nabad maaha, kollay anigu ilaa 1991-kii marar badan baan imi, meelihii nabadaynta aasaaska ka ahaa bay ahayd, nabadihii Sool ka dhacay, Sanaag iyo Togdheer ka dhacay garaadadeeda, salaadiinteeda, waayeelkeeda, dhalinyaradooda iyo haweenkooduba ay hormuudka ka ahaayeen nabadda ayay ahayd (Laascaanood).” “Arrimihii nabada, dimuquraadiyada ayaa maanta la gunaanadayaa oo tiro-koobkaa gunaanadaya,” ayuu hadalkiisa raaciyay Muj. Maxamed Kaahin Axmed. Waxaanu intaa ku daray, “Markaa madaxda Xisbiga oo uu horkacayo Guddoomiyuhu (Axmed-Siillaanyo) waxay Gobolkan Sool kala qaybqaadanayaan diiwaangelinta, markaa tiro-koobka si mug leh ha loogu dareero. Had iyo jeer Soomaalidu waxay tidhaahdaa qolladdaasaa Laandheere ah, waxaan leeyahay waxa Laan-dheere ah Gobolka ay dadkiisu ay doorashada galayaan ee tiro-koobkana ay galayaan. Gobolladii kale oo dhan si wanaagsan baa looga soo galay, waxaananu aaminsanahay in halkana (Sool) si fiican looga qaybgalayaayo.”

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo ugu dambeyntii halkaa ka hadlay ayaa isagoo ku hadlaya magaca weftiga uu hogaaminayo wuxuu uga mahad-naqay sidii diiranayd ee isaga iyo weftigiisa loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, “waxa beri halkan {Laascaanood} isugu imaanaya madax badan oo ka kala socota qaranka waxaana ka bilaabmaysa diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha oo hore uga soo dhacday dhamaan gobolada dalka, sidaa darteed diiwaan-gelintu qiimo weyn bay ugu fadhidaa qaran ahaan, gobol ahaan, deegaan ahaan iyo tuulo-tuulo ahaanba, diiwaan-gelintu haddii si loo eego macno ahaan waxay muujinaysaa bal dadkeena reer Somaliland tiro ahaan inta ay noqonayaan, waxay kaloo muujinaysaa gobol kasta iyo degmo kasta tirada ku nool, waxay gelaysaa aqoonsi lagugu garto muwaadinmadaada iyo cida aad gelayso, wax-qabad kasta oo gobol ama deegaan loo qabanayo waxay ku salaysnaan doontaa laguna qiimayn doonaa tirada dadka halkaa ku nool, markaa qofkii aan maanta kaadhka qaadan berito xaq u yeelan maayo inuu codeeyo.”Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo isagoo la hadlaya taageerayaal tiro badan oo ka tirsan xisbigiisa oo maanta si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood oo uu faagaare kala hadlayay. Axmed Siilaanyo waxa uu kula dardaarmay taageerayaashii isla markaana ku dhiiri-geliyay inay soo baxaan sidii ay isu diiwaan-gelin lahaayeen isla markaana u qaadan lahaayeenkaadhka cod bixinta iyo kaadhka aqoonsiga ama sinjiyada ee Somaliland, waxaanu u sheegay dadweynahaa soo dhoweeyay in mar kale ay isu imaan doonaan isuna soo noqon doonaan markaas oo uu dadka reer Sool u soo bandhigi doono siyaasada xisbigiisa ee ku aadan iskaashiga, horumarinta iyo wax-wada-qabsi ee uu ku hogaamin doono dalka.

Dhinaca kale, iyadoo xubno wasiiro deegaanka Sool u dhashay ay mudooyinkanba ku sugnaayeen magaalada Laascaanood, ayaa M/weyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin uu caawa u hoyday degmada Caynabo ee gobolka Sool halkaas oo la sheegay inuu beri subaxnimada uga soo amba-baxayo dhinaca magaalada Laascaanood si uu maalinimada uga qayb galo xaflada furitaanka diiwaan-gelinta oo lagu wado inay maalinta beri ah ka dhacdo xarunta komishanka ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.sidoo kalena weftiyo aan aad u muuqan oo ka kala socda xisbiyada UCID iyo xisbul xaakimka UDUB ayaa iayguna ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo gobolka abaabul fara badan ka muuqdo ayaa dad badan shaki kaga jiraa inay beri diiwaan-gelintu ka bilaabmi doonto gobolka Sool, sababtoo ah waxa jirta kala daadsanaan fara badan oo ka muuqata gudiga diiwaan-gelinta u qaabilsan komishanka doorashooyinka, wararka qaarkoodna waxay sheegayaan in goobo badan oo gobolka ka mid ah aanay wada gaadhin hawl-wadeenadii komishanka iyo gaadiidkoodiiba. Sidoo kale, waxa jira khaldaadyo ka muuqda kooxihii ka hawl-geli lahaa gobolka, kuwaas oo la sheegay inaanay si fiican u sugnayn inay noqonayaa hawl-wadeenadii hore iyo inay noqonayaan kuwo gobolka laga qorto maadaama oo ay sidaas ku doodayaan masuuliyiin fara badan oo gobolka u dhashay.

Lascaanood ,Somaliland