War Deg Deg ah: Maxamuud Xaaji Maxamed ( Dhoola-dahable) Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

Oday Maxamuud Xaaji Maxamed( Dhoola-dahable) oo ka mid ah Odayada waaweyn ee reer Hargeysa ayaa xabsiga maanta loo taxaabay maanta duhurkii. Xadhiga Maxamuud Xaaji Maxamed ( Dhoola-dahable) wuxuu ka danbeeyey ka dib markii ay isu soo bax sameeyeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye, waxayna ku taageerayeen go’aanka xisbiga Kulmiye.Isu soo baxaasi wuxuu ka dhacay Huteelka ( Crown) ee loo yaqaanay markii hore Areweelo.

Dadweyne kale oo badan oo ay ka mid yihiin aqoonyahano u dhuun daloola siyaasada Rayaale ayaa sheegaya in xadhiga Oday Dhoola-dahable aanu shaqo ku lahayn isu soo baxaas, laakiin ay tahay siyaasad ay goosatay xukuumada Rayaale oo ku soo xaraysaynayso odayaal badan oo ka soo jeeda beesha oday Dhoola-dahable. Waxaa wararku intaas ku darayaan in uu jiro raacdo iyo amar lagu soo xidhayo aqoonyahanka Cali Muxumed Guuled ( Cali Maarshaal) welina aan gacanta lagu soo qaban.

Xukuumada ayaa ka walaacsan shirar doceedyo ay wadaan beesha Xuseen Abokor, gaar ahaan Nuux Ismaaciil oo ay kaga wada hadlayaan, sidii looga tashan lahaa aayaha Somaliland, wararku waxay ku darayaan intaas in si aanu u qabsoomin shirweyne beeshaasi yeelato, shirkaas oo ay ka soo baxdo go’aan ka soo horjeeda xukuumada Somaliland mawqifkeeda siyaasadeed, si aanu midaasi u dhicin ay ku go’aansatay ayay wararku tibaaxayaan in la soo xidhxidho hormuudka iyo taloqabeenada reerkaas.

Oday Dhoola-dahable illaa hadda wax faahfaahin ah lagama bixin xadhiiga, waxaana illaa hadda lagu hayaa saldhiga Booliska ee Hargeysa.

Wixii ka soo kordha ee warar ah kala Osoc Somalilandfuture Online