Daljire: Maxaabiis Dagaal, By A.Geeljire

https://i0.wp.com/www.geocities.com/mgabiley/a_geeljire.jpg?w=620

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha.  Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Doolaal:Waxaasaa xisbiya dee haddaba oo waxaasaa shir ah. Markiiba dhag iyo dhag baanu ka siinay. Wax diidan maleh wax murmaya ma leh. Eesh calaa.
Dubbe:Maxaa dhag iyo dhag ah ee aad sheegaysaa? Hadda UDUBtiiba halkanay iminka wada yaaban yihiin oo leeyihiin “waar horta maxaynu u codaynay?” waxaan xusuustay mid intuu maqaaxi soo fadhiistay yidhi. “waar koob shaaha oo aan sonkor lahayn isii.” Oo uu kii maqaaxidu intuu si yaaban u eegay yidhi. “oo markaa maxaan kaa iibiyay?” iminkay wax laga iibiyay garan waayeen.
Waar anigu xisbi shiraya ma arag ee Maxaabiis dagaal dad aad moodo oo meel lagu soo ururiyay ayaan arkayay oo iyagoo murugaysan haddana sacabka tumayay. Maxbuuska u weynina wuxuu ahaa Axmed Cabdi Xaabsade. Waaryee. Waar ninku sacab ballaadhanaa. Waa dhammays. Wuxuu ku wareeray gacantii badnayd ee kolba waxaan la garanayn loo taagayay oo mid ka dambeeya ayuu kolba weydiiyaa. “oo hadderna gacanta ma taagaynaa aynu?” Markaasuu ka kalena yidhaahdaa. “Haa.” Markaasu haddana weydiiyaa. “Oo markii hore maxaynu u taagnay heedhe waa i dhaaftay ay eh?” markaasuu yidhi. “ Ina Rayaale ayaynu doorannay.” Markaasu weydiiyay haddana.  “ Belo ku degtay. Oo haddeerna kumaynu dooranaynaa aynu?” Markaasu ku yidhi. “Haddeer nin Habar Yoonis ah oo la yiri baasaboor iyo waxoogaa laacaguu sitaa baynu dooranaynaa.” Markaasuu yidhi. “adeer yeelkiisee wuxuu rabo ha sito e, Habar yoonis uun ma yahay uu? Waa u taagaynaa gacanta awal hore waa taagahaynay inaka oon garanayn waxaynu u taageyno eh. Waar ba’a! ‘aar haddaan gartay ninka. Waa kuu Siciid Sulub lahaa qasab baan kaga dhigahayaa Ina Rayaale oo walluusan u diidi Karine. Waar u taag ninka bi’i waaye.  Aniga gacantu waabay i xanuunaysay awal horeba haddeerna waa iga sii dartay ay sidaan u taagahayay. Adeer intee gacan taag oo kale ayaa innoo harray?”
Doolaal:Bal waxaad ku hadlayso eeg. halkeed waxaa ka maqlaysay adigu ma shirkaad joogtay mise awliyo ayaad ahayd oo rooxaan baa kuu soo sheegtay?
Dubbe: Hortaa shirkaa maxaabiista dagaalka waxaan ka helay khudbaddii uu jeediyay Jaamac Yaasin, Xoghaya cusub ee la doortay.
Doolaal:Waar ma isagaa hadlayba. Halkaad ka maqashay iyanan?
Dubbe: Waar Faransiis buu ku khudbadeeyay anigana Ilaahay waa i baray bahalka Faransiiska. Wuxuu yidhi.  “ Madammes et monsieurs:  Je me nomme Djama Yasin (Jamac-jug-soo-dhacay)Merci d’avoir voter pour moi malgre’ le fait que vous ne me connaissez pas.  Comme I’ Excellence, le Presidant a mentionne’, je suis citoyen de Djibouti and demeure pre’sentement en France. J ai un passport, qui me qualifie votre Secretaire General.
