Kumuu ahaa Taliyihii Hore Qaybta Boliska G/Togdheer Axmed Maxamuud Gutaale ?

guutaaleIndhihii Caafimaad qabaa way arkayaan waxqabadka Taliyihii qaybta booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale

Masuul kasta oo meel soo maraa, waxaa lagu xasuustaa wax qabadkiisa, uu ka geysto dhinacyada kala gedisan ee horumarka xilkaa hawlaha  ku xidhan, hadaba akhristoow dadweynaha Somaliland waxaa caado ah oo dhacda in marka uu masuulka wanaagsan uu ka tago xilka sababo kala gedisan awaadood, in amaantii shaqsigaas la bilaabo iyada oo si weyn looga sheekeeyo waxqabadkiisii kartidiisii iyo daacadnimadiisii.

Waxaa si kedis ah  looga xayuubiyey xilkii taliyihii qaybta booliska G/Togdheer Axmed Maxamed Maxamud Gutaale , iyadoo aan la sheegin sababaha rasmiga ah ee keenay xil-ka-qaadista  taliyahan ,iyadoo oo uu jiro dareen ku saabsan xil-ka-qaadista Taliyihii Qaybta Bileyska Togdheer, hadana Ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xukuumada sababta waqtigan keentay xilka ka qaadista taliyaha qaybta booliska Gobolka Togdheer, haseyeeshee sida ay laga soo xigtay ilo xogagaala oo ay xaqiijiyeen, in xil-ka-qaadistiisa loo aanaynayo ama ay la xidhiidho bannaanbaxii taageerayaasha xisbiga KULMIYE 6-dii April ku qabsadeen xaruntooda G/Togdheer, iyada oo habayaraatee aan wax rabshad ahi ka dhacin  oo loo aaneeyo xil-ka-qaadista taliyahan.

Taliyihii hore ee ciidanka qaybta booliska g/Togdheer gutaale  waxa uu ahaa saraakiishii mujaahidiintii Ururkii SNM, Isagoo ah shaqsi aad u wacan wuxuuna ahaa nin geesiya dadka qaarkoodna waxa ay ku magacaabi jireen mararka qaarkood Guurti marka arimaha nabada laga hadlaayo.

Intii uu xilka ka hayey G/Togdheer Waxaa ku shaqayn jirey marka wax dhacaan qaabkii masuulnimo ee uu uga hortago isku-dhac kasta oo Ciidamada Bileyska ay ka hawlgalaan  , isagoo markasta  uu Taliye Guutaale ka hawl-gali jirey qaab ay masuuliyadi ku dheehantahay, waxuu ku dadaali jirey in inaanay shacabkiisu  u arag ciidamadiisa  kuwo cadow la ah, isla markaana aanay Bileysku kula kicin markasta dadkooda  cago-jugleyn iyo hanjabaadyo , hawlkastana wuxuu u maamuli jirey hannaan fiican iyo deganaaasho ,iyadoo ay ku dhamaan jireen hawl kasta hab guul ah gebagabadiisu ,isagoo hadjeer uu maareynjiray mudaharaadyada G/Togdheer qaabkii boolisku u maareeyaan dibed-baxyada, iyagoo aanu qalabkii u dhamayn ,ayuu dadaali jirey.

Dhinaca kale Dadweynaha G/Togdheer ayaa xilka-qaadista Taliyihii hore Q/Boliska Gobolka Togdheer, iyagu walaac ka muujiyey  xil-ka-qaadista taliyaha qaybta booliska Axmed Maxamuud Guutaale, iyaga oo dadweynuhu garankarin masuulka bedelkiisa oo ay adagtahay inuu bedelo ama la helo taliyahoodii ay aad u jeclayeen ee Taliye  Axmed M.M. Guutaale .

Waxay sheegeen in ku shaqaynjirey habka in Ninka Booliska ahi shaqadiisa marka uu haysto, cidna lama saaxiib ahayn , ee uu nabadgelyada ayuu la saaxiib ahaa , taliyaha xilka laga qaaday ee Axmed Maxamed Guutaale oo ah nin inta badan isku daya inuu si masaalixo iyo deganaasho ah uga hawl galo marxlad kasta oo ka dhacda gobolka isla markaana ahaa nin dhamaan dhinacyada gobolku ay kalsooni weyn ku qabeen .

Sida aan la wada socono dad reer Somailand meel kasta oo uu ku nool yihiin Booliska Somaliland ayey saaran tahay nabadgelyadoodu, ka suuqa socda ee dhagax lagu dhufto ee dakhrama Booliska ayaa ah ka masuul ah, waana in ay soo caddeeyaan cidda dakhartay oo ay keenaan Booliska Somaliland ayaana taas xaq loogu leeyahay.

Waxa kale oo taliyuhu intii uu xilka hayey qabtay hawlo’aad u badan oo badi ku saabsan dhinaca nabadgelyada iyadoo intii uu joogay qabtay lacagtii u badnayd ee been abuur ahayd booliska qabto lacag  foojari ah oo dhan $7628 dolar (toddoba kun lix boqol iyo siddeed iyo labaatan dollar. Mr. Guutaale ayaa qabashadii lacagtaasi sheegay in lacagtani tahay lacag isku lambar ah oo been-abuur ah oo uu sheegay inay tahay tii ugu badnayd ee booliska Somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer gacanta ku dhigaan, taliyuhu waxa uu hadjeer uga digijirey  dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Togdheer inay ka feejignaadaan lacagaha been abuurka ah ee ka soo burqanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya, oo u sheegi jirey in ujeedada ka danbaysaa ay tahay oo la doonayo in lacagtan been-abuurka ah lagu dhaawaco dhaqaalaha dalka Somaliland.

Taliye Gutaale waxuu ahaa qof masuula oo ku shaqeeya hab qaran oo ay ka dheeratahay qabiilnimadu ,isagoo gaadhsiiyey G/Togdheer dhinaca nabadgelyada heer aad ay u fiicantahay nabadgelyadiisu uu amaan ku leeyahay isagoo caaqilada G/Togdheer uu ka saxeexay in  hawgalada booliska ay ku sameeyaan tuugta , haddii  lagu dilo in aan loo raacin Ciidanka Booliska ,arintaas oo uu ku guulaystay wax weyna ka tartay  tuugnimadii oo gebi-ahaanba la waayey magaalada Burco ka jirtay ,gegebadii Indhihii Caafimaad qabaa way arkayaan waxqabadka Taliyihii qaybta booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale
Mujaahid Cabdiraxmaan Cawil Xasan ,Burco ,Somaliland