Waraysi Aad U Xiisa Badan Oo Shabakada Wararka Ee Somaliland Press La Yeelatay Xildhibaan Maxamed Xaji Yusuf Axmed (Waabeeye)

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye)

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye)

“Ka qayb-qaadashada Diiwaangelinta Awgeed, Waxaanu Fasaxnay Golahayagii”

Hargeysa (Somalilandpress)- Waxaanu jecelahay in aanu Halkan idiinku soo gudbino waraysi gaar ah oo uu Cabdiqani Xuseen Baynax oo ka tirsan Tifaftirayaasha Shabakada Somalilandpress la yeeshay Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye), waraysigaas oo aad u xiiso badan, isla-markaana dhinacyo badan taabanaya waxa uu Xildhibaanku kaga waramay doorkii ay diiwaan-gelinta ka qaateen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, waxa kale oo aanu wax kaga waydiinay wadciga siyaasiga ah ee wakhtigan, arrimaha doorashooyinka inagu soo fool leh, yooyootanka ka dhex-bilaabmay xisbiyada iyo arrimo kale. Waraysigaas oo dheeraa waxa uu u dhacay sidan: –
S: Xildhibaan waxaad ka tirsan tahay Golaha Wakiilada Somaliland, Diiwaan-gelin ayaana wadanka dhawaan lixda gobol ka dhacday wallow mudadii dheeraadka ahayd ee 15ka cisho ahayd aanay dhamaan sidee hawshaa looga faraxashay bay kula tahay?
J:
Waad mahadsantay marka hore, sidaad adiguba sheegtay waxay diiwaan-gelintu ka bilaabantay October, waxaanaan filayaa inay si wanaagsan uga dhamaatay, inkasta oo ay hakad gelisay hawshii Argagixisa ee ka dhacday Hargeysa. Hadana inkasta oo sida aad sheegtay aanay wali gabo-gaboobin si fiican ayay wadanka uga qabsoontay oo nabadgelyo ah.
S: Door nooceeya ayaad ka qaadateen haddii aad tihiin Xildhibaanada Golaha Wakiillada, mudadii ay diiwaan-gelintu socotay?
J:
Waxa aanu hawshaa uga qayb-qaadanay si aad iyo aad u heersaraysa, hadii naloo eego dadka Qaranka u shaqeeya, waxaan filayaa inay xildhibaanadu ahaayeen kuwa ugu shaqada badnaa dhamaan Masuuliyiinta Qaranka, marka laga reebo Komishanka u xilsaarnaa hawshaas. Waxaanay dhamaan 82ka Xildhibaanba intii joogtay ay tageen goboladii laga soo doortay, iyaga oo hawshaa wax ka maamulayay, kormeerayay, dadkana ku wacyi-gelinaayay inay is-diiwaan-geliyaan. Iyada oo ay waliba jiraan Xildhibaano ku dhaawacmay hawsha diiwaan-gelinta iyaga oo ku jira xil-gudashadoodii ku saabsanayd Diiwaan-gelinta, dhinaca kalena shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ah Gudoomiyaha iyo 2-da Gudoomiye ku-xigeen ayaa sidaad la socoteen kormeerayay Gobolada iyo degmooyinka dalka, iyaga xaaladaha goboladaas u kuurgalaayay, iyaga oo huwan magaca shirgudoonka Golaha Wakiilada. Waxaanu ahayn Xildhibaano ahaan kuwo si mug leh uga qayb-qaatay, waxaana taas kuu cadaynaysa inaanu GOlahayaga u fasaxnay intii ay diiwaan-gelintu socotay.
S: Laakiin Xildhibaan dadka siyaasada u dhuundaloolaa waxay ku macneeyeen inay hawshiinu u badnayn Kaambayn Xisbi, oo nin waliba xisbigii laga soo doortay uu sitay magaciisa oo la socday Gudoomiyihiisa miyaanay taasi jirin?
J:
waa su’aal wanaagsan, runtii hawshu waxay ku magacawnayd Qaadashada Kaadhadhka Muwaadinimada iyo ka codbixinta oo la siinayay cidii sharcigu u ogol yahay. Laakiin, dabcan axsaabtu kamay madhnayn kaambaynkooda siyaasiga ah iyo wacyi-gelinta dadweynaha ee arrimaha diiwaangelinta, sidaas bay iyagu iyaga oo metelaya magaca xisbiyada ayay siyaasiyiinta Xisbiyadu u marayeen dhamaan gobolada ay marba diiwaan-gelintu ka socoto. Laakiin, xildhibaanadu waxay dadkoodii soo doortay ku wacyi-gelinayeen inay kaadhka qaataan. Iyada oo fariinta guud ahayd inuu muwaadin kastaa qaato kaadhadhka uu xaqa u leeyahay, lamase dafiri karo inay jireen faqaq hoose oo odhanaya hadhawto waa inaad codka siisaan Xisbi hebel.