Doolaal:waar illayn been baa mersii leh. Horta mersii daasi faransiis bay u yar egtahay.  Bal macnee wuxuu yidhi haddaad faransiiska taqaan.
Dubbe:wuxuu yidhi. Mudanayaal iyo marwooyin magacaygu waa Jaamac Yaasiin oo ku magac dheer (Jamac-jug-soo-dhacay). Waxaan idiinku mahadnaqayaa sida aydin iigu codayseen idinkoo aan i garanayn horena aan ii arag. Sida madaxweynuhu sheegay waxaan ahay nin reer Djibouti ah oo deggen France. Baasaboorna waan haystaa oo waa runtii. Arrintaas oo sida muuqata ii suura gelisay inaan noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB.
Doolaal:Waar Ilaahaaga ka yaab oo waxaanu dadku odhan ha ka samynin. Ma isagaa shirkaba ka hadlayba.
Dubbe:Waar waxba garan mayside horta aan kuu warramee Jaamac Yaasin, yeelkadiisa oo cirka ha ka soo dhaco oo Jug ha soo yidhaahdee waa nin wanaagsan. Waa nin oday ah. Inuu hawshiisa ku guulaystana waan u rajaynayaa laakiin talo yar baan siinayaa hadduu iga dhegeysanayo.
Doolaal:Waar adigu lafahaaga u tasho intaad leeday cid baan la talinayaa.
Dubbe:Waar waanu la talninaynaa dhegeyso. Mise adigaan kuu sheegaa waxa uu meeshaa kala kulmi doono?
Doolaal:Maxaad ii sheegaysaa ee uu kala kulmayaa hawshiisuu qabsanayaa?
Doolaal:Aan kuu sheegee haddaba waxa la yidhi ninkan Jaamac waa nin neceb keli talisnimada oo Djibouti marar badan baa lagu xidhay. Adna xisbigan iyo xukuumaddan uu u soo galay waad garanaysaa. Waxa kale oo la yidhi Jamac markuu xanaaqo wuxuu dadka ku yidhaahdaa kelmadda xayawaan oo uu Faransiis ku yidhaa oo u odhmaysa animaal. Haddaba waxaan kuu sheegayaa inta goor ee uu kelmadaa odhan doono. Wixii hore bikh.  Isagana waxaan leeyahay Jaamacow kelmaddaa waad badsanne hoos u dhig.
Doolaal:Maxaa keenayaba inuu yidhaa? Hadduuse yidhaahdo meesha hawl baa ka socota oo meel hawli ka socotana cadho yar laga waayi mayo.
Dubbe:Haddaba dhegeyso. Iminkaba iimaad sii sheegin ha odhan.  Waxa dhici doona:
Marka ugu horreysa ee uu xafiiska tago ayaa lagu wareejin waraaqo deyn xisbiga lagu leeyahay ku qoran yahay oo ka badan $70,000 oo 7 sanno lagu lahaa. Markaasuu yaabi oo odhan “yaah. Waaba animaal kuwaniye. Maxay iskaga bixin waayeen?”
Markuu salka kursiga dhigo ayay dad ugu soo horrayn inantii shaaha iibinaysay markaasay odhan. “Xoghaye, qaansheegtadan ii eeg, deyn yar baan xisbiga ku lahaa oo illa $474 maraysa oon sugayay 6 sanno. Saaka waxaan sonkor soo siiyo ma hayo. Carrur agoona oo aan haystaana waatay madhaan oonu mid ka hadhin saaka anigoon dab u saarin baan ka ka imi.? Markaasuu odhan. “yaah. Waad cayaaraysaa? Waaba animaal kuwani
Waxoogaa ka dib buu askarigii kadinka taagnaa soo deyn maamulah xarunta dhexe markaasu odhan maamuluhu. “xoghaye agoontii Muraad baa ku sugaysa oo kiradii aan lasiin 36 bilood(sanadda ayuu bilo u beddelayaa si uu u fudaydiyo)lacagna uma hayno. Markaasuu Jaamac odhan. “Yaah? Oo kiraba lama siin baad leedahay? Oo xaggee lacagteedii ku maqantay? “Madaxtooyada. Xoghaye.” “Yaah? “Waaba animaal.”
