Wariye Axmed Saleeban Dhuxul Oo Xadhigii Xaqdarada Ahaa Laga Sii Daayay

March 30, 2009

Ahmed Sulieman Dohol

HARGEYSA.  Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul oo si xaqdarada ugu xidhanaa xabsiga CID a ee magaalada Hargeyasa oo jidh dil aad u xunna loo gaystay ayaa laga soo daayay xabsigaas.

Wariye Axmed oo markii la xidhay ku sugnaa xarunta golaha guurtida gudanayayna hawl maalmeedkiisii shaqo ee ahayd saxfinimo ayaa illa maanta la is waydiinayaa dambiga loogu gaystay jidh dilka iyo xadhiga.  Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul oo ah tifaftiraha guud ee Idaacada Madaxa Banaan ee Horyaal, isla markaana xubin ka ah guddida fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, lama oga sababta dhabta ah ee xadhigiisa iyo cidda bixisay amarka lagu qabtay, waxaase loo malaynayaa in uu ku xidhiidhsan yahay fekerkiisa shakhsi ee uu aaminsan yahay.