Beel Ka Mid Beelaha Hargeysa Oo Ku Soo Biirtay Xisbiga Kulmiye Deeq Lacag Ahna Gudoonsiisay Xisbiga

cabudhis yeeli mayno mudaharaad sharci ah ayaanu sharaftayada iyo dareenkayaga ku muujinaynaa, waxaan leeyahay Daahir Rayaale ha dhaco….Daahir Rayaale ha dhaco..”

Hargaysa (Togdhnews)- Xaflad lagu soo dhawaynayey beesha nuux Ismaaciil [H/Awal] iyo taageerayaal kale oo ku soo biiray xisbiga KULMIYE, ayaa maanta lagu qabtay Barxad weyn oo ku hortaala Hoteelka Crown ee magaalada Hargaysa, ka dib markii loo diiday loo diiday in ay Hoteelka ku qabsadaa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo xafladaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay inuu xafladaasi qiimaha leh oo meel banaan lagu qabtay uu ka qeyb galo. Waxaanu si weyn ugu mahadnaqay taageereyaasha ku soo biiray oo waliba Xisbigaas ugu deeqay qaadhaan toban kun oo Dollar ah.

“Xilkii Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisu berrito ayay dhammaanayaan waxaanu halkan ka caddeynaynaa inaan maalintaa wax ka dambeeya u aqoonsan doonin inuu Madaxweyne Dalkan ka yahay,  xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay doorasho xor iyo xalaal ah marka ugu horreysa ee ay qabsoonto uu isku taago waxaanu ku kalsoon yahay xoogga iyo kalsoonida taageerada dadweynaha uu haysto, marna ma aanaan diidin, Daahir Rayaaale Kaahin kalsooni darro uu ka qabo xisbiga KULMIYE inuu maanta yidhaahdo Hudheeladii xorta ahaa ma geli karaan” ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

https://i0.wp.com/www.hiiraan.com/news/2006/june/images/men.jpg?resize=512%2C384

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlayay mawqifka Xisbigaasi wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa in aan eray ka idhaahdo xaalada maanta Xisbiga KULMIYE halka uu taagan yahay waynu og-nahay waynu aragnaa oo xisbiga KULMIYE waxa lagu haystaa iyadoo loo diidan yahay Hudheeladii iyo banaanadii kale. Iyadoo shirarkooda ogol inay meel walba ku qabsadaan. Waxay og-yihiin in shacbiga Somaliland iyo ummadda reer Hargeysa ay taageersan yihiin oo ay ku kalsoon yihiin Xisbiga KULMIYE. Xisbigani wuxuu u dagaalamayaa xorriyada, horumarka iyo sharafka dalkan”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in marka ugu horreysa ee ay munaasib noqoto ay Taageereyaasha KULMIYE isugu soo baxayaan mudaharaad salmi ah oo uu ku dooday in dastuurku uu u baneynayo.

Md. Siilaanyo wuxuu tilmaamay in 6-da bishan April ay tahay maalintii la aasaasay Ururkii SNM, waxaanu yidhi “Berrito waa maalintii SNM la aasaasay waxay ahayd in la isugu yimaado fagaaraha beerta xoriyada, markii la ogaaday in shacbigu halkaasi isugu imanayo oo KULMIYE tagayo,

maanta warka soo baxayaa wuxuu leeyahay xafladii halkaa lagu qaban maayo, taas macnaheedu waxa weeye Halgankii ayaa halkaasi lagu dafiray oo cabudhiya ayaa la is leeyahay, cabudhis yeeli mayno mudaharaad sharci ah ayaanu sharaftayada iyo dareenkayaga ku muujinaynaa, waxaan leeyahay Daahir Rayaale ha dhaco….Daahir Rayaale ha dhaco..”

Guddoomiyuhu wuxuu cambaareeyay go’aankii muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweyne Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisa.

Muuse Biixi oo isaguna ka hadlay xafladaas ayaa waxa ay wax laga ku xumaado ku tilmaameen tallaabada loogu diiday in ay xaflada ku qabsadaan Hoteelka gudihiisa. “Waxaana u malaynayaa dad badan ayaa cadhaysan oo leh hotel ayaa la inoo diiday. Horta anigu (Muuse Biixi), mana xanaaqsani ciilna ma qabo, waayo waxa waxan sameeyay waxaan u arkayaa caruur igu khaldantay. Markaa dad aan isku xayd xaydba ma arko.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi “Dawladda maanta joogta wada hadlanay, waxaan leenahay xilkii uu kaa dhamaaday markay ay gaadho 6 bisha April.

