Dahir Riyaalow, Distoor Iyo Doorashaad Ku Timi Diktaytarnimana Afweynaanu Ka Diidnay Adna Waad Is Lug Goysay !

https://i2.wp.com/www.somaliland.org/images/b/african_dictators.jpg?w=620
Bisha April 6deeda wixii ka dambeeya waxaad tahay shakhsi madani ah, kuuna aqoonsan mayno inaad tahay madaxweyne whps waxaanu ku aqoonsan doonna madaxweynihii hore.  Madaxda qaranka sharafta iyo qiimaha ay shacabkoodu u hayaan ma ah mid iskaga soo digta balse waa mid ay kasbadaan kuna mutaystaan waxay u qabteen dalkooda iyo dadkooda.

Waxaa kuu ayaan darro ah inaad dalkan waxba u qaban waxaad yeeshay mooyee. Waxaa lagagu xasuusanaya mid dalka iyo dalkaba xaalufiyay, taariikhdana waa mid ku daba socon doonta. Shacabka reer Somaliland barri oo Isniin ah taariikhduna tahay 6da April waxaad ogaataa inaad ku fadhido sharci darro, waxaad ogataa oo aad iska ilaalisa inaadan dalka rabshado iyo nabad galyo darro aanad ka samayn, waxaad iska jirta inaad ku dhaqanto fac’aail dalka qalalaasi ku abuuri kara, waxaa hubaal ah in aad is lug goysay adiga oo aan is hubsan kuwa ku lug goynayaana ay been kuu sheegeen in ay meel madhan kaaga cararaan !
Riyaalow is hubso !!

Cabdiraxman Maxamed Jamac

Hargeysa, Somaliland