“Maxay ku Kala duwan yihiin Komishankii hore ee Doorashooyinka Somaliland iyo Kuwa Hada” Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf ee Boorama

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf ee Boorama

Sideedaba marka laga hadlayo komishanka doorashooyinka ee dal leeyahay, waxa macnaheedu yahay dad kala saari kara ummad isku qabsan karta wax sharciga dal leeyahay bannaanayn iyo wax u bannaanaynayo. Waxa kale oo komishanka noocan ah dalalka hore uga maray dimuqraadiyaddu u doortaan dad leh sifo kala duwan ha ahaato xag aqooneed, xag caqliga, xagga dhaqaalaha, xagga diinta iyo caqiidada iyo xagga waddaninimada, iyadoo lagu talo gelayo in ragga mansabkaasi uu qaranka iyo shacbiguba u dhiibtaa noqon karo mid ka fogaan kara siyaasad, xisbi, koox, weji caabud, saaxiibtnnimo, abtinnimo, seeddinimo xilkiisaasi saameyn ku yeeshaan.

Somaliland waa dal ka mid ah dalalka dimuqraadiyadda jidkeedii haya, horena u soo galay doorashooyin degaan iyo kuwa Madaxweyne-nimoba, balse weli aanu caalamku ictiraafin.

Haddaba markaad eegto doorashooyinkii Somaliland soo martay sannadihii tegay, diiwaangelinta haatan lagu gudo jiro iyo dabaylaha siyaasadeed ee dalka ku soo fool leh wakhtiga doorashooyinka ayaa la isweydiin karayaa in komishanka haatan xilka loo magacaabay gudan karo waajibaadkii kaga habboonaa iyo inay yihiin kuwa laga cawdi bilaysto belaayada ay kala dhex dhigaan reer Somalilandna la hadal hayn doono sannadaha soo socda.

Haddii aynu dib u eegno taariikhdii iyo shaqooyinkii ay dalka ka soo qabteen komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ee uu madaxa ka ahaa Axmed X. Cali Cadami, iyo waxay kaga duwanaan karaan komishanka haatan ee uu madaxa ka yahay Maxamed Ismaaciil Kabaweyne, ayaan soo qaadan karraa dhawr arimood;

Waa tan koowaade waxaan komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ku qiimayn karraa aqoontooda iyo waayo aragnimadii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda intii aan loo magacaabin xilkaasi, iyagoo ahaa rag aan siyaasiyiin ahayn, isla markaana aan ka tirsanayn xisbiyo. Waxay xubno ka tirsani ahaayeen rag aanay ku dheehnayn aragti qabyaaladeed, isla markaana aad odhan karaysay in hawshii doorashooyinka ee ay dalka ka soo qabteen ku dhammaysteen si nabadgelyo, waxay doonaanna sameeyey, maadaama hawshaasi doorashooyinku bilow innoo ahaayeenna qof kastoo reer Somaliland ahi uu raalli ka ahaa sax iyo khalad waxay sameeyaan ama soo saaraan yahay lama taabtaan.

Komishankii Cadami waxa kale oo uu caan ku ahaa go’aan qaadashada iyo talooyinka sida deggan ay u wada gaadhi jireen mana jirin khilaaf bulshada dhexdooda ah oo reer Somaliland soo gaadhay, haddii uu jirayna waxay ku dhammaysan jireen si hoose oo aan qaylo iyo buuq toona lahayn.

Inkastoo ay komishankaa hore ku jireen ama ka mid ahaayeen rag aan sidaa loogu jeclayn hawlaha doorashooyinkaasi, waxa xumaantoodaa qarinayey rag odayaal ah oo kaalin xoog leh ku lahaa jiritaanka komishamkaasi ilaa intii uu si fiican uga dabbaalanayey natiijadii muranka badan lahayd ee uu komishankaasi kursiga ugu dhiibaay Daahir Rayaale.

Komishankii Cadami, waxay ka koobnaayeen dad ka soo jeeday gobollo iyo degaanno kala duwan iyagoo metelayey dad ku kala nool duruufo kala duwan oo ku kala nool gobollo astaamo kala duwan leh, balse kama muuqan gobolaysi iyo beelaysi toona.

Inkastoo ay ku jireen rag xukuumadda u xaglinayey, isla markaana ay ka mid ahaayeen rag aan xaq iyo baadilka kala garanayn, haddana waxaad moodaysay inay ahaayeen rag xishoon jiray oo u badnaa kuwa aamusan.

Hase yeeshee markaan wax yar ka sheegno muqaalka komishanka haatan dalka la doonayo inuu ku hoggaamiyo dimuqraadiyad, ictiaaf iyo doorashooyin xor oo xalaal ah, ayaa qof kasta oo la socda xaaladda komishankaasi isweydiin karaa ma yihiin kuwa dalkan gaadhsiin kara doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo ku dhisan dimuqraadiyad iyo nabadgelyo.

