Baaq Taageerya Mawqifka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Yimid Beesha Tumaalaha

http://www.somalilandgov.com/flag.htm

Anaga oo ah Qurbe jooga beesha tumaalood ee degan yurub iyo Waqooyiga America waxaanu halkan Ka Cadaynaynaa In qaraarkii aan laga fiirsan ee uu Golaha Guurtigu ugu Kordhiyay madaxweyne riyaale. Inuu ahaa mid ka hor imanaya sharciga iyo distoorka uyaal dalka.

Sida ku cad qodobbka 83aad qaybtiisa 5aad ee dastuurka Somalilaand Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa guurtidu xilka u kordhin kartaa oo keliya haddii ay jirto xaalad nabadgeliyo xumo. Somaliland waxa kajirta nabadgalyo taamo oo caalamka oodhami qiray Ma jirto xaalad nabdgeliyo xumo oo wadankeena ka jirta iminka.

Sidoo kale ma jiraan masiibooyin dabiicya oo haatan taagani sidaa darteed go aanka guurtida waxaanu u aragnaa mid qayrul dastuuriya oo aan dan u ahayn umada reer Somaliland sidoo kale waxaanu taageeraynaa go aanka uu gaadhay xisbiga KULMIYE oo aanu u aragno inuu yahay goaan lagu badbaadinayo dastuurka iyo dimuqraadiyada dalka, waxaanu sidoo kale ugu baaqaynaa shacbiga Somaliland inaanay marnaba aqbalin qaraarkasta oo kahor imanaya dastuurka dalka.

Alaahu Akbar
Mubaarik Jaamac Aadan
Amsterdam Holand