UCID ma ina UDUB baa?

Marka ay adkaatee

Arimuhu cuslaadaan
Waa kuwaa ordaayee
aqalkiisa tegayee
Talinaaya Eexee
Amakaagu yaab lehe
UCID ma Ina UDUB baa?  

Duufaanka  siyaasadeed ee somaliland ka taagani waa kuwo aan dhex laga noqon karin oo u dhexeeya labo dhinac oo kala ah Dulmi doon( UDUB iyo Riyaale) iyo Dulmi diid(KULMIYE iyo Qaran).

Hadaba halkaad kaga jirto waxay ku xidhan tahay kaad labadaa dhinac taageersan tahay,waxaase  jira miisaan kale oo aan la garanaynin waxay doonayaan ama waxay diidayaan , waana Hogaanka xisbiga UCID oo aad moodo in xaalkiisu noqday (nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonayde,anigoo arkaayaan wadada eerigoo maray), ma KULMIYE ku xumee bay ka tahay danta qaranka , ma colaad ay reer u qabaan baa jirta , ma sub-station UDUB ah baa sidii horeba loo sheegay. si jawaabtaa loo helo waxa laga ogaanayaa  cida uu taageero arimahan taagan. Hadaba Hadii UCID cadaalad doonayso siduu u taageeraa fikrad kasta oo riyaale wato, sidee buuse labo xisbi u dhexdhexaadin karaa ,ileen waaba kala siyaasade.
Waxaa jiray dad badan oo u han weynaa xisbiga UCID oo candhuuftoodii dib u liqay arimuhuna waxaad moodaa inay burbur dal ku danbayn doonaan.

Waxaan waydiinayaa hogaanka xisbiga UCID su aalahan soo socda:
Faysal ma UDUB baad ka tisran tahay?
Miyaadan madaxweyne doonayn  inaad wadanka ka noqoto?
Ma run baa inaad xidhiidh gaar ah leedihiin Riyale oo naas nuujin lagu siiyo?
Ma tahay xisbi mucaarad ah mise KULMIYE ayaad mucaarad ku tahay.
Siyaasada ma casharaa kuugu dhiman oo waxaad dhamaystiraysaa wax kaa qabyo ah,
Hadaad isbedel doonayso oodan adigu rajo qabin maxaad u xaasidaysaa Xisbiga wax bedelay ee markasta UDUB marqaatigeeda u noqotaa?
Gudoomiye Maxaad doonaysaa maxaadse diidaysaa aanu ogaanee ?.
Gudoomiye waxay shacbigii leeyihiin:

Marka ay adkaatee
Arimuhu cuslaadaan
Waa kuwaa ordaayee
aqalkiisa tegayee
Talinaaya Eexee
Amakaagu yaab lehe
UCID ma Ina UDUB baa?

Mubarak M Nur