Mar uu ka hadkayay cadaadisyada lagu hayo taageerayaashii Xisbiga KULMIYE u codeeyey, waxa uu yidhi “Waxaan la yaabanay UDUB waxaa u codeeyay dadweynaha reer Somaliland 42% Kulimiyena waxa u codeeyay 42% ayaa u codeeyay. markaa dadkii 42% ahaa ee u codeeyay Kulmiye 6 sanadood waxay ku lahaayeen waan ku xidhayaa, shaqada ayaa kaa eryayaa, qaran diid ayaad tahay, iskuulka waan kaa eryayaa, Hoteladii ayaan ku diidayaa. Intaaba waxaanu lahayd waar ilmaadeerayaal iyo walaalayaal waxa baynu wada leenahay ayaanu leenahay , weli kamaanu daalin ee aanu leenahay. Shalay (doraadna) hadal ayaanu soo saaranay oo waxaanu tidhi wada hadal ayaanu ogalnahay.

Waxaanu leenahay xukuumada dadweynaha reer Somaliland in isleeg ayaa ina doorataye haddii aanu idin ixtiraanay oo ay shan sano dhamaatay oo aanu ku darnay oo aanu waliba waanu idin leenahay amaanadii iga wada dhexaysay aanu ka wada tashanee dhexda soo dhiga, hadana waxaanu idin leenahay beri ayay ku eegtahay muddii la idin kordhiyaye oo soo dhiga aynu ka wada hadalnee.

Haddii aad diidaan sidii aad ka goysaan iyo wax ay idin la noqoto anaga (Kulmiye) waa noo gudoon nina yaanay la xumaanin.”

Axmed Muxumed Madar oo ka mida aqoonyahanada Somaliland ee ka tirsan  Xisbiga Kulmiye, waxaanu ku dheeraaday halgankii dheeraan ee ay ummada reer Somaliland u soo maray dib u xorayntii dalka, taas oo uu tilmaamay inay keenay dhibaatadii iyo cabudhintii uu ku hayay Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Axmed Muxumed Madar waxa kaloo uu sheegay  inuu shacabka Somaliland ay taa ka dagaalameen oo ay ka dhiidhiyeen, waxaanu ku eedeeyay xukuumada inay wado talaabooyinkii ay ku burburtay dawladdii Kaligii taliye Siyaad Barre waxaanu yidhi isagoo taa ka hadlay “Dalkan waxaa soo maray maamul sheegtay inuu leeyahay hantida ummada, cadaalada darro ku dhaqi jiray dalka, dadkuna markii ay dareemeen cadaalad daradii lagu hayay waa ay ka dhiidhiyeen, waxaanu ILAAHAY u soo ururkii la odhan jiray SNM oo laga dhawaaqay 1981-kii bishii April 6-dii Magaalada London. Waxaanu lahaa Ururka SNM kii dalkan Somaliland xoreeyay ee ka dul qaaday dulmigii iyo xaq daradii uu kaligii.

Maanta 28 sano ka dib markii halganku bilaabmay halkee ayaynu joognaa? Waxaynu joognaa halkii aynu ka dagaalnahay 28 sano ka hore, xaq daradii aynu ka dagaalanay ayaa maantana geedkan hoostiisa ku dareemaynaa maanta mar kale oo horteelna taala.

Waxaana leeyahay madaxweyne marka ay gaadho 6 bisha April meesha sharci aad ku fadhidaa kuuma yaaleen xilka isaga wareeji dantaada ayaa ku jirtee.haddii kale wixii ka ytimaad, waxa ka masuul ah maamulka maanta jira. Waxaana leeyahay oo aan halkan ka cadaynayaa qoladii maamulkii hore is hortaagtay way joogaan maanta hadii ay ahaan lahaayeen kuwii qoriga qaatay iyo haddii ay yihiin kuwii dadka kiciyay.”

Source/TogdheerNews…Hargaysa