S: Xildhibaan waxa jirta in maalmahan dambe ay Saxaafada iska weerarayeen Axsaabta Qaranku, siiba Xisbul-Xaakimka UDUB iyo KULMIYE, taasoo dadweynaha dib u xusuusinaysa wakhtigii Kaambaynkii Doorashada ee kan ka horeeyay, markaa ma la odhan karaa Axsabtu si toos ah ayay u guda-galeen Kaambaynkoodii Doorashada Madaxtooyada?
J:
haa, dabcan kaambaynku wuu socdaa oo waxa ina haysa Ufadii Doorashada, maadaama ay ku taariikhaysan tahay March oo ay aad u soo dhawaatay, markaa hawlo badan oo Kaambayn ayaa socda, sida aad ogtahayna Xisbiga Kulmiye hore ayuu u qabsaday Koongarayskiisii iyo shirkii Golaha Dhexeba. Laakiin, Xisbiga Udub weli muu qabsan shirweynahoodii. Markaa hawshaas ayuu xisbigaasi ku mashquulsan yahay, laakiin Xisbiga Kulmiye isagu marxaladaas wuu soo dhaafayn oo beryahan Safarada dibada iyo sidii uu ugu diyaar-garoobi lahaa Doorashada ayuu ka shaqaynaayay. Waana noo guul inaanu ka horayno XIsbiga UDUB xaga hawlihii sharci ee looga baahnaa XIsbinimo oo noo qabsoomay awgeed iyo taageerada dadka reer Somaliland oo aad iyo aad ugu soo korodhay xisbiga Kulmiye.
S: Laakiin, xildhibaan marka laga yimaado shirweynaha uu xisbiga lagaa soo doortay qabsaday, waxa jiray muran xoog leh oo soo dhex-galay wakhtigii shirkii Golaha Dhexe ee Burco taasoo laysku dayay in la xalilo, balse lagu guul-daraystay iyada oo Xubno uu ka mid yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise uu ka baxay XIsbiga kuwo kale sida Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Muj. Dhego-waynena la sheegay inay weli cadho ku maqan yihiin arrimahaas side xisbiga Kulmiye ugu maaro helayaa?
J:
Marka uu Xisbi galayo shirarka noocan ah ee waliba loo eego wadankeena way ka soo baxaan arrimo noocan oo kale ah ama khilaaf. Hadaba, waxaanu galay dawayntii dhaliilahaas ka soo baxay shirka (Damage Cantrol) markaa hawsha inteedii badnayd waanu ku guulaysanay in kale oo naga qabyo ahina way jirtaa sida ragaas Kulmiye ee Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Dhego-weyne oo kale. Laakiin, Axmed Xuseen Ciise waad arkaysay inuu Xisbigii ka baxay taana xaq buu u leeyahay. Ragaa kale laakiin weli wada-hadal ayaa noo hadhsan
S: Gudoomiyaha XIsbiga Kulmiye Socdaal ayuu ku tagay Kenya, oo uu maanta ka soo laabtay, isaga oo mudadii uu halkaas joogay kulamo la yeeshay saraakiil sar sare, waxaana maanta loo soo dhaweeyay si ka duwan wakhtiyadii hore ee uu safarada ka soo laaban jiray, siday kuula dhadhamaysaa arrintaasi?
J:
waxay iila dhadhamaysaa arrintaasi oo ay ku tusaysaa rabitaanka shacbigani uu u hayo xisbiga Kulmiye iyo hogaankiisa, waxay kaloo ku tusaysaa sida ay dadku uga biyo-diideen xisbiga talada haya hogaamintiisa oo ay dareemeen inaan xisbigani talada wadankan sii wadi Karin, taasi oo si cad looga dareemo wakhtigan xaadirka ah dhamaan gobolada wadankan Somaliland, waxay kaloo I tusaysaa inay dadkani u baahan yihiin isbedel siyaasi ah oo dhab ah, kaasna uu keeni karo xisbiga Kulmiye.
S: Madaxweyne Rayaale waxa uu magacaabay Gudi uu u xilsaaray agaasinka iyo isku-duba-ridka shirweynaha UDUB, waxaana jiro dareen cadho leh oo ay arrintaas ka muujiyeen musharaxiinta la tartamaya Madaxweynaha ee XIldhibaan Sandoon iyo Cabdilaahi Darawal oo ka biyo-diiday hanaanka gudidaas dil-dilaac intee le’eg ayay xisbigaas arrintani ku ridi kartaa baad isleedahay?
J:
Waa laba arrimood, midi waa ta magacaabista xilligan iyo gudida qaban-qaabada, midna wa qaabka uu u xulay. Magacaabida xiligani waa habsan, hadayse ka soo baxday dee waaba ladan yahay, markii hore waxaaba lays lahaa malaha waxba qaban maayaan. Ta kale waa qaabka uu u xulay. Horta waxa uu ku badiyay Wasiiro, taasna waxaan u arkaa inay ka fiicnayd inuu magacaabo xubno ka tirsan Xisbiga UDUB oo aan ku jirin Xukuumada. Waayo Hawshii Qaranka ee ay Wasiiradani hayeen, waxa ay kaga mashquulayaan hawl qaban-qaabo Xisbi oo loo helaayo qof aan xil-qaran hayn. Ta labaad waxa Gudoomiye u ah Madaxweyne ku xigeenkii oo la filayo inuu musharax yahay. halkaana waxa ka muuqata maadaama gudidani ay noqonayso kuwii musharaxiinta kala reebaysay in Gudoomiye looga dhigo nin musharaxiinta ka mid ah. taasna waxaan u arkaa in lagaga wacnaa Madaxweyne ku-xigeenka inuu gudidaa Gudoomiye u noqdo.
