Dhexdhexaadnimadii Commisionka dooroshooyinka Somaliland oo si rasmi ah u fashilmay.

Iyadoo dadweynaha reer Somaliland ay si fiican uga war hayeen karti darada iyo daacad darada commsion ku sheega doorashooyinka Somaliland u qaabilsanaa , ayaa hadana marba marka ka danbaysay waxa isasoo tarayey soo shaacbixida arinkaas oo runtii dadka  qaarkood aanay sidaas u fahansanayn. Bal u fiirsada ilaa iyo markii la, aas aasay commisionka waxay marayaan sadex gudoomiye, oo mid waliba khilaafka iyaga dhexdooda ka aloosmay iyo faragalinta Ina Riyaale awgeed oo xilka sii hayn kari waayey. Dadka qaarkood ayaa ku macneeyey inay isbedeladaas joogtada ahaa ee xilka gudoomiyenimada commisionku salka ku haysay faragalin qaawan oo maamulka ina Riyaale ku doonayey in commisionku ay ahaadaan kuwo si toosa isaga ugu adeega oo aan haba yaraatee  dhex u noqon sadexda xisbi qaran. Dadka sida tooska siyaasada Somaliland isha ugu haya waxa ay aaminsan yihiin in labadii gudoomiye ee hore xilka isaga casilay ay wax uun xeerinayeen una adkaysan kari waayeen faragalintii tooska ahayd ee Riyaale doonayey inay isaga u adeegaan.

Gudoomiyaha hada jira ee Commsionka doorashooyinka waxa uu u muuqdaa mid si toosa oo aan gabasho lahayn ula saftay maamulkan wakhtigiisu dhamaaday ee Riyaale. Waxa tusaale inoogu filan sida deg dega ah ee uu u fulinayo hadba sida Riyaale u doonayo in commisionku u dhaqmo, iyadoo waliba ay xisbiyada mucaaradka ahi hore ugaga cawdeen inuu u dhaqmayo sidii uu yahay afhayeenka Riyaale iyo UDUB halkii uu ku hadli lahaa af dhexdhexaadnimo oo mucaaradku aanay dhinac u arkin.

Mayd maxaa u danbeeyey kaa lasii sido. Beenaale markhaatigiisuu fogeeyaaye saw dad weynow ma aragtaan , sida khilaafkan cakiran ee hada dalka ka jira uu commisionku ugu milmay  ulana saftay dhinicii qaldanaa ee sharciga iyo dastuurka darjiidhay ee waliba sida badheedhka ah u khilaafay ( Ina Riyaale iyo Guurtiga ). Commisionku  waa kuwii iskaga dhawaaqay wakhti ay ku sheegeen in doorashadu qabsoomayso, iyadoo aanay ka fiirsan oo la og yahay in aan waxba u diyaar ahayn( 31/05/09). Xisbiga Kulmiye ayaa wakhtigaas hore ee la qabtay gaashaanka ku dhuftay, iyagoo ay xisbiga Kulmiye ogaadeen in xataa aanay wakhtigaas ay qabteen daacad ka ahayn oo aanay waxba ku qaban Karin. Waatan hada soo baxday in ay hadana wakhti kale oo aan loo fadhiyin oo waliba xisbiyadu diideen khilaaf xoog lihina ka aloosnaa ay ku dhawaaqeen( 27/09/09). Waxaa hadaba inoo cadaayay in commisionka awaamirta loo siiyo sida askarta madaxtooyada joogta ee Riyaale ilaalisa ayna meesha u joogaan inay fuliyaan hadba waxa Riyaale doonayo. Sidaa darteed yaan marna loo fadhiyin in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah inta nooca commisionka ee hada jiraa ay xilka hayaan.

Yasin Jamac Cali

London,UK