Markaad u dhabbo gasho xubnaha komishanka Somaliland u qaabilsan doorashooyinka iyo diiwaangelinta, waxay siyaasiyiin badan oo reer Somaliland durba ogaadeen inaanay la mid ahayn komishankaa hore marka laga eego xagga waayo aragnimada, aqoonta, siyaasadda iyo daacadnimadooda dalkan ay kaga saari lahaayeen horumar la’aanta iyo hoos u dhaca nolosha ijimaaciga ah .

Haddii aan wax yar ka eegno sifooyinka kala duwan ee ragga maanta dalka mustaqbalkiisa loo dhiibay leeyihiin ayaan waxaan soo qaadan karaa qodobadan:

Waa tan koowaade maadaama dadweynaha reer Somaliland u tababarteen sifaha laga doonayo komishan doorasho, waxa markiiba uu arkayaa inaanay komishankani ahayn kuwa xil-gudashadoodu noqon doonto mid aakhirataanka dalka u keeni karta isbeddel siyaasadeed oo ku dhisan nabadgelyo iyo dimuqraadiyad .

Waa tan labaade komishankan ayaa waxa sidiisaba laga arkaa inuu yahay mid uu magacaabay hoggaamiyaha dalku, isla markaana toddobada xubnood ee uu ka koobanyahay shan ka mid ahi yihiin xukuumadda, halka laba ka mid ahna loo arko inay yihiin kuwa xisbiyada mucaaradku keeneen, balse mid ka mid ahi aanu xitaa daacad u ahayn xisbigiisa.

Waa tan saddexaade komishankan ayaa waxay u egyihiin kuwa aan qaarkood dalkaba aqoon u lahayn, xukuumadda Somaliland si ay ku timidna aan waxba kala socon oo debedda laga keenay, sidaa darteedna garanaya uun Daahir Rayale oo debedda uga yeedhay.

Waxa kale oo komishankan Kabaweyne durba lagu bartay sida ay u fashilan yihiin khilaafyada dhexdiisa ah iyadoo la ogaa in raggii aqoonta lahaa ee komishankan hore loogu mgacaabay qaarkood markii ay dhaliileen waajib gudashadooda debedda laga dhigay, oo weliba xadhig loogu daray.

Waa tan afraade waa niman dhaqaale ahaan liitay, shaqo ay ku xoogsadaana debedaha ama dalka ka waayey, sidaa darteedna ay shaqaale u yihiin ciddii shaqadan siisay.

Waa tan afraade komishankan Kabaweyne wuxu durba ku fashilmay hawlaha diiwaangelinta oo tirooyinkii, qaabkii iyo dhaqaalihii lagu fulinayeyba ay siyaalo kala duwan u maamusheen, iyagoo durba Guddida Diiwaangelinta ee uu Ismaaciil Muuse masuulka ka yahay durba hadallo isburinaya ku kala sheegeen tirooyinka diiwangelinta ee gobolada dalka qaarkood, sida Awdal oo kale.

Waa tan shanaade komishankan aan durba laga dareemi karayn dacadnimo iyo dhexdhexaadnimo ay ku kala badbaadin karaan axsaabta mucaaradka iyo xisbiga Dawladda marka la gaadho doorashooyinka soo socda.

Waa tan lixaade komishankan Kabaweyne, waxaa lagu xantaa inuu xidhiidh hoose la leeyahay xukuumadda kaas oo ku salaysan gacalnimo, xisbi-nimno, beelaysi, gobolaysi iyo siyaalo kale, sidaa darteedna aan looga fadhiyin in doorasho kastoo dhacda aanay ka soo bixi karin wax qanciya labada dhinac ee ku loolamaya hoggaanka dalka.

Si kastaba ha ahaatee axsaabta siyaasadda ayey u taallaa aaminka iyo aamin la’aanta ay komishankaasi ku aaminayaan mustaqbalka dalkan maadaama aanu lahayn sifihii looga bartay inay yeeshaan komishanada noocan oo kale ah, sidaa darteedna ay wanaagsanaan lahayd in axsaabta ku loolamaysa siyaasadda dalku komishan dhexdhexaad ah debedda ka soo kireystaan, ama kala yimaaddaan dalalka debedda, haddii kale ay dhici doonto wakhti toddoba qof oo aan taariikh la yaqaan dalkan ku lahayn aasaaskiisii iyo halgankiisii lumiyaan mustaqbalkiisa, nabadgelyadiisa iyo qarannimadiisaba, fawdo siyaasadeedna u horseedaan, iyaguna debedeha iskaga baxaan.

Xigasho /  Haatufnews