S: Xildhibaan Xisbi Kulmiye ahaan waxaad isku qanciseen in Hogaanka iyo talada Madaxweyne Rayaale wakhtigan dadweynuhu ka qancay oo loo baahan yahay isbedel, Hadii isbedel kiina ka duwan uu yimaado xaga hogaanka UDUB oo ay Musharaxiin cusub doortaan miyaanay halis idin ku ahayn maxaase idiinka meel yaala?
J:
Xisbiga Kulmiye waxa uu indhaha ku haynayaa, cida uu soo saaro Xisbiga UDUB, hadii ay soo noqdaan Musharaxiinta hada ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku, waxay yeelan doonaan qaab aanu ula kaambayn garayno oo iyaga ku wajahan iyo xisbigooda oo la taabanayo waxqabadkoodii iyo balanqaadyadoodii ay umadan u sheegeen, hadiise ay timaado cid cusubina, waxaanu iyagana nooga qorshaysan qaab kaambayn oo ku wajahan cidii xisbigaa ka timaada ee cusub. Haday cid cusub keenaan iyo haday kuwii hore keenaan waxaanu kula ciyaari doonaa qaab-ciyaareed kala duwan.
S: Xisbiga kulmiye kaambaynkii hore ee laga helay waxa uu ku kaambayn-garayn jiray Gobolo cusub ayaanu idiin magacaabaynaa marka aanu talada gacanta ku dhigno, haatana Madaxweyne Rayaale ayaa magacaabay Goboladii, maxaa taa ka duwan oo aad wakhtigan ku tartamaysaan?
J:
Horta, gobolo waa la magacaabi karaa. Laakiin, waxa loo baahan yahay wax horumar ah oo la taaban karo, anagu waxaanu kor-u-qaadi doonaa adeegyada bulshada, sida waxbarashada iyo caafimaadka, anaga oo baadi-dooni doona waxbarasho bilaasha ah (Free Education) inuu wadankani helo, waxaanuna kor-u-qaadi doonaa dakhliga wadanka, iyada oo aanu kobcin doono miisaaniyada wadanka, si shaqaaluhu uu u helo mushahar ku filan. Lana abuuro shaqooyin dhalinyarada waxbaratay ay helaan. Iyada oo ay noo qorshaysan tahay in aanu gobolada u qoondayno miisaaniyad gaar ah oo lagu hor-marinayo gobol walba ama mashaariicda horumarineed. Iyada oo mashaariic horumarineed aanay wali soo galin miisaaniyada xukuumada Madaxweyne Rayaale.
S: Xildhibaan sida Cadaada Afrikaanka ah marka ay doonayaan kursi balanqaadyadu way badan yihiin, hase yeeshee, marka ay madaxda Qaaradina hantaan kursiga ma jiro waxqabad ay la yimadaan, Hase yeeshee Obama oo ah Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka, dhalasho ahaan Qaaradan ka soo jeeda balanqaadyadii kaambaynkiisa wuu fuliyay, ka dib markuu iridaha u laabay Xabsiga Gu’antanamo, idinka qorshaha ma idiinku jirtaa inaad xaga wanaaga siyaasadeed kaga dayataan Madaxweynahaas cusub?
J:
Horta, guud ahaan wixii wacan lagu daydaa meeshay ku jirtaa, laakiin dadku bal ha calaamadsadaan maanta wadanku halkuu taagan yahay. Waxaanu leenahayna ha qortaan, hadhawto dabadeedtana ha nagula xisaabtamaan, shacbigana waxa looga baahan yahay inay u fiirsadaan balanqaadka ay madaxdu samaynayso. Iminka xisbiga UDUb wuxuu balan-qaaday inuu wershada Sibidhka samayn doono, lama hayo, inuu lacagtii Burco bedeli doono, lama hayo, in maxjarkii uu ku dhamaan doono bilihii aynu soo dhaafnay lama hayo, in Derajadii ciidamada la bixin doono, lama hayo. Markaas shacbigu waa inay calaamadsadaan balan-qaadka hogaamadooda. Markaa anaga balanqaadkayaga ha calaamadsadaan hadii ay fuli waydo hadhaw ha nagula xisaabtamaan. Kii horena wixii fuli waayay ha kala xisaabtamaan si ay ugu cadaato ka balantii fuliyay iyo ka kale. Waxaanan ku kala duwanahay xisbiga talada haya iyaga waa inay dadweynuhu wixii hore kala xisaabtamaan ee balamo ahaa, anagase waa inay naga dhul-sugaan ilayn weli waxba nalooma dhiibine.

Source / Shabakada Somaliland Press