Waa run in Riyale, Ahmed Yaasiin, Cawil iyo hogaanka UDUB ay la jaanqaadi karaan Somalia

OPINION

Riyaale, Madaxweyna ku xigeenka, iyo Cawilba way la jaanqaadi karaan Somalia, waayo sadexda ninba waxay ka soo jeedeen dhanka kale markii aynu ku jirney halknkii ay Somaliland ka dhalatay. Hadaba yay shacabka Somaliland fajac iyo lama arag ku hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Aw Ahmed Yasin in Somalidu aanay kala maarmin kalan goi karin. 

Waxaa dhowaan inan uu dhalay Marxuum Cigaal “Ahmed M I Cigaal” ku qoray Awdal News in Ahmed Siilaanyo u tegey Kenya si uu ula xaajoodo horjoogayaasha koonfurta (halkan ka akhriso maqaalkiisa). Waqtigan Ahmed Siilanyo marayey Kenya, waxa Djabuti gala baxayey wefdi uu hogaaminayey wasiirka maaliyada, Cawil oo tiraba laba jeer tegey iyadoo mar kamida uu welheliyey Madaxweynaha Somaliland, Riyale.  Riyale iyo Cawilba way ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka baxiyaan, mar wax laga weydiiyey sababta ay u tageen Djibouti. Waxaase isla waqtigaa Djabuti lagu mustafaynayey dawladii 16aad ee Somalia.

Ahmed Cigaal wuxu sheegay in Ahmed Siilaanyo iyo Shariifku ay ku shireen Kenya kuna balansanyihiin Xamar awaailka bisha April oo ku beegan waqtiga ay doorashada Somaliland dhacayso. Waxase laga fahmi karaa maqaalka Ahmed Cigal in “Sir maqabe alla u sahanahe” Riyale ka degayo, xamar bisha April. Arintuana ay tahay “Aburku (masku) intaanu candhuufta kugu tufin ayaa lagu tufaa”.

Soomalidaa tidhaahda “Uur ku jir hooyadii ku gowracane” laba casho intaan maqaalkaa Ahmed Cigaal laga joogin ayaa madaxweyne ku xigeenku cadeeyey isagoo ku hadlaya magaca dawlada iyo kan UDUB in Somalia aanay kala goi karaynin, dawlada koonfurta ka dhalatayna aynu isla jaan qaadi karno. (halkan ka akhri qormo arrintaa ku saabsan). Dawladan uu Aw Ahmed leeyahay waynu la jaanqaadi karaynaa waxa hormood ka ah Maslax, Morgan iyo ragii lahaa Xasan Alturki iyo abu abu…ee madaxa duubnaa. Ragii caruurta bambaanada ku soo xidhayey ee madaxtooyada gubey bishii oktober ee kal hore.

Wuxu kaloo Aw Ahmed Yasin cadeeyey, in shantii hore ay UDUB ku mashquulsanayd is difaac oo anay waxba ka qaban karayn wadanka oo macneheedu yahay Somalia ayaa la inla sugayey;(halkan ka akhriso hadaladii madaxweyna ku xigeenka).. Hadalkan Madaxweyna ku xigeenku uu shaaciyey waa hadal isaga ka fog oo ka qoto dheer. Waxa hadalkan ka dambeeya oo mudana ka shaqaynayey Isamacil Cumar Gelle, Riyale, iyo Cawil. Madaxweyna ku xigeenka waa loo soo dhiibay, oo waa laga dhex hadlay.

Shacabka Somaliland wuu ka dheregsanyahay in Ismaaciil Cumar Geele uu had iyo jeer u heelan yahay dhexdhexaadinta Riyale iyo Somaliweyn in dhowaalena uu ka shaqaynayey sida ay Somaliland ula jaan qaadi lahayd xukuumada Sheekh Shariif, sidii dawladihii Somalia ee horeba. Waxad iyana ku darsataa oo isku beegmay in baasaborkii Somalialnd loo diidey fiisihii, hadalkaa oo uu cadeeyey gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID, ahaana wasiirkii hore ee Didaaca Adan Waqaf. Waxaa Waqaf xafiisaka socdaalka Djibouti ku yidhi, ma fiisayno baasaboorkiina oo amar cusub ayaa ka soo baxay (halkan ka akhriso). Akhristow maxaa hadalka madaxweyna ku xigeenka, maqaalka Ahmed Cigaal iyo fiisaha awelba lagu dhufan jirey baasaborkeena kulmiyey?

Waxaa in badan Riyaale lagu tuhmi jirey inaanu ka daacad ahayn gooni isu taaga ama qadiyada Somaliland. Waxaa tuhunkii koowaad bilaabmay markii la doortay in uu markiiba Djabuti isu daruuriyey iyadoo aan 20 casho laga joogin geeridii marxuumkii Cigaal. Aritaa oo Somaliland amankaag ku noqotay waxa xigtey in sanadkii 2004kii laga qaaday xilkii safiirkii Somaliland ufadhiyey Ethiopia, kadib markuu ku war helay Cawil oo si aan diplomasiyada waafaqsanay u yimi Addis Abba isagoo aan soo wargelin Safiirka. Markuu Safirku ku war helay Cawil oo u cadayn waayey sababta uu yimi laakiin dabadeed ka war helay (ethiopinka ayaa ku sheegay) inuu Cawil la kulmay C/Yusuf.  Tan iyo intii Adna ka ka tagtay wasaarada arrimaha dibeda, lama ogayn halka dawladani wax marinayso, dadkase waxay u sheegi jireen “mashriq iyo maqriba qadiyadeenii waanu gaadhsiiney”. Waxase cadaatay in xukuumada Riyale ay inala sugaysey Koonfur.

Shacabka Somaliland ha ogaado in UDUB ay ka go’antahay inay la jaanqaadi karaan Maslax, Morgan, Xasan Turki iyo ragan maalin walba caruurta bambaanada ku soo xidhaya.

Halka shacabka Somaliland lagu wanjalayo, ilaahay ayaa jooga oo mar walba u hiiliya ka la dulman.

Ibrahim Yusuf-Bulay

dhirsi@hotmail. com