Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Ee Xisbiga Kulmiye Mudane Cabdiraxmaaan Cabdillahi Ismaciil (Saylici) oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay London

Soo Dhawow Saylici

Soo Dhawaynta Mudane Saylici

Waxa habeenkan caawa ah (12/01/09) kasoo degay dhabaha diyaaradaha Caalamiga ah ee London Heathrow, musharaxa madaxweyne xigeenka xusbiga KULMIYE, mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil – Saylici. Loomana kala hadhin soo dhaweyntiisa.

Mudane Saylici waxa si diirran ugu soo dhaweeyay dhabaha diyaaradaha, taageerayaasha isbadal doonka ah ee xusbiga KULMIYE UK, madax ka tirsan xusbigan iyo dadweyne fara badan. Quraba jooga Salal iyo Awdal iyo somaliland Uk uma kala hadhin soo dhaweynta Mudane Saylici.

Dadyoowga sida diirran u qaabilay Mudane Saylici ayaa waxay kala ahaayeen: Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar -Xoghayaha Arrimaha dibada ee xusbiga KULMIYE; Mudane Ibraahim Xuseen – Guddoomiyaha Xusbiga KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Daahir Cabdi Bacaw- Guddoomiye Xigeenka Xusbiga KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Cali Mahde – Guddoomiyaha KULMIYE (West London); Mudane Maxamad Casayr- Guddoomiyaha KULMIYE (South East London); Axmad Caddare – Xubin KULMIYE UK.

Soo Dhawow Saylici

Soo Dhawaynta Mudane Saylici

Iyo xubno kale oo tiradoodu kor u dhaaftay soddomeeye qofood. Iyo dadyoow kale oo aad u tiro badan oo ilaa iyo imika ku soo qulqulay guriga lagu soo dhaweeyay Mudane Saylici ee ku yaalla xaafadda Neesden ee galbeedka magaalada London.

Xubnaha KULMIYE ee Awdal/Salal UK ee sida habsamida leh u qaabilay una soo qaban-qaabiyay soo dhaweynta mudane Saylici, waxa hormood ka ahaa mudane Cali Xaamud Jibriil, waxa kale oo ku jiray salaadiin cuqaal, dhalinyaro iyo waxgarad kasoo jeeda Awdal/Salal. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Xaaji Maxamad Siciid; Suldaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmi; Ibraahim Daahir Cilmi; C/Jibbaar Maxamad Rabiile Good, Cabdi Cumar Barre (oo ka socda Xariirad/Salal); Axmed-Wali Goth ; HiilDanYare (Boon/Salal); Daahir Ojor Daahir; Liibaan Jaamac Rabiile Good. Iyo xubno kale oo tiro badan oo magacdooda an halkan lagu soo wada koobi karin.

Soo Dhawow Saylici

Soo Dhawaynta Mudane Saylici

Mudane Saylci muddo gaaban ayuu joogi doonaa London UK , isagoo ka qayb qaadan doona shirweyne ballaadhan oo laamaha xisbiga KULMIYE iskugu iman doonaan London UK. Iyo kulamo kale oo la xidhiidha baaraarujin iyo wacyi galin ku wajahan Isbadal doonka Somaliland.

Wararkayga danbe ayaanu idinkula soo socodsiin doonnaa, dhaq-dhaqaaqyada iyo soo dhawynta Mudane Saylici.

Source/HiilDanYare