Maamulihii oo bixis u holladay ayaa xusuusan in laydhkii la jarayo oo Wakaaladdi lacagtii doonayso markaasuu soo noqon. “Xoghaye, waxa aan illaabay qoladii laydhka oo tidhi. “haddan galabta naloo keenin 2billion waanu jaraynaa laydhka.” Markaasuu odhan. “Yaah? Oo kooraankana lama bixin miyaa? Kooraan baa la jaryaa Djibouti baan uga imiye. Yaa xakuma kooraanka?” “Xoghaye Madaxtooyada ayaa laga xakumaa. Waxba Maareeyaha ka ku daalin ee toos odayga ugu sheeg.” “oo haddaa maxaa lacagta loo siin waayay? “lacagtoodu iyana xaggaay ku maqantay?” “Xogahaye, Madaxtooyada ayaa laga sugayay.” “wax walba ma Madaxtooyadaa illaa inantii shaaha karinaysay? Xisbigu membership lacag bixiya oo u gaara ma lihin miyaa? Waaba animaal.”
Madaxtooyaduu iman Jaamac oo markaasay kadinka debedda askartii ku joojin. Darawalkaa odhan. “waar dee waa Xoghayihii xisbiga ee cusbaa. Jamaac Yaasiin weeyaan.” Markaasay odhan. “waar Xoghayena ma ogine adeer dib u qaad gaadhiga. Waamaxay kan sanka naga soo geleyaa? Waar tan anagaa ka xoghaye ahe. Dib uqaad qaadhiga” Markaasuu haddana odhan. “adeer odayguu ballan la leeyahay ee naga fura dee. Waydin side? Sawdinkan na garanaya maaha?” “Madaxweynuhu waa kee? Halkan adeer Madaxweyne ma joogo anagaa ka Madaxweyne iyo wax walba ka ah ee dib u qaad baan ku idhi gaadhiga.” Jaamac baa daaqadda iska dejin. Hadal buu maagi. Darawalkaa odhan. “iska daa anagaa is naqaanee. Islaantii baan geed kaga reebiye. Askartu way baahantahay. Cadceedaasi ku dhinteen cidina wax ma siiso. Iminkana naftoodii baaba halis ku jirta.” “Ma barje ayaynu siin baad leedahay? Albaabka inay furan shaqadoodii maahin? Ma taas bay barje ku doonayaan? Waaba animal kuwani.
Guduhuu soo geli. Shebeggii daaqadda yar ka sokeeyay oo dad ka buuxu wasiirro u badani oo xidhan oo dhinaca shishe uu ka taagan yahay Afweyne ama Muse ama Cige oo intuba askar guud ahaan edeb badan ah ayuu iman. “saaka lama geleyo. ” Ayuu odhan askarigu. Jaamac baa, illayn waa nin reer magaal ahe, qunyar odhan. Adeer naga fur ballan baan leenahaye.” “saaka weli amar ma hayno. Odaygiina ma soo deginba weli. Halkaa yaan nin qudhi soo gelin baa la yidhi. Wasiirna ku dhehoo. Halkaa iskaga suga Axmed yaraa idiin soo bixiye.” “dee adeer waa 11:45 hawlo kalena waa lahaaye. Waa Xoghayahii ka dheh.” “Xoghaye, waa laguu imane halkaa iska fadhiiso.” Jaamacbaa hoosta ka yar odhan. “tolow kuwanna ma barjay doonayaan dee? Waaba animal.
Halkaasaan ka sii wadi qoraalka xiga. Haddii Eebe idmo.

Geeljire