Waxaa shalay oo Axad ah bisha January-na tahay 18 xaflad soo dhowayn ah Hotel-ka Hilton ee ku yaal downton Minneapolis loogu sameeyey Guddoomiya ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose).

Mineappolis: Xaflad Lagu Soo Dhaweeyay Dr Gaboose, Gudoomiyaha Ururka Qaran

Xafladii Soo dhowaynta Dr. Gaboose ee Minnesota

Xafladii Soo dhowaynta Dr. Gaboose ee Minnesota

Waxaa shalay oo Axad ah bisha January-na tahay 18 xaflad soo dhowayn ah Hotel-ka Hilton ee ku yaal downton Minneapolis loogu sameeyey Guddoomiya ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose). Xafladaas oo ay aad usoo agaasimeen taageerayasha xisbiga KULMIYE iyo kuwa ururka Qaran oo isku duuban waxa kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee Minnesota. Dadwaynahaas oo isugu jiray qaybaha bulshadu ka koobantahay waxa wejiyadooda ka muuqatay galgacaltooyo iyo farxad ay u hayaan soo dhowaynta Dr. Gaboose. Markii uu Dr. Gaboose soo galay hoolkii shirka waxa boqolaalkii dadka ahaa ee halkaas isugu yimi mar qudha la oogsadeen sacab aan kala go’ lahayn iyo mashxarad, ka dibna wuxu Dr. Gaboose si xushmadi ku jirto dad waynihii uga dalbaday inay fadhiistaan.

Waxa shirka lagu furay ayaado quraana iyo waano uu soo jeediyey Sh. Sacad Muuse kadibna waxa intii aan mikrifoonka lagu wareejin Dr. gaboose halkaas hadalo isugu jira taariikhda Gaboose iyo soo dhowaynba kasoo jeediyey oday Xasan Giir iyo Dr. Maxamuud (Abaayo). Intaas kadib waxa hadalka qaatay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Minnesota Jaamac Hiirad Yuusuf oo isguna Dr. Gaboose ku soo dhoweeyey mikrifoonka.

Dr Gaboose wuxu halkaas ka jeediyey khudbad aad u dheer nuxurkeeduna ahaa in Somaliland u baahan tahay hogaan bedela kan dalka iminka ragaadiyey.

Ugu horayn Dr. Gaaboose wuxu uga mahadnaqay jaaaliyadda Somalilnad sidii diiranayd ee ay usoo dhoweeyey. ” Soo dhowaynta iyo qiimaha aad i siiseen ee aad igu soo dhowayseen waad mid intaan noolahay aan xasuustayda ka go’ayn aad iyo aad baan ugu mahsantihiin sida gobonimada leh ee aad ii soo dhowayseen”.

Mahadnaqaas ka dib waxa Dr Gaboose ka warmay halgankii loo soo maray xorriyadda Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee loo soo maray hanaanka dawladeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxu ku nuuxnuuxsaday inaan bilaash iyo hadyad la isu siin xorriyada Somaliland balse ay ka dhalatay dhiig iyo halgan adag sidaa daraadeed waa inaan la khasaarin tacabkii ummadda laguna fara adaygo qaranimada Somaliland.

Mar uu ka hadlayey dhibaatooyinka dadka reer Somaliland ku sugnaayeen tan iyo 1960-kii wuxu yidhi “Dadkeena iyo dalkeenu muddo dheer ayey dhibaatooyin aan kala go’ lahayn ku soo jireen, waxay u baahanyihiin inay nabsi helaan oo ay maruun helaan dawlad aan ka shaqaysan ee u shaqysa, waxay ubaahan yihiin dawlad aan cabudhin oo caddaalad ku xukunta”

Dr. Gaboose maruu ka hadlyey dawladda maanta jirta iyo siday dadkeeda ula dhaqanto wuxu yidhi: ” Dawladda maanta jirta shacabkii waa ku qaday, waa dawlad shaqadeedu tahay shilimo ururso, sharcigii iyo dastuurkii umaddu alahayd ayey geesmartay oo waxay dalka ku xukuntaa digrooto madaxweyne, hay’addii sharci dejinta ee ummadu soo doratay ayey curyaamisay oo shaqadii ay lahaayeen ku tumatay,.Garsoorkii iyo golaha Guurtida ayaa waxay noqdeen kuwo ku shaqeeya rabitaanka madaxweynaha”
Gudoomiyuhu mar uu ka hadlayey sababihii ku kalifay asaaskii ururka Qaran ee uu madaxda ka yahay wuxu yidhi: Dastuurkeenu waa laba qaybood, qaybi waa lama taabtaan oo waxba laga ma bedeli karo qaybna waxa bedeli karta hay’adda sharci dejinta.

Qaybta aan la bedeli karini waa xuquuqda qoka Somalilander-ka ah dastuurku siiyey. Xaquudaas dastuuriga ah ee aan la taaban karin waxa kamida in qofka muwaadinka ah ee Somalilander-ka ahi xaq u leeyahay inuu wax doorto lana dooran karo, wax ka mida inaa qofka muwaadinka ah la xidhi karin xoriyaddiisana laga qaadi karin iyadaan wax dembi ah lagu hayn. Xuquuqdaasi waa lama taabtaan cid bedeli kartaana ma jito. Anagoo xaquuqdaas dastuurku na siiyey ka faa’iidaysanayna ayaanu samaynay ururkan Qaran. Ka hor intii aanan ku dhawaaqin ururka waxanu waraaqo u qornay, golaha wakiilada, garsoorka, iyo wasiirka arimaha gudaha waxanu wadiinay haddii ay hayaan sharci noo diidi kara inaanu samyno urur siyaasiya. Ilaa hadda jawaab baanu sugaynaa marka laga reebo golaha wakiilada oo yidhi ma hayno sharci idiin diidi kara. Xeerka 14aad ayaa wuxu qorayaa mar kasta oo doorashada dawladaha hoose la gelayo waxa ku tartami kara xisbiyada qaranka iyo ururada waxana doorasha madaxtooyada iyo golaha sharci dejinta u tartami kara saddexda ugu cododka bata. Xeer iyo xaquuqda dastuurka nasiiyey ayaanu ku taaganahay oo aanu xadhig ku mutaysanay iyadaan dembi nala ku hayn. Idinku dadwaynow dastuurka akhriya haddii intaasba aad ka heshaan inta noo doodaysa ayaad ka mid tihii idinkaana looyaro noo ah.”

Mar uu ka hadlaayey sababaha ay xisbiga KULMIYE ula midoobeen Dr. Gaboose wuxu yidhi: ” Ilaa maalintii xaquuqdayada la duudsiyey xisbiga KULMIYE dhawaaq dheer buu ku muujiyey in xuquudii aanu lahayn lagu tuntay meelna lagaga dhacay, maantana waxay go’aan ku gaadheen inay furi doonaan axsaabta soona celin doonaan xuquuqdii muwaadinka ee lagu tuntay marka ay talada dalka qabtaan, anaguna haddaanu qaran nahay ururka Qaran waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu taagero hiil iyo hooba leh isla garab taagno Xisbiga KULMIYE sidii uu talada dalka ugu guluusan lahaa. Odayga (Axmed Siilanyo) musharaxa u ah Xisbiga KULMIYE muddo dheer baan aqoon u lahaa, waa oday lexjeclo wayn u haya dalkan iyo dadkiisa, waa oday aan wixiina cunayn oo hore loo tijaabiyey, waa oday aan xuquuqdiina duudsiyeyn, waa oday hogaamin wanaagsan xushana ciddii uu wax qabad iyo aqoon ku tuhmaayo, waa oday xillii kulul oo in la idin tirtiro la damcay idiin hiiliyey oo idiin hogaamiyey halgankii aad gobanimadiina dib ugu hantideen. Waxa xaqiiqdu tahay in rajada reer Somaliland maanta ku xidhantahay inay hogaankan la eeday is dhaafiyaan oo ay doortaan Axmed Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE. Waxay idiinka baahanyihiin hiil, hiilka ay idiinka baahan yihiina waa inaad jeebka gacanta gelisaan iyo inaad dalkii u tirtaan dad ilaaliya codka ummadda. Dawladdii maanta jirtaa dhaqaalihii dalka iyadaa maamulata cid ay wax uga ogoshayhayna ma jirto, warbaahintii iyadaa maamusha oo danaheeda ku fushata kuna aflagaadaysa cidii aan iyaga mdidiidin u ahayntii, saxaafaddii xorta ahaydna way cabudhisay sidaa darteed halgan adag baa idin horyaala waxa layskaga celin karaana waa tabarucii uu KULMIYE ku dhisnaa oo aad xiligan laban laabtaan loona midoobo sidii laysaga dhicin lahaa nimankan ku mamay urursiga hantidii ummada”.

Khudbadii Gaboose oo aad u dheerayd wuxu ku soo afjaray dardaaran u u jeediyey qurba jooga isagoo kula dardaarmay inay midoobaan oo ka shaqeeyaan danta ka dhexaysa, inay tarbiyadeeyaan ubadkooda dalkan ay degan yihiina ka faa’iidaystaa umada ay u soo haajireena ay si fiican ula noolaadaan”

Ka dib waxa Dr. Gaboose la waydiiyey dhowr su’aalood.

Su’aal uu waydiiyey muwaadin reer Buuhoodle ah ayaa waxay ahayd sababta oo xidhay C/rashiid Ducaale Qambi oo ilaa hadda xabsiga ku jiray?

Dr. Gaboose wuxu ku jawaabay sababta loo xidhay waxy tahay wuxu ka tirsanaa dawladda ina Riyaale waa nin ay ku ogyihiin firfircooni iyo daacadnimo, markaa waxay is yidhaahdeen kani waa kii is kiin kaba raacin lahaa ee iska qabta dembi lagu haystaa ma jiro waa boogahayga iyo waxa daamankayga gala ha sheegina sida xaqa ummadda kale loo duudsiyey ayaa tiisana loo duusiyey waa ta anaga iyo KULMIYE-ba aanu doonayno inaanu soo celino.

Suaal kale oo la wadiiyey ayaa ahayd Daahir Riyaale wuxu ku takhakhusay nabad sugid iyo basaasid maalin kastana waxanu maqlaa waxbaa la qarxiyey iyo waxbaa la dilay maxay amniga u sugi waayeen oo ay ku mashaalsanyihiin?

Gaboose intuu qoslay ayuu wuxu si kooban u yidhi waxay ku mashquulsanyihiin sidii ay uga shaqaysan lahaayeen iyo KULMIYE.

Abdillahi Bullaale

Miniappolis