Filanwaa ,Wax Aad Dishaan Iyo Waxaad Xidhaan Mooyee Wax Kale Ma Taqaanaan.

Waxa aan doonaya inaan u jawaabo wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Axmed Maxamed Filanwaa oo dhowaan sheegay in uu soo xidhayo Gaboose, been uu sheegay ka dib, hadaba waxa aan weydiin lahaa wasiir-ku xigeenka, waaba caddaan inuu Dr Gaboose joogay kulankaa uu la qaatay madaxda ciidamada, wixii ay ku wada hadleenna wuu noo sheegay, ee hadii adigu aad leedahay waa la i baal maray oo la iima soo sheegin in ay u tegeyaan saraakiisha ciidamada yaa beenaale u eg.

Anigu aragtidayda waxaan u arkaa inaad beenaale tahay, waanaan dareemayey u tegitaankoodaasi ay u tageen Mudane Saqadhi / Taani inuu shaki iyo sas idin gelinayo xukuumad ku sheeg ahaan, waana hab siyaasadeed oo la idinkaga fiicnaaday in la idinka hoos duso oo dhegta ciidanka wax loo soo saaro dababdeedna la sheego wixii lagu wada hadlay idinna aad sas iyo miyir doorsoon ka qaadaan.

Laakiin waxa fool-xumo ah sida aad u dhigtay war-saxaafadeedka aad qabatay – horta wax aad dishaan iyo waxaad xidhaan mooyee wax kale ma taqaanaan.

Waa dhab in xukuumad ku sheegta aad ka mid tahay ay u xuub siibatay halkii laga raacay tii Siyaad Barre oo aan filayo inaad xil ka soo qabatay, dariiqeediina waad qaadeen, waxaana la gaadhay wakhtigii shacabku runta idiin sheeghi lahaa.

Gari ilaahay bay taqaanaaye waad gar darantihiin adiga iyo xukuumad ku sheegta aad ka tirsantahayba, qayral masuulnimo ay digtatooriyadi ku jirto ayaana idinka muuqata waanaad cago dhigan doontaan dhawaan.

Wabilaahi Tawfiiq

Mohamed Hussein Roble

roble4@